Hiigsi One
Hadaadan qoslin ispitaal aad waa xanuun…see more
Yaa isku balamiyey labadaan 😂…See more
09/11/2025
Labadaan nin intiina badan waad wada taqaanaan Baan filayaa oo Nina mahadka cali baa la dhahaa ninna garyaqaan.
Labadduba isku wakhti Bay America taggeen oo waxay ahaayeen raggii darbigga ka booday.
Balse ninna fursadiisi waaka faa'iideystay oo durba waaka soo dhalaalay wadankii fursadda lahaa oo uu tagay. Ninna meeshii la rabay inuu fursadaan qaalligga ah ee soo martay ka faa'iideysto oo shaqeysto buu qabiil cay iyo meyti cay lasoo fariistay Aallada tiktok la yiraahdo ee soomaaliddu sidda foosha-xun ugu ilbaxday. Aakhirkiina waxay dhashay in lasoo tarxiillo oo maanta xamartii uu awal ka tahariibay dib looggu soo tuuro.
Fursaddu inta badan ragga waa soo wadda martaa balse nin rageedka unbaa ka faa'iideysta. Keep going my brother Mahad Ali Hussein halkaa kasii wad dedaalka.
Mahad waa director-ka Moon Media TV-gii eynu wararkii doorashadii America kala soconay.
15/11/2022
Waan Qalin-Jabiyay, Shaqana ma hayo
Talooyin ku socda Ardayda soo qalin-jabisay balse aan Shaqo helin:
1. Marka koowaad ha niyad jabin, hana murugoon. Shaqo raadintu waxay rabtaa dadaal iyo dulqaad. Ha is oran maxaa kaa qaldan. Shaqo la’aantu waa badan tahay, keligaana ma aha.
2. Baro xirfado kale kuwaasoo aad si bilaash ah uga baran karto internet-ka sida YouTube kuna shaqaysan karto. Qasab ma aha wixi aad soo baratay kaliya inaad shaqo ku hesho. Waxaa jira bogag & Apps xirfado cusub laga baran karo oo ay ku jiraan Jaamacado caan ah.
3. Shaqo ayaad abuuri kartaa oo iskaa u shaqaysan kartaa sida ganacsi yar. Waxaa jira fursado badan oo lacag yar lagu bilaabi karo. Runtii dhalin badan ayaana samaysay oo hal abuur cusub soo kordhisay. Inaad cid u shaqayso keliya ma aha.
4. Isku day inaad si mutadawacnimo ama iskaa wax u qabso ah aad ugu adeegi karto Bulshada. Waxaa jira hawlo badan oo is-xilqaan iyo samafalnimo ah deegaan kasta. Waxaad ka helaysaa waaya aragnimo, firfircooni iyo inaad mashquul noqoto.
5. Ha ku dhicin dabinka ah inaad aaminto in shaqooyinku Garab la isku geeyo, qof wax soo bartay aan la rabin. Fikradaha negative-ka ah saamayn ayay kugu yeelanyaan, stress badan ayaadna ka qaadaysaa.
6. Si gaar ah u baro xirfadaha hadalka iyo isgaarsiinta, Xiriirka shaqo, qoraalka, Luuqada, Qorshe sameynta, Teknoolajiyada, xisaabaadka, wada-xaajoodka, Xallinta mushkiladaha, iwm. Tayada iyo awoodaada ayay xoojinayaan.
7. Ballaari shabakadaada - La saaxiib dadka wax ku oolka ah ee shaqeeya ama ganacsiga sare leh, fikrado cusub bay kugu biirin karaan, fursado ku siin karaan, talooyin iyo tilmaan aad ka heli kartaan.
8. Badi Aqriska Buugaagta. Isku day maalin kasta inaad wax aqriso, daawato muuqaalo dhiirigelin iyo aqoon kororsi aad ka helayso.
9. Ducada iyo talo saarada Alle marnaba ha ka tagin. Xusuusnow Alle ayaa bixiya risiqa, fududeeya shaqada, qofkana waafajiya talaabada saxda ah.
10. Ka fogow inaad qabatinto Fadhi-ku-dirir ama Reaction bixin samayso taasoo gadaal kuu celinaysa, nervous-na kaa dhigaysa.
Adigu wixi aad soo baratay miyaad ku shaqaysaa mise wax ka duwan?
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Kisenyi
Kampala