Ina Wabar
14/04/2023
Arrinta cajiibka ah ee dhexmartay Achraf Hakimi iyo xaaskiisa h**e oo noqotay mid baraha bulshada aad u qabsatay.
Xaaska Achraf Hakimi Hiba Aboukhris Benslimane oo ka soo jeeda dalka Spain ayaa ka dalbatay Achraf furiin ,waxay dooneysay in ay hesho kala bar hantida ciyaaryahanka xulka kubbadda cagta Morocco iyo kooxd PSG.
Waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan horyaalka France ee Ligue 1, wuxuu qaataa in ka badan hal milyan oo Yuuro bishii.
Xaaskii h**e ayaa sidaas darteed lahaan lahayd inta ugu badan hantidiisa, Laakiin markii ay yimaadeen maxkamadda, waxay ogaadeen in Achraf Hakimi aysan wax hanti ah ugu jirin bangiga.
Achraf Hakimi waxa uu hantidiisa oo dhan ku qoran magaca hooyadiis Saida Mouh.
Intaa kaddib xaaska Achraf Hiba Aboukhris Benslimane ayaa maxkamadda ka baxday, iyadoo aan wax hanti ah ka helin nikeedii h**e.
Xigasho Astaan Sports
25/04/2022
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka, ficilladaas oo uu ugu dambeeyay isku daygii maanta lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu uga digayaa taliyeyaasha CIidammada Booliska iyo Nabad Sugidda in ay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa, shacabka Soomaaliyeedna waxa uu ka codsanayaa in ay isha ku hayaan dadka ka dambeeya abaabulka falalka lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka ayaa ku bogaadiyay sida geesinimada leh ee guddoonka KMG ee labada aqal u wadaan howsha doorashada,kuna dhiirrigeliyay in ay waajibaadkooda gutaan.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusuusinayaa xildhibaannada BJFS inay in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee dalka waxa uuna ku dhiirrigelinayaa in ay u miboobaan dhammeystirka doorashada dalka si looga gudbo marxaladdan adag.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Waaberi Road
Mogadishu
Opening Hours
| Monday | 07:00 - 23:00 |
| Tuesday | 07:00 - 23:00 |
| Wednesday | 07:00 - 23:00 |
| Thursday | 07:00 - 23:00 |
| Friday | 07:00 - 17:00 |
| Saturday | 07:00 - 23:00 |
| Sunday | 07:00 - 23:00 |