GoolkaTv
16/01/2024
GO'AANKA KGS EE TARTANKA?
Wax badan ayaan ku celceliyay in K/ Galbeed iyo bulshadeeda aysan diyaar u aheyn tartanka, kuna soo laaban doonin Muqdisho.
Go'aanka waa sidii, waana xaqiiq masoo laaban doonaan, mana sii ciyaari doonaan tartanka sida uu xaqiijiyay Axmed Doolar oo ah gudoomiyaha ururka kubadda cagta KGS.
Sidoo kale Axmed wuxuu eedaha dhibaatooyinkii soo gaaray dusha uga tuuray dayaca Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha.
Wuxuu ka dhawaajiyay Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha JFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud inuu ku fashilmay agaasimka & qurxinta tartanka, sidaas darteedna ay kubadda cagta u qurux badan tahay inuu ka hor wareego.
KGS waxey leedahay ciyaaraha waa la siyaasadeeyay, waana in laga dhex saaro 🤝
Sidee u aragtaa? 👇🏽
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Maka Al Mukarama
Mogadishu
252