Ma Sheegee Marka

Ma Sheegee Marka

Share

07/04/2026

❤️🇮🇷 DEG-DEG:

Muwaadiniinta Iran ayaa bilaabay inay sameeyaan silsilado dadweyne (human chains) oo ka socda guud ahaan dalka, gaar ahaan buundooyinka iyo agagaarka kaabeyaasha muhiimka ah, si ay u ilaaliyaan dalkooda ugana difaacaan weerarro suurtagal ah oo kaga iman kara Mareykanka iyo Israa’iil.

05/04/2026

Xiisadaha Bariga Dhexe Oo Sii Kordhaya:

Kadib markii Trump uu Talaadada soo socota ku hanjabay inuu duqeyn doono xarumaha korontada iyo buundooyinka Iran haddii Jamhuuriyadda Islaamiga ah aysan dib u furin marin-biyoodka Hormuz, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa soo saaray digniin adag.
IRGC waxay sheegtay in haddii Trump uu fuliyo hanjabaadihiisa, Iran ay xiri doonto marin-biyoodka Bab el-Mandeb ee u dhow Yemen.

Kuwa aan aqoon u lahayn muhiimada marin-biyoodkan:

Qiyaastii 12% ganacsiga caalamka ayaa sanad kasta mara Bab el-Mandeb.
Iran waxay sidoo kale ka digtay: “Haddii Aqalka Cad uu ku fikiro inuu ku celiyo khaladaadkiisii nacasnimada ahaa, si degdeg ah ayuu u ogaan doonaa in socodka tamarta iyo ganacsiga caalamka lagu carqaladeyn karo hal amar oo keliya.”

Want your business to be the top-listed Realtor/realty Service in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Maka Al-mukarama Street
Mogadishu