Amana Bank

Amana Bank

Share

01/04/2026

Amana Bank waxaan si wanaagsan u soo dhaweyneynaa ku-biirista Bangiga Dhexe ee Soomaaliya nidaamka PAPSS, tallaabo muhiim ah oo fududeynaysa lacag-wareejinta Afrika isla markaana xoojinaysa horumarka maaliyadeed ee dalka.
Tani waa guul qaran oo furaysa fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi.

๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐‡๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐œ๐š๐ -๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐œ๐š (๐๐€๐๐’๐’)

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS) wuxuu si rasmi ah ugu biiray hannaanka lacag-bixinta ee loo yaqaan PAPSS (Pan-African Payment and Settlement System), oo ah nidaam isku xira lacag-wareejinta ee waddamada qaaradda Afrika.

Tallaabadan muhiimka ah waxay qayb ka yahay dadaallada lagu dhisayo nidaamka maaliyadda dalka, si'uu u noqdo mid casri ah, oo dunida ku xiran, isla markaana fududeynaya:

โ€” Adeegga lacag-bixinta dalka iyo dibeddaba.
โ€” Isku xirnaanta nidaamyada maaliyadeed ee heer qaaradeed.
โ€” Kor u qaadista ganacsiga iyo is-dhexgalka dhaqaale ee qaaradda Africa.
โ€” Soojiidashada Maalgashiga ee Soomaaliya.

Soomaalidu waa dad caan ku ah hal-abuurka ganacsiga iyo maalgashiga, lehna taariikh dheer oo ku saabsan isku la macaamilka suuqyada dibedda. Ka midnoqoshada hannaanka PAPSS waxay sii xoojinaysaa dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee aynu la leenahay qaaradda, iyadoo u sahleysa ganacsatada Soomaaliyeed in ay si sahlan oo degdeg ah, ula macaamilaan suuqyada Afrika, kana faaโ€™iidaystaan fursadaha ganacsi ee sii kordhaya.

Bankiga Dhexe waxaa ka go'an horumarinta kaabayaasha maaliyadeed ee dalka, si loo helo hannaan maaliyadeed oo xasilloon, isla markaana waafaqsan nidaamka maaliyadeed ee caalamka.

Photos from Amana Bank's post 24/03/2026

Adiga oo isticmaalaya AmanaPay, waxaad si fudud oo degdeg ah ugu heli kartaa adeegga SIPS, kaas oo kuu sahlaaya inaad lacago si degdeg ah ugu kala dirto dhammaan bangiyada dalka. ๐Ÿ’ณโœจ

โœ”๏ธ Degdeg
โœ”๏ธ Ammaan
โœ”๏ธ 24/7

๐Ÿš€ la soo deg AmanaPay maanta, oo la soco adeegyada casriga ah ee lacag dirista!

Halkaan kala soo deg: https://onelink.to/4azb2h

19/03/2026

Bulshadeenna Soomaaliyeed iyo saaxiibbada qaaliga ah ee halkaan nagala socda,
Waxaan idinla wadaageynaa hambalyo diirran oo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Fidriga. ๐ŸŽ‰๐ŸŒ™
Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaadihii iyo camalkii suubbanaa, hana inoo barakeeyo ciiddaan farxaddeeda.
Waxaan Alle ka baryeynaa in uu nagu gaarsiiyo sannado badan oo barwaaqo, caafimaad iyo nabad leh.
ุนูŠุฏ ู…ุจุงุฑูƒุŒ ูƒู„ ุนุงู… ูˆุฃู†ุชู… ุจุฎูŠุฑ ๐Ÿค

Want your business to be the top-listed Finance Company in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Trepiano
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00