Midnimo School foundation
25/05/2026
Waxaa shalay si heer sare ah u qabsoomay tartanka kubadda cagta ee u dhexeeyay fasallada Form 2 iyo Grade 7, iyadoo ciyaar xiiso badan kadib ay guushu raacday fasalka Grade 7 oo ku adkaaday natiijo dhan 7–3.
Sidoo kale, waxaa horey ugu soo baxay wareegga semifinal-ka koobka kubadda cagta ee Dugsiga Midnimo fasalka 8aad, kadib markii ay guul ka gaareen fasalka Form 4. Haddana waxaa ku soo biiray fasalka dariska la ah ee Grade 7 oo isna xaqiijiyay u soo bixitaanka semifinal-ka. Waxa ay tani muujinaysaa tartan adag iyo in fasallada dugsiga dhexe ay si weyn uga dhex muuqdeen koobka sanadkan, halka fasalladii dugsiga sare qaarkood ay tartanka ka hareen.
Dhanka kale, dhammaan indhaha iyo xiisaha taageerayaashu waxay ku wajahan yihiin kulanka adag ee la filayo inuu dhex maro fasallada Form 1 iyo Form 3, kaasoo qabsoomi doona Axadda soo aaddan, Insha Allah. Kulankan ayaa la filayaa inuu noqdo mid si weyn loo wada sugayo kana mid noqda ciyaaraha ugu xiisaha badan tartanka.
18/05/2026
Waxaa shalay oo taariikhdu eheed 17 bisha May 2026 furmay koobka kubada cagta ee dugsiga Midnimo kaas oo u dhaxeeya fasalada Form4 ilaa grade 7.
Koobkaan oo ah mid loo qabto sanadle ayaa maamulka iskuulka waxuu ugu tala galay in ay ardayda ku tartamaan kubada cagta si ay oga helaan fir fircooni iyo maskax caafimaad qabta oo u diyaarsan wax barashada.
Tartamada iskuulka kuma eka kubada cagta sidoo kale waxaa jira tartamo kale ee dhanka aqoonta ah oo u dhaxeeya dhamaan fasalada uu ka koobanyahay dugsiga Midnimo.
Nasiib wacan dhamaan fasalada nasiibka u yeeshay iney ciyaaraan koobka kubada cagta ee dugsiga Midnimo.
Fasalkee ayaad adiga is leedahay wuu qaadayaa koobka?
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Mogadishu