Tabaarak ICT

Tabaarak ICT

Share

TABAARAK ICT SOLUTIONS IS A PRIVATE COMPANY THAT WAS ESTABLISHED IN 2011 IN MOGADISHU, IT IS A LEADING TECH COMPANY IN SOMALIA, RENOWNED FOR ITS INNOVATION AND POSITIVE IMPACT ON BUSINESSES AND COMMUNITIES, AND NOW IS πˆπ’πŽ π‚π„π‘π“πˆπ…πˆπ„πƒ.

25/05/2026

𝐌𝐚𝐚π₯𝐒𝐧𝐭𝐚 π‚πšπ«πšπŸπ¨ 𝐰𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚π₯𝐒𝐧 𝐀𝐑𝐞𝐲𝐫 𝐒𝐲𝐨 ππšπ¦π›π’ πƒπ‘πšπšπŸ.
Nebi Muxammed (SCW) Wuxuu yiri:
β€œSoomitaanka maalinta Carafo waxaa lagaaga dhaafayaa dambiyada Sanadkii h**e iyo kan soo socda.”
Waxaa soo wariyay Imaamu Muslim.

Photos from Tabaarak ICT's post 21/05/2026

Waxaa si heer sare ah maanta loo soo gabagabeeyey shirweynihi AI Everything Kenya X GITEX Kenya oo ka dhacayey Nairobi.

Madasha ayaa looga hadlay mustaqbalka garaad gacmeedka Afrika, diyaar garowga garaad gacameedka, sharciyeynta teknoolojiyadda casriga ah, amniga dhanka internet-ka iyo sidii Afrika uga qayb qaadan lahayd horumarinta garaad gacameedka caalamka.

Tabaarak ICT waxaa halkaas ku matalayey Madaxa Horumarinta Wax Soo Saarka Yusha Ali Ahmed, Madaxa Teknolojiyadda Shafici Cabdi, iyo injineero ka tirsan qaybta garaad gacameed ee shirkadda.

Shirkan ayaa ahaa madal muhiim ah oo lagu is dhaafsaday aragtiyo cusub, laguna xoojiyay xiriirrada iyo iskaashiyada dhanka teknoolojiyadda iyo garaad gacameedka.

Photos from Tabaarak ICT's post 12/05/2026

Kulankii Howlwadeenada Tabaarak ICT wuxuu ahaa kulan muujinayey wadashaqeynta, wadajirka, dadaalka, iyo himilada ay wadaagaan dhammaan shaqaalaha shirkaddu. Waxaa halkaas ka muuqatay karti, iskaashi, iyo aragti mideysan oo muujinaysa halka ay Tabaarak ICT u socoto.

Kulankan oo ahaa mid sanadle ah ayaa noqday fursad uu maamulku ku dhiirrigeliyey shaqaalaha, lagu abaalmariyey dadaalka, kartida iyo ka go’naashaha ay muujiyeen, iyadoo lagu xoojiyey xiriirka ka dhexeeya maamulka iyo howlwadeenada.

Waxaan uga mahadcelineynaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay diyaarinta iyo hirgelinta kulankan quruxda badan. Guusha Tabaarak ICT waxay ku dhisan tahay Howlwadeeno leh hufnaan, hal-abuur, iyo ka go’naansho.

Ugu dambeyn, waxaan rajeyneynaa in kulankan uu noqdo mid sii xoojiya wada shaqeynta, horumarka, iyo safarkeena.



#2026

Want your business to be the top-listed Computer & Electronics Service in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Address


Maka Al-Mukarama Street/Hodan
Mogadishu
00252

Opening Hours

Monday 07:30 - 22:00
Tuesday 07:30 - 22:00
Wednesday 07:30 - 22:00
Thursday 07:30 - 22:00
Saturday 07:30 - 22:00
Sunday 07:30 - 22:00