Somali Health Development Association
Ramadan Mubarak to all Muslims
Wherever you are.
May Allah make us those who take advantage of the blessings of this month Ramadan.
Insha Allah❤🌃.
10/11/2023
Guddumiyaha Ururka Hormarinta Caafimaadka Ee Soomaalia Mr Abdirizak Omar Ayaa Hambalyo U Diray Agaasime
DrJalaaludiin Yusuf Ahmed waa xaqiiq in Hospital De Martino Public Hospital yahay Midka Ugu Wanagsan Dalka Dadaalkaada Ayaana Halkaas lagu Gaaray. MAHADSANID
Mudane Wasiir Dr. Ali Haji Adam Kasoo qeeb kal kaaga waan kaaga mahad celineynaa Iyo shaqada qaranka u hayso Mahadsanid
01/08/2023
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS H.E Dr Ali Haji Aden.
"Naas-nuujinta waxay ka qeyb qaadataa nafaqasiinta Caruurta sidaas darteed waxaan adkeynaynaa goob kasta oo shaqo in laga sameeyo meel u cayiman in Hooyadu Caruurteeda ku Nuujiso"
"Waxaan sidoo kale golaha Wasiiradda horgayn doonna sharciyo iyo xeerar xakameynaya waxyaabaha xayeysiimaha badan loo sameeyo ee meesha ka saaraysa Naas-nuujinta"
01/08/2023
𝟏 𝐀𝐮𝐠𝐮𝐬𝐭 𝟐𝟎𝟐𝟑 𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐬𝐛𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐍𝐚𝐚𝐬-𝐧𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐱𝐮𝐬𝐨 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐧.
Munaasabadda waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam waxaanna kasoo qeybgaley Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryama Maxamed Xuseen, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Shaqada arrimaha bulshada XFS Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mas'uuliin ka socotey Maamulka Gobolka Banaadir, xubno sare oo ka socday Hey'addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Dhaqaatiir, bahda Caafimaadka, iyo marti sharaf kale.
Munaasabadda Xuska todobaadka ayaa ujeedadeedu tahay in hooyooyinka lagu dhiirigelliyo iyo in ay nuujiyaan dhallaankooda dhawaan dhashay si kor loogu qaado difaacooda jirka, naaska hooyada waxa Kujira nafaqo dhameystiran oo ilmuhu ubaahanyahay ilaa uu ka gaarayo 6 da bilood ee ugu horeysa Naaska hooyada waxa uu sidoo kale kordhiyaa Garadka caruurta kaas oo ka dhiga ilmaha mid Caqli badan Maskax iyo jir ahaanna u fiyoow, Wuxuu kaloo ka hortaga xanuunada caabuqa ee ku dhaca Neef mareenka Cunaha iyo Dhagaha.
Halku dhigga Sanadkan ee ay qaadatey Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ah "Fursad u siinta Haweenka shaqeeya, in ay Caruurtooda Naaska nuujiyaan waa waajib bulsho".
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Maka Al-Mukarama
Mogadishu
0615947324