Wariye Bk

Wariye Bk

Share

Photos from Wariye Bk's post 09/06/2026

Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Degmada Beledxaawo, Mudane Xasan Maxamed Salaad, ayaa kormeer ku tagay goob Cusoba oo lagu talagalay qashinka laga soo uruuriyo xaafadaha degmada Beledxaawo.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimeynta habsami u socodka nadaafadda degmada,
sidii loo xoojin lahaa ilaalinta deegaanka iyo caafimaadka bulshada.

Waxaa qeyba wen ka qatay in Qashinka laga fugayo magalada maamulka degmada, qeybaha kala duwan ee bulshada, ganacsatada degmada, iyo shirkada ka shaqeso nadaafadda ee Biilac Deegan .

Mudane Xasan Maxamed Salaad ayaa ku ammaanay dadaalka lagu ilaalinayo bilicda degmada, wuxuuna ku boorriyay dhammaan qeybaha bulshada in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan nadaafadda iyo ilaalinta deegaanka, maadaama ay door weyn ka qaadato caafimaadka iyo horumarka bulshada.

Photos from Wariye Bk's post 09/06/2026

Maanta waxaa shir muhiim ah uu ka qabsoomay xafiiska Guddoomiyaha Degmada Baladxaawo kaas oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Degmada mudan Hassan sumac Mohammed iyadoo ay wehlinayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada side Madaxa Mashariicda iyo Xiriirka Hay’adaha degmada, mudane Maxamed Faarax xogahaya Arrimaha Bulshada Mudane Xasan Maxamed Salaad
iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka degmada

Masuuliyiinta degmada ayaa xafiiska Guddoomiyaha ku qaabilay wakiillada hay’adaha ka hawlgala gudaha degmada Baladxaawo. Kulankan ayaa ahaa mid
is -barasho iyo is-xogwaraysi ah kaas oo lagu xoojinayay wada-shaqaynta ka dhaxaysa maamulka degmada iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bulshada, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo taageerada bulshada.

Intii uu kulanku socday, dhinacyadu waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee degmada, baahiyaha mudnaanta leh ee bulshada iyo sidii la iskaga kaashan lahaa hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo kor u qaadaya adeegyada bulshada iyo horumarka degmada

Guddoomiyaha Degmada Baladxaawo ayaa uga mahadceliyay hay’adaha doorka ay ka qaataan taageerada bulshada, wuxuuna adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn joogto ah iyo isku-duwidda hawlaha si loo gaaro adeeg hufan oo bulshada waxtar u leh

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku saabsan sii xoojinta wada-shaqaynta iyo is-dhaafsiga xogaha muhiimka ah ee la xiriira horumarka iyo danta guud ee degmada Baladxaawo

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Baled Xawo Gedo Somali
Mogadishu