Eng-Moos

Eng-Moos

Share

12/05/2025

Captain Ibrahim tarore oo ka jawaabaya hadal uu madaxwaynaha faransiiska ee macron yiri oo ahaa, "madaxda africaanku waa inay nooga mahadceliyaan annaga (farasnsiiska) waxa aan u qabanay"

Traore ayaa ugu jawaabay macron "hadii aadan mulxid (diin laawe) ahayn oo ay jirto cid aad caabudo, Subaxa h**e marka aad soo kacdo waa inaad u ducaysaa Africa iyo dadkeeda, sababtoo ah annaga iyo awoowayaasheen dartood ayuu faransiisku wax ku yahay maanta"

28/04/2025

Geesi haddaa maqasho waa kan waa kuma Farxaan Malaay Geesigii Awdheegle lagu waayay la iskana ilaaway.

Farxaan Maxamed Jimcaale oo loo yaqaanay ( Farxaan Malaay ) wuxuu ahaa taliyihii Saldhigga Awdheegle Khawaarijtii ayaana 15-ka ramadaan ku soo weerartay saldhigga Awdheegle Taliyaha iyo ciidankiisii jilbaha ayeey u dhigteen dagaalka oo dhowr saacadood socday kadib wararka ayaa xilligaa xaqiijiyay in taliye Farxaan uu dhintay ilaa iyo maantana nolol iyo Geeri midna waa lagu la'yahay.

Hadaba maanta Farxaan haddii uu geeriyooday wuxuu mudan yahay in Madaxda Qaranka ee maamuusto qoyskiisana qalbiga loo qaboojiyo Ahmed Moallim Fiqi oo ah wasiirka Gaashaandhigga shaqaddaa inuu ka soo bixi karo waa aaminsanahay Farxaan oo kalana in la iska ilaabana ciidanka kale ayeey qalbigooda dileysaa.

Allaha u naxariisto Geesi Qaran Farxaan Malaay.

28/04/2025

"Ninkii furin dagaal ka soo baxa waa dil toogasho ah, haddaan dilkii gaari waynana wax u dhigma oo xabsi dheer ah ayey la kulmayaan, kaliya qofkii arrinta sameeyey ma ahan Hooyadii iyo Aabihiina waa lajiraan ciqaabtay wax ka qaadanayaan", Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shubka).

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Mogadishu