Somali Observer

Somali Observer

Share

Bringing you reliable news, thoughtful insights, and updates across science, entertainment, politics, sports, and beyond.

16/06/2026

5 qof ayaa ku dhimatay 2 kalena ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay duleedka Muqdishu.

16/06/2026

Ugu dambayn, Madaxweynaha Somaliland ayaa booqasho ku tagay darbiga ay ku cibaadaystaan dadka Yuhuudda ah ee loo yaqaan Wailing Wall (Darbiga Ooyinta).

Waa maxay darbigan?

Darbigan waa qaybta keliya ee ka hadhay derbigii ku wareegsanaa Macbudkii Labaad (Second Temple), kaas oo ay burburiyeen ciidamadii Boqortooyada Roomaanka sannadkii 70-kii Miilaadiga.

Waa goobta ugu barakaysan ee ay Yuhuuddu si xor ah ugu tukadaan, waxaana loo tixgeliyaa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan diinta Yuhuudda.

Dad badan oo booqda goobtan ayaa waraaqo ay ku qoran yihiin ducooyin iyo codsiyo ku dhex rida dildilaacyada dhagxaanta darbiga.

Ilaa hadda lama oga in Madaxweyne Cirro lagu qasbay inuu halkaas tago, isla markaana ay ka mid tahay shuruudaha aqoonsiga la raadinayo, iyo in uu si ikhtiyaari ah u booqday ama u cibaadaysanayay

16/06/2026

Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynihii h**e ee maamulka Somaliland.

16/06/2026

Wasiirka Amniga Israel Ben Gvir ayaa sheegay inuu iska dhaafay safar uu ku tagi lahaa Mareykanka ka dib markii lagu adkeeyey Visa-da America.

Trump ayaa u muuqda inuu Israel xariga u jaray asaga oo h**ey ugu hanjabay markii Israel duqeysay Lubnaan.

16/06/2026

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Netanyahu, ayaa shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ku sheegay in sida Somaliland ay u doonayso aqoonsi caalami ah, ay Israa’iilna u raadineyso in dunidu aqoonsato Qudus inay tahay caasimaddeeda.

Netanyahu ayaa yiri: “Sida aad uga filaysaan dalalka inay aqoonsadaan madaxbannaanidiinna iyo xuquuqdiinna qaran, annaguna waxaan aaminsanahay xuquuqdayada ku aaddan caasimaddayada Qudus. Qudus waxay ahayd caasimadda shacabka Yuhuudda tan iyo xilligii Nabi Daa’uud, ku dhowaad 3,000 sano ka hor.”

Hadalka Natanayahu ayaa muujinaayo in aqoonsiga Somaliland ay sharuud ku xirneyd inay ayagana aqoonsadaan in Qudus Shariif ay tahay caasimada Israel safaaradna ka furtaan taas oo caro wayn ka abuurtay aduunka oo dhan.

Want your business to be the top-listed Advertising & Marketing Company in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Address


Km 4, Hodan District Makka Mukarama Road
Hargeisa