Swift Media

Swift Media

Share

26/12/2024

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki.

Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa looga hadlay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Xasan iyo Afwerki ayaa hoosta ka xariiqay in sugidda iyo dammaanad qaadka xasilloonida Soomaaliya uu laf-dhabar u yahay guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Labada hogaamiye ayaa sidoo kale waxay si qoto dheer uga wada-hadleen ajendayaasha muhiimka ah, sida arrinta badda, gaar ahaan heshiiskii ay Ankara ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay haatan wal-wal ka muujineyso xuukumadda Asmara.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo madasha ka hadlay ayaa xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gobolka uu iska saaro fara-gelinta dibadda, "Haddii ay dhacdo, waxaa muhiim ah in gobolku uu wax ka qabto oo uu xaliyo caqabadaha u gaarka ah," ayuu yiri Afwerki.

Photos from Swift Media's post 21/12/2024

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay Shirka Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoona ka warbixiyay shaqooyinka iyo howlaha ka socda Xafiisyada, Caqabadaha iyo horumarada laga gaaray dhinacyada Maaliyadda, Amniga, Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Howlaha Guud.

Guddoomiye Amiir ayaa kula dar-daarmay Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir sidii loo dar-dargelin lahaa qorshayaasha lagu horumarinaayo Caasimadda iyo in Bulshada Gobolka Banaadir la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod sidii ay usoo dooran lahaayeen hogaankooda.

Want your business to be the top-listed Media Company in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Mogadishu
0000

Opening Hours

Monday 06:00 - 18:00
Tuesday 06:00 - 18:00
Wednesday 06:00 - 05:59
Thursday 06:00 - 23:59