UDUB POST
03/02/2023
Madaxwaynaha ugu beenta iyo musuqmaasuqa badan ee 2022 Ahmed Abdi Kaarie
24/01/2023
Jamal Muhumed Osman
Abwaan Goos Gooste tix gabay BARAARUG
17/10/2022
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa galabta kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somaalida, Mudane Mustafa Maxamuud Cumar, kaasi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Deegaanka.
Madaxweyne Mustafa ayaa warbixin guud ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa xaaladda deegaanka iyo mashaariicda horumarineed ee Dowlad Deegaanku ka hirgelisay gobollada mudadii afarta sano ee ay xilka hayeen.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, waxaana uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay xilligan in iskaashi dhaw iyo wadashaqeyn buuxda laga sameeyo la dagaallanka iyo dabargoynta kooxda argagixisada ah ee dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka kadib Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxay soo booqdeen xarumo kala duwan oo ay ka hawlgalaan hey’adaha Dowlad Deegaanka iyo xarun weyn oo loo dhisayo Baarlamaanka Dowlad Deegaanka.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Taleex
Mogadishu
011