Ruush

Ruush

Share

14/10/2025

XOG:- Itoobiya & Imaaraadka ayaa billaabay qorshe weyn oo halis gelinaya midnimada JFS, kadib kulamo gooni gooni ah oo ka socday labadaasi dal oo ay yeelanayeen saraakiil diblumaasiyiin ah iyo kuwa amni oo labada dhinac ah, haddana gaaray heer loosoo bandhigo Madaxda Qaranka ee dowladda Soomaaliya.

Safarkii shalay ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lahaa ujeeddo qarsoon oo ku saabsan dib usoo nooleynta heshiiskii dekadda Bar-bara oo ay qeyb ka ahaayeen Imaaraadka, Itoobiya & Somaliland, kaas oo dhaawacayay midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida JFS.

Ilo diblumaasi ah ayaa u sheegay Barrow Show in Madaxweyne Xasan Sheekh uu la yeeshay kulan aad xogtiisa loo qariyay Abiy Ahmed & xubno Imaaraad ah, waxaana la isla soo qaaday in la qabto fadhi gaar ah oo la isugu keenayo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro & MW Xasan Sheekh, dhanka Soomaaliyana laga fasaxo heshiiska dekadda Ber-bera, bedelkeedana Muqdisho la siin doono dhaqaalihii uu horay Imaaraadku u bixin jiray.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in uu aqbalay qorshahaas, waxaana berri Itoobiya u safraya Madaxweunaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, oo maanta dib ugu laabtay Hargeysa, kadib safar uu ku joogay Imaaraadka oo qaatay muddo laba isbuuc ah.

Safarkii shalay ee Madaxweynaha Soomaaliya ma jirin wafdi xooggan oo raacay, marka laga reebo xubin ka tirsan xukuumadda oo aad ugu dhow Itoobiya, malafka kiiskaan adagna ka shaqeynaya.

Maalmaha soo socda ayey wax badan bannaanka usoo bixi doonaan, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhowaan safar kale oo isla qorshahaan la xiriira uu ku aadi doono Nairobi, kulanna uu kula yeelan doono xubno ka socda dowladda Imaaraadka.
Maantane waxaa Ethiopia usafray madaxweyne ciro
Wixii soo socdo iyo wabiga yaa weyn

29/08/2025

🚨 BREAKING: Arsenal iyo Bayer Leverkusen ayaa saacadda soo socota wada fadhiisan doona si ay u dhammeeyaan saxiixa Piero Hincapié. 🇪🇨 [HandofArsenal]

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Xamar
Mogadishu
252