GODLE Community

GODLE Community

Share

30/04/2024

Waxaan Maanta si Rasmi ah loo magacaabay shaqaalaha cusub Ee Loo qaatay Xafiiska African Union Magaalada Cairo Ee Dalka masar kaas oo si gaar ah uga shaqayn doona Dib u dhiska iyo Hormarinta wadamada ka soo kabanayo colaadaha oo ay Soomali ka mid tahay!!!
Ali Sai'd Ali Sheikh
Congratulations

30/06/2022

Waziirkii h**e ee maaliyadda DFS,
Mohammed Aden Farkeeti.

Nuqul kamid ah kalmaddiisii xalay ee soo dhaweyntii Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Runtii sharaf weyn ayay ii tahay caawa inaan kasoo qeybgalo kulankaan sida quruxda badan loo soo abaabulay oo ujeedkiisuna yahay inaan kusoo dhaweyno, ku marxabbeyno, kuna taageerno Raysal wasaaraheenna.
Mudane Raysal wasaare waxaan ku leenahay Hambalyo, xilka culus ee laguugu aaminay illaahey hakula garabgalo, annagane garabkaaga ayaan taagannahay.

Waxaan rabaa labo qodob keliya inaan dul istaago, Malaysiya aniga shaqsi ahaan waxaan tagey June-1990, waxaan kamid ahaa afartii arday ugu horreysey oo jaamacad malaysiya ah ka qalanjebisa sannadkii 1994, runtii waqtigaasi soomaali badan wadanka majoogin.

Runtii Malaysiya qeyb weyn ayay ka qaadatay in Soomaaliya xal loo helo, ciidamo ayay u dirtay laba jeer, dad ayaa kaga dhintay, runtii Investment badan ayay wadanka diyaar ula ahaayeen laakiin nasiib darro, waqtigaasi waxay aheyd waqti colaadeed, waxbadanna lagama faa'ideysanin.

Mudane Raysal wasaare, waxaan rabaa in Jabterka Malaysiya dib loo furo sababtoo ah, waa waddan Muslim ah, waddan aan aad ugu najaxnay, runtii natiijadeedana adaa noo ah caawa tusaale.

Malaysiya waa wadan aad iyo aad u dadaalay, Xaddiga faqiirtinimada (Poverty rate) aad ayuu udhimay waqti gaaban, dowladaasina waxaa laga baran karaa Dowlad wanaagga iyo Efficiency governance waxa la yiraahdo.

Mahadsanidiin.

Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Mogadishu