Child Protection and Development Network

Child Protection and Development Network

Share

The Somali Child Protection and Development Network is a non-governmental organization that aims to delivers sustainable solutions for Somali children in 18 region of Somalia

Photos from Child Protection and Development Network's post 20/11/2024

Malinta caruurta aduunka ayaa loo dabaal dagaa sanad walbo 20 ka November laga soo bilaabo 1954.
U jeedada maalintaan loogu dabaal d**o waxay tahay in la awood siiyo caruurta la dhagaysto fikirkooda loona abuuro jawi ku haboon inay noqdaan kuwo hela xuquuq dhamaystiran iyo ilaalin joogta ah.
Markale waxaan leehay Hambalyo dhamaan caruurtsoomaaliyeed

UNICEF Somalia
World Vision Somali

Photos from Child Protection and Development Network's post 12/06/2024

𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐫𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚, 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐝𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐥𝐨𝐨 𝐲𝐚𝐪𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐊𝐚-𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐫𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚, 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝 𝐰𝐚𝐥𝐛𝐚 𝐥𝐚 𝐱𝐮𝐬𝐚𝐚 𝟏𝟐-𝐤𝐚 𝐉𝐮𝐮𝐧.
Maalintan, ururrada iyo shakhsiyaadka adduunka oo dhan ayaa isugu yimida si ay u wacyigeliyaan ku shaqeysiga carruurta iyo ka shaqeynta sidii loo ciribtiri lahaa.

Soomaaliya, iyo dalal kale oo badan, waxa ay wajahaan caqabado la xiriira shaqaaleysiinta carruurta. Colaadaha socday mudo badan, faqriga, iyo helitaanka waxbarashada oo xadidan, shaqada carruurta ayaa weli ah arrin muhiim ka ah Soomaaliya. Carruurtu waxay inta badan ku hawlan yihiin shaqo khatar ku ah, oo ay ku jiraan beeraha, shaqada guriga, ka shaqaynta wadooyinka iyo ku lug lahaanshaha kooxaha hubaysan.

Si loo ilaaliyo badqabka caruurta waa in ay helaan xuquuq dhamaystiran sida waxbarasho tayo leh, ka warqab joogto ah, ilaalin iyo hormarin taas ayaa ka dhigaysa mid had iyo jeer sare u qaadi karta in laga hortago in caruurta ay lakulmaan Xad gudubyo Sida shaqaalaysiinta, Dayaca, xadgubka, Askaraynta iyo dhamaan wax walboo dhaawac ugaysan kara caruurta.

Ururka Hormarinta iyo ilaalinta caruurta waxa uu u taagan yahay sidii looga Hirtagi lahaa wax walboo dhib ku ah caruurta. Iyo sare u qaadista Hormarinta iyo ilaalinta caruurta.

Photos from Child Protection and Development Network's post 09/04/2024

Waxaa sanadkii 4 aad oo xiriir ah aan samaynay Ciidsiinta Caruurta Agoonta iyo kuwa danta yar ee aan awoodin waxay ku Ciidaan.
Waxaan u mahadcelinaynaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay farxada caruurtaan somaliyeed meel walboo ay joogaan waxaan leenahay ilahay ha idinka farxiyo sida aad uga farxiseen caruurtaan.

𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐥𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐜𝐚𝐫𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚 𝐦𝐚𝐫 𝐰𝐚𝐥𝐛𝐨 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐮 𝐭𝐚𝐚𝐠𝐚𝐧 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐬𝐢𝐝𝐢𝐢 𝐥𝐨𝐨 𝐡𝐨𝐫𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧 𝐥𝐚𝐡𝐚𝐚 𝐥𝐨𝐨𝐧𝐚 𝐢𝐥𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧 𝐥𝐚𝐡𝐚𝐚 𝐱𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐜𝐚𝐫𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚

Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Jaale Siyaad
Mogadishu