Ibrahim Sheikh
ee muhiimka u ah macallinka si uu u gaarsiiyo Ardeyda waxbarasho tayo leh.
---
🎟 Marka Koowaad: Xirfadda Diyaarinta Maskaxda (Fikir-Gelin H**e)
Waa in maskaxda ardayda loo diyaarsho casharka iyadoo la adeegsado xiise iyo soo jiidasho. Macallinku wuxuu feejignaan iyo dareen ku abuuraa ardayda isagoo adeegsanaya:
Agab waxbarasho xiiso leh
Tusaalooyin ka yimid deegaanka ardayda
---
🎟 Marka Labaad: Xirfadda Kala-duwanaanta Dhiirrigelinta (Stimuli Variety)
Macallinku waa inuusan ku ekaan hal hab, si uu u kiciyo maskaxda ardayda una kordhiyo xiisaha iyo fahamka. Waxaa kamid ah:
Isbeddel jidheed: Dhaqdhaqaaqa jirka (sida socodka fasalka)
Erayo muujinaya dareen
Aamusnaan xilli ku habboon – si loo kiciyo dareenka
Ishaarooyin iyo muujinno jireed: sida ruxidda madaxa, gacmaha iwm.
Kicin dareenno kala duwan: Maqal, arag, taabasho...
🛑 Waxyaabaha keena caajiska:
Cod joogto ah (monotone)
Joogitaanka hal meel oo keliya
---
🎟 Marka Saddexaad: Xirfadda Adeegsiga Agabka Waxbarashada
Markuu macallinku soo bandhigayo agabka waxbarashada, waa inuu:
Ogaadaa ujeedada laga leeyahay agabkaas
Hubiyaa inuu ku habboon yahay da'da iyo heerka ardayda
Ka caawiyo ardayda inay si tartiib ah u fahmaan ujeedada casharka
Waxbarashada casriga ahi waxay diiradda saartaa waayo-aragnimada ardayga, taas oo keenta in waxbarashadu sii degto maskaxda.
---
🎟 Marka Afraad: Xirfadda Kicinta Rabitaanka Waxbarasho (Dhiirrigelin)
Waa in la kiciyo xiisaha iyo rabitaanka ardayga si uu u baran doono.
Faa'iidooyinka:
Ardaygu wuu xiiseeyaa waxbarashada
Caajiska iyo niyad-jabka waa yaraadaa
Dhiirrigelin iyo ka-qaybgal ayaa kordha
Hababka lagu kicin karo xiisaha:
Isticmaalka xeelado waxbarasho oo kala duwan
Xiriirinta casharka iyo nolol maalmeedka ardayga
Weydiinta su'aalo u baahan fikir
Isku xirka ujeedada casharka iyo baahiyaha ardayga
In ardayda lagu daro qorsheynta casharka
Bixinta jawaab celin degdeg ah
Fahmidda dareenka ardayga iyo ka caawinta xalinta dhibaatooyinkooda
---
🎟 Marka Shanaad: Xirfadda Caddeynta Sharaxaadda iyo Fasiraadda
Macallinku waa inuu lahaadaa awood luqadeed iyo maskaxeed si uu si fudud ugu sharraxo ardayda. Tani waxay u baahan tahay:
Adeegsiga erayo ku habboon fahamka ardayda
Sharaxaad si tartiib ah u socda
---
🎟 Marka Lixaad: Xirfadda Dhiirrigelinta (Reinforcement Skills)
Macnaha:
Abaalmarin la siiyo ardayga marka uu sameeyo wax sax ah
Wax kasta oo kordhiya rabitaanka in la celiyo fal wanaagsan
Noocyada Dhiirrigelinta:
1. Mid Afka ah (erayo fiican): “Waa fiican tahay” – “Sidaas sii wad” – “Aad baad u fiican tahay”
2. Mid Aan Af Ahayn: Dhiirrigelin jidheed sida qosol, gacan taag, ama ishaaro farxad leh
3. Qayb ahaan: In la amaano qeyb ka mid ah jawaabta ardayga, xitaa haddii aysan dhammeystirneyn
4. Dhiirrigelin Dib U Dhacda: Tusaale: "Ma xasuusataa markii aad tiri...”
5. Dhiirrigelin Taban: Joojinta ciqaabta marka ardaygu sameeyo wax wanaagsan
Ardayda xishooda:
Sii su’aalo fudud si uu u kalsoonaado
U muujiso qosol iyo ishaarooyin dhiirrigelin ah marka uu feejigan yahay
---
🎟 Marka Todobaad: Xirfadda Weydiinta Su’aalaha & Ka Jawaabista Su’aalaha Ardayda
Su’aaluhu waa habka isgaarsiinta ee ugu muhiimsan ee u dhexeeya macallinka iyo ardayda
Waxay keentaa ka-qaybgal iyo fal-celin
Tayada su’aalaha iyo sida loo dhigo ayaa go’aamisa heerka is-dhexgalka
Dhaqanka Macallinka marka ardaygu su’aalo waydiiyo:
Waa inuu u jawaabaa si edeb leh oo dhiirrigelin leh
Adeegsado erayo ama dhiirrigelin sida “Aad baad u mahadsan tahay” ama “Waa su’aal fiican”
Haddii ardaygu si khaldan uga jawaabo, looma bahdilo, ee waa la saxo iyadoo la dhiirrigelinayo in uu mar kale isku dayo
من مشهور الأقوال المأثورة، عن أمير المؤمنين عمر بن الخطاب رضي الله عنه ، أنه قال:
" لو عثرت بغلة في العراق ، لسألني الله – أو قال: لخفت أن يسألني الله - عنها : لِمَ لَمْ تصلح لها الطريق يا عمر " ؟!
Hadalada ugu caansan ee dhaxal galka noqday lagana soo weriyay Amiirka Mu'miniinta Cumar Binu Khadhab Allah ka raali noqdo. Wuxuu yiri: Hadii Hasha Geel ka ah ku wax yeelowdo Dalka Ciraaq Allah wuu i waydii nayaa ?!
Sababta aan ugu hagaajin waayay ama u samayn waayay wadada ay maraysay hashaasi Geel!
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Telephone
Website
Address
Makka Almukarrama
Mogadishu