Sheeq shaam

Sheeq shaam

Share

Photos from Sheeq shaam's post 14/06/2020

?..ka faaideyso talooyinkan
-----------------------------------------------------------------------------------
F.G. Mowduucani Dumarka kaliya gooni uma ahan, fadlan ragoow aqriya oo ugu faaideeya gabdhaha idin ladhashay, xaasaskiina iyo dhamaan gabdhaha Soomaliyed.

Mid iyo 2bo gabdhaha asxaabtaada ah ku xus halkaan

iyo

Xanuun laxeriiro waqtiga caadada wa mid kamid ah Dhibaatooyinka ugu badan ee Dumarka soo wajaha.

Xanuunkaani waxa uu noqon karaa 2bo Qeybood :

1. Nooca 1aad : Caado xanuun la bilaabatay gabadha Qaangaarkeeda (Caadada ugu Horeyso).
Gabdhuhu kala bar (50%) wa ay la xanuunsadaan Dhiiga caadada 4ta ilaa 5ta sano ee ugu h**eyso qaan gaarka kadib, haba ugu sii darnaadaano Gabdhaha caadada waqti h**e kubilaabataye (9-12jir). Noocaani sabab uma aha Jirro ay gabadhu qabto, kaliya waa wax laxeriiro is badalka Jirka. Gabdhuhu wa in ay is dajiyaan una qaadan wax halis ah. Noocaani waa kan ugu badan ee gabdhuhu isku arkaan waqtiga caadada, waxaana lagu qiyaasaa 4meelood 3meel (4/3) gabdhaha caadada ku xanuunsado iney qabaan Noocaani. Maado jirka laga helo oo sababeyso inuu muruqa ilmo-galeenka soo aruuro (si dhiiga caadada dibada looga soo saaro) ayaa loo aaneeya xanuunka waqtiga caadada la xeriiro. Isku soo aruuridda ilmo galeenka aya keenayo in dhiig iyo nafaqo ku filan gaadhi weyso ilmo galeenka, sidaasne xanuun ku yimado. Maadadaan aya sidoo kale sababta lalabo iyo shuban gabdhuhu isku arkaan waqtiga caadada. Marka gabadha ay cunug dhasho ama da’deedu sii weynaato wa uu baaba’aa Noocaani.

2. Nooca 2aad: Caado xanuun gadaal dambe ugu Bilaabato gabadha/Haweneyda
Noocaan 2baad waa xanuun laxeriira caadada oo aysan isku arki jirin Haweeneyda caadooyinkii horay ugu dhici jiray.Si kaduwan noocii h**e, kani waxa uu laxeriira markaste Xanuuno kale oo ay gabadhu ka qabto mid kamid ah xubnaha gudaha ee taranka sida: Xanuunada ilma galeenka, Xanuunada ugxaanta, Xanuunada Tubbooyinka, caabuqa (ama waxa ay haweenka Soomaliyeed intoodu badan u yaqaaniin infekshanka), burooyinka ilma galeenka iyo ugxaanta, walwalka IWM.

?

• Xanuun noociisu yahay majiir ama middi laguugu mudaayo ookale oo ay gabadhu ka dareento caloosha Qeyteeda xudunta ka hooseyso (Mindhicirada).
Gabdhuhu qaar dhabar xanuun iyo sino ama bowdo xanuun ayey isku arki karaan. Badanaa xanuunkaani waxa uu bilowdaa wax yar un kahor waqtiga caadada, halka mararka qaarne uu bilaaban karo maalin ama maalmo kahor caadada. Xanuunka si tartiib tartiib ah ayu ubaaba’aa mudo 1maalin ilaa 3maalmood gudahood. Xilliga dhiiga caadada socdo ayuu gaara xanuunka heerka ugu daran. Halka marka caadada go’dane baaba’o xanuunka. Gabdhaha qaar xanuunkoodu wa mid meel dhex dhexaad ah halka qaarkoodna aysan shaqo laqabsan Karin xanuunka darnaashihiisa awgeed. Gabdhaha gashaantiyada ah aya intooda badan xanuun awgiis ugu baaqdo/Habsaamo waxbarashadi, Howshii guriga ama Shaqadii ay qaban jirtray inta dhiiga caadada haayo Caado kaste.
• Calaamadaha kale ee lasocon karo mindhiciro xanuunka waxa ka mid ah:
 Lalabo ama Dawaqmid
 Wareer ama Madax xanuun
 Daal ama Cajis badan.
 Shuban ama Matag
 Dul qaad la’aan iyo xanaaq xad dhaaf ah

.Calaamadaha aan kor kusoo xusnay waxaa lagu arkaa Nooca 1aad ee Xanuunka caadada. Nooca 2aad ee xanuunka caadada waxa la xeriiri karo calaamadaha ay leedahay jirradii sababtay xanuunka waqtiga caadada.

?

Walaasheydi Haddi aad sameyso waxyaabahaan soo socda waxaa gibi ahaanba kaa baabi’i ama kaa yaraan doono xanuunka caadada losocdo in sha allah:
• Isticmaal feerada jidhka ama Biyo lakululeeyay ku shubo cinjirka (Boorsakaalta-da) farmashyaasha lagu iibiyo, kadibna dul saasaar Xudunta ka hoose (Mindhicirrada) xili kaste oo aad fursad u hesho.
• Si tartiib ah ugu daliig faraha gacmahaaga inta ka hooseyso xudunta.
• Cab cabitaan diiran (Qaboowga kuuma fiicno)
• Cun cunto yar 2dii saacbo hal mar. kafogoow Dharagta waqtiga caadada.
• Cuntadaada ha u badnaato:
 Raashiinka qolofta leh ee tamarta laga helo sida Qamadiga, Galleyda, iwm
 Miraha noocyadooda kala gedisan
 Qudaarta
• Kafogow cuntooyinka cusbada badan, kuwa sonkorta badan iyo kaffeeyga.
• Xiliga aad jiifto lugahaaga waa inad ka sara mariso jirka intiisa kale, sida in aad barkin dul saarto iwm. Ama seexo jilbahaaga oo kor u taagan.
• Farmashiga kasoo iibso kaniiniga (Ibuprofen 400mg), kahor maalinta aad sugeyso caadada sedexda waqti min hal kaniini ka cun cuntada kabacdi. Si joogta ah u qaado kaniinigaan maalmaha h**e ee caadada.
• Ku qobeyso/ku meydho Biyo diiran
• Kafogow saxaradaada oo adkaato, calooshaada jilci
• Socod iyo jimicsi joogta ah same (oo ay ku jiraan jimicsiga lafaha miskaha)
• Haddii aad qof cayiilan ama miisaan leh tahay, fadlan yaree miisaankaaga.
• Haddii daryeelka aan kor kusoo xusay wax kuu tari waayo fadlan dhaqtar la xeriir si’ uu daawooyin kale kuugu soo qoro.
• Haddii aad Qabto Nooca 2aad ee xanuunka caadada, waxyaabaha aan kor kusoo xusnay ma xalin doonan xanuunkaaga ee fadlan dhaqtar u tag si’ lagaaga daaweeyo xanuunka jira ee keenay caadada xanuunka la socdo.

ah?

Xanuunka caadada laxeriiro waxa uu u badanyahay Haweenka da’deedu 30 sano ka yartahay, sidoo kale waxa halis ugu jira:
• Gabdhaha miisaankoodu hooseeyo, gaar ahaan waqtiga qaangaarka
• Haweeney kasto oo sigaar cabto
• Gabar kaste oo caadadu ku bilaabatay, ayadoo 12sano gaarin.
• Gabar kaste oo waqtiga caadada heyneyso dheertahay (5-7malmood )
• Gabar kaste oo dhiigeeda caadadu badanyahay
• Haweeney kaste oo aan cunug dhalin
• Gabar kaste oo walwal, walbahaar iyo niyo jab haayo
-------------------------------------------------------------------------------
DHAMAAD

Waa ku mahadsantahay lasocodka qoraalada bogeyga.
Maalmaha nasoo aadan waxan soo dhigi doonaa qoraalo cusub fadlan lasoco.

Mahadsanid walal. JAZAKALLAHU KHEYRAN.

Sheeq shaam

30/05/2020

...........QEYBTII 2aad

Fadlan saar boga, asxaabtaadane la wadaag oo dheh

Maxaa calaamada ah oo lagu gartaa xanuunka macaanka?

Maadaama xanuunkaani macaanka, gaar ahaan nooca 2aad, uu si tartiib tartiib ah kusoo galo qofka, waxaa laga yaabaa in uusan bukaanku yeelan wax calaamad ah waqtiyada ugu h**eeyso. Sidaa awgeed, bukaanada intooda badan waxaa la ogaada xanuunkii oo waqti badan haayay.
calaamadaha ugu caansan xanuunkaani ayaa ah:
1. Oon ama harraad fara badan
2. Kaadi fara badan
3. Baahi badan
4. Daal fara badan
5. Miisaanka qofka oo dhaca
6. Kabaabyo ama Hur oo qofku jirka kadareemo, gaar ahaan lugaha iyo cagaha
7. Iyo calaamado muujinaayo dhibaatada ay sonkorta ugeysatay xubnaha qaar sida wareer badan, wadna garaac, indhaha oo caad saarmo iyo nabro ama boogo jidhka kasoo baxo oo aan reysan.
Sababta keeneysa kaadida iyo harraadka aadka u badan aya ah: Sonkorta dhiiga ku badatay oo si toos ah kaadida usoo raaceyso ayaa horay jidhka ugu so qaadeyso biyo badan.

Bukaanada qaar wax calaamado ah malahan haddi sonkortoda aysan aad u kacsaneen, laakin taasi micnaheedu ma ahan in aysan daawo ubaahneyn, waayo marwalba sonkortu dhibaatadeeda ayey leedahay hanoqoto mid calaamado leh ama midaan lahayn ba’e.

Sidee buu ku ogaanayaa inad qabto xanuunka macaanka?
Kaadidaada aya laga ogaan karaa in uu Jiro xanuunka macaanka ahi, Balse laguma qaadan karo go’aan k**a dambeys ah waayo waxaa la arkay dadka qaar oo aan qabin xanuunkaani iney kaadidooda soo raacdo sonkor.
Dhiiga oo laga ogaado heerka sonkorta aya ah halka ugu wanaagsan ee laga xaqiijiyo xanuunkaani jiritaankiisa. Ayadoo badanaa bukaanka laga qaado dhiiga ila 2bo jeer si loo xaqiijiyo. Go’aanka ahi inuu bukaankaan qabo xanuunka macaanka ayaa lagaari karaa kadib markii Bukaanka oo cunto cunay 2saac kadib sonkorta dhiigiisa kabadato 200 mg/dL) ama bukaanka oo aan wax raashiin ahi cunin ugu yaraan ilaa 8saac adood marka ay sonkortiisa kabadato 126 mg/dL.
Waxaa jira hab kale oo qaab tijaabo ah bukaankane lasiiyo sonkor cabiran, Balse badanaa lama sameeyo. Waxaa kaloo jira dhiig lagala socdo sonkorta qofka sidey ahayd bilihii ugu dambeeyay kaaso badanaa lagula socdo qofka sonkorta qabo.

?

1.Haddi qof kamid ah qaraabadaada 1aad (sida waalidiintaada, walalka, walaashaa ama cunugaaga) qabo xanuunka waad qaadi kartaa maadaama uu fir yahay.
2.miisaankaaga oo xad dhaaf ah ama cayil saaid ah waxow ku nugleynaa xanuunkani.
3.Baruurta calooshaada oo badan ama qofka oo xulusl yeesha.
4.Hooyada qaada xanuunka macaanka marka ay uur yeelato.

?

Dhibaatada ugu h**eyso ee waqtiga dhow bukaanadaan ku timaada ayaa ah:

1.Sonkorta oo aad u kacdo taaso keeneyso fuuq bax badan iyo dawaqmid ama miir la’aan. Bukaankaan ayaa gali kara xanuun naftiisa halis galin kara.

Dhibaatooyinka waqti fog(sanado kadib) ee ku yimaada bukaanadaan ayaa ah:

2.Xididada dhiiga ee bukaanka oo adkaada
Sonkorta oo wati dheer kacsanaato waxaa ka imaankaro iney dhaawac ugeysato xididada waxaana keeney dhibaatooyinkaan soo socda:

 Xididada wadnaha oo adkaada waxaa ka imaan karo wadna xanuun iyo wadnaha oo istaago
 Xididada maskaxda oo adkaada waxa ka imaan karo bukaankii lug iyo gacan iney dhacdo ama hadalkii gabo.
 Xididada killiya oo adkaada waxaa ka imaan karo bukaanki kiliyaha iney ka fadhiistaan.
 Xididada indhaha oo adkaado waxa ka imaan karo aragii bukaanka oo yaraado ama gibi ahaanba lawaayo.
 Xidida lugaha oo adkaada waxaa ka imaanayo in boogaha ama nabraha kusameysmo cagaha reeysan waayan jeermiskiina isaga noolaado maadaama difaaca jidhkeena uu dhiigu xambaarsanyahay socodkii dhiigana uu yaraaday xididadi xermay ama adkaaday awgood.
F.G. waxa aad u adag in boogahaani reystaan iyadoo sonkortii aad u kacsantahay sido kale wey adagtahay in sonkorta dagto ayadoo boogaha jiraan. Sidaa darted wa in mid walbo bukaanku aad ula socda.

3.neerfaha bukaanka oo shaqo yareeyo
Dhibaatooyinka ka imaanayo waxaa kamid ah:
 Nabro kusameysmo qeybta hoose ee cagta, boogahaan aya ka imaanayo dareenkii lugta oo yaraaday maadaama neerfihii dareemi lahaa jugta iyo qodxaha mudayo lugta ay shaqadodii yaraatay (waa sababta badanaa loogula taliyo qofka sonkorta qabo inu qaato kobo xedhan ama kooyo ah ama buud ah). Boogtii sameysantayne mareysaneyso maadama dhiig fiican meeshi imaaneyn sidaan kor kusoo xusnay.
 Dareenkii ragnimo ee ninku u lahaa xaaskiisa oo hoos udhaco (taasine waxa keenayo waa xididadii xubinta taranka ee raga oo adkaada iyo neerfihii oo dareenkoodi naaqusa)
 Iyo dhibaatooyin kale oo an badneyn.

4.Difaaci bukaanka oo hoos u dhaca
dhowr waxyaabood oo isbiirsaday ayaa keenaya bukaanka qabo macaanka inu dhaco difaaciisa:
 Socodkii dhiiga oo yaraado maadaama xididadii qaar xermeen ama adkaadeen. Dhiiga waxa uu jidhka u qaada maadada Oksijiinta iyo nafaqooyinka. Oksijiinta iyo nafaqooyinka ayuu difaaca jirkeenu isticmaala si uu ula dagaalamo jeermiska. Hadaba yaraanshaha 2badaan ayaa keenaya difaacii inuu hoos u dhaco.
 Sonkorta oo aad u kacdo waxey keeneysaa difaacii jirka in shaqeyn waayo uu jidhkiine u nuglaado jeermiska. Cilmi baarisyo lasameeyayna waxey sheegayaan dhacaano lasoo daayo xilliga sonkorta aadka u kacdo iney k**as’uul yihiin hoos u dhaca difaaca jidhka.

5.jirka oo u nuglaada jeermisyada.
Difaacii oo yaraaday iyo socodkii dhiiga oo xumaaday waxey unugleynayaan bukaanadan in jidhkooda jeermiskii kukoro cagahane boogo kuyeeshaan. Haddi aan ladaaweyn boogahaas waxow ugu dambeyn keeni doonaa in lugtii qalajiyo isla markaasna dhimato. Taas ayaa keeneysa in qofkii lugti laga jaro.
Soo ifbixidda dhibaatooyinka aan kor kusoo xusnay wa ay kukala gedisanyihiin bukaanada.
Waxaa laga yaabaa in dhibaatooyinkaaso idil midkood uusan qaadin qofka. Balse guud ahaan marwalba oo sonkortada kuheyso halkii lagarabay, kudhicidda dhibaatooyinkaan wa ay yaraanayaan.

Lasoco qeybaha kale maalmaha nasoo aadan in sha allah waxaana kamid ah waxyaabaha aan ugu hadli doono:
• Daawada xanuunkaani maxey tahay?
• Cuntooyinkee lagula talina inuu cuno qofka qabo xanuunkaani?
• Cuntooyinkee buu iska ilaalinayaa bukaanka la ildaran xanuunka macaanak?
• Majiraa talaal lasiyo qofka qabo xanuunkaani?
• Su’aalahaas iyo qaar kaloo badan waxaa si toos ah ugu jawaabi doono qoraalada soo socda in sha allah.

Mahadsanid walal. JAZAKALLAHU KHEYRAN.

Sheeq shaam

Photos from Sheeq shaam's post 27/05/2020

da'da_oo_sii_siyaadeyso marba mar ka danbeyso.



kaadi baxsda dumarka waxaa lagu qeexa marka kaadi lama filaan ah timaado ama meel aan munasib ahayn ayago joogo kaadi kaa soo baxsato dumarka

inta badan kaadida waxay ka baxsataa marka ay da,a garaan ,iyo xilliyadda ay uurka qadaan waana astaan macruuf ah..

Kaadi baxsadka inta badan waxaa u badan dumarka marka loo fiiriyo ragga waxyaabaha kà qeeb qaadan karo in dumarka kaadida ka baxsato waxaa ka mid ah

✓uurka
✓xillliga foosha,
✓iyo marka dumarka gaaraan dada dhalmo goynta.

Wax yaabaha sababa kaadi baxsadka waxaaa ka mid ah .

1- in ay daciif noqdaan murqaha kaadi heeysta

2-in murqaha kaadi hesta si xad dhaaf ah u shaqeeyaan.

3-dhaawac gaaro neerfayasha ka shaqeeya kaadi hesta.

4-Caabuq ku dhaco kaadi heesta.

Astaamaha lagu garto

1-in aaad cadaadis ka dareento qeebaha hoose caloosha.

2- in aad suuliga u aado si xad dhaaf ah

3-in aad isku kaadiso xilliga hurdada iyo xiliga aad bulshada dhax joogtid

4- in aad ka gaarsiin kari weyso kaadida suuliga

Kaadi baxsadka waa xanuun laga walwalo oo qofka ku rido karo stress iyo isku buuqid waa xanuun kugu ridi kata cuqdada nafsi haddii aan la daweyn,waxaa muhiim ah in aad la wadaagtid Goobaha cafimaadka si lagu siiyo dawo kugu habboon iyo talooyin looga hortagi karo xanuunka.

Share & like mhdsanid

Photos from Sheeq shaam's post 27/05/2020

Waxan hambalyo u dirayaa DrJalaaludiin Yuusuf Ahmed oo loo magacabey cusbitaalka de martino, waan hubaa in aad ka soo dhalaali doontid howsha lagu igmaday ee allaha ku la garab galo sxb.

~Sheeq shaam

Want your business to be the top-listed Health & Beauty Business in Mogadisho?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Mogadisho