JIDLE
Taiye Saciid Maanka
waa halyeey dhab ah oo ka soo jeeda magaalada Beledweyne, wuxu kaso jeda beesha Jidle. Waa nin lagu yaqaan howl-karnimo, karti iyo dadaal joogto ah oo uu ugu adeegayo dalkiisa iyo dadkiisa.
Waa shaqsi shaqadiisa aad u yaqaan, lehna xirfad iyo faham sare oo dhinaca hoggaaminta ah. Saciid Maanka wuxuu tusaale u yahay askari iyo sargaal isku darsaday geesinimo, edeb iyo masuuliyad.
Sidoo kale waa nin jecel reerkiisa iyo dadkiisa, mar walbana u taagan difaaca iyo horumarinta bulshadiisa. Hoggaamintiisa saxda ah iyo go’aan qaadashadiisa degdegga ah ayaa ka dhigtay mid lagu daydo.
Allaha u siyaadiyo sharaf iyo guul, hana ka dhigo mid mar walba ku taagan jidka toosan.
Guul iyo gobannimo 🇸🇴
Dhammaan saraakiisha, ciidamada qalabka sida, iyo halyeeyada beesha Jidle—kuwa ku sugan dhulka Itoobiya iyo kuwa kusugan gudaha Soomaaliya mahad balaaran ban idin dirayna
Beesha Jidle waa laf-dhabar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee lagu yaqaan geesinimo, karti, iyo ilaalinta sharafka iyo jiritaanka ummadda. Taariikh dheer ayay ku leeyihiin difaaca dhulka, ilaalinta xuduudaha, iyo garab istaagga walaalahooda. Ma aha oo kaliya beel magac leh, balse waa beel ficilkeeda la arko layskana indha tiri karin
Dhanka Soomaaliya, beesha Jidle waxay si muuqata uga dhex iftiimeen ciidamada iyo hay’adaha kala duwan ee amniga. Waxay muujiyeen anshax, edeb, iyo masuuliyad sare, iyaga oo kaalin mug leh ka qaatay nabadaynta, ilaalinta sharciga, iyo horumarinta dalka. Magacooda waxaa la socda wanaag, karti iyo kalsooni ay kasbadeen.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Mogadisho