MASAF

MASAF

Share

Photos from MASAF's post 13/03/2023

Ururka MASAF ayaa ka qayb galay madal uu soo agaasimay Xafiiska dawladda Ingiriiska ee Hargeysa, taas oo ujeeddadeedu ahayd soo bandhigida hal-abuurka ganacsi ee ay sameeyeen hablaha dhallinyarada ah. Madashan ayaa ahayd mid ku sidkanayd xusidda ‘Maalinta Calaamiga ah ee Haweenka’.

Photos from MASAF's post 05/03/2023

Ururka MASAF ayaa soo agaasimay kulan ay xubno ka mid ah ururrada dhallinyarada Somaliland, dhalinyarada leh hal-abuurka farshaxanka iyo curinta arrimaha la xidhiidha dhaqanku ay la yeesheen wefti ka socda Mac-hadka Goethe xaruntiisa Kiiniya oo kala ahaa agaasimaha Mac-hadkaas Lilli Kobler iyo madaxa waaxda dhaqanka Sheila Kenounga. Kulankaas dulucdiisu waxay ahayd isxog-wareysi iyo aasaaska xidhiidh joogto ah.

Photos from MASAF's post 25/12/2022

Ururka MASAF ayaa soo agaasimay madal lagu bandhigay filim magaciisu yahay "Africa's looted art" kaas oo ku saabsan farshaxankii Afrika ee ay damceen, isla markaana qaateen xoogaggii gumeystayaasha ee wakhtigaas.

Gunaanadkii daawashada filimkan ayay ka soo qayb-galayaashu ka faalloodeen qodobada la xusay oo ay ugu muhiimsanayeen soo celinta agab-farshaxameedkaas laga bililiqaystay Afrika.

Ugu dambayntii, waxaa sidoo kale la xusay muhiimadda ay leedahay fahanka farshaxanka Afrika iyo doorkiisa muhiimka ah ee uu ku leeyahay abuuritaanka xasilooni iyo wada jir bulsheed oo waara.

Want your establishment to be the top-listed Arts & Entertainment in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Floor 3, Durdur Mall, 2nd Road, 26 June District
Hargeisa