Ediris Yaxyaa
17/05/2025
Hargaysa,,,,,,,,,,U Diyaar Garowga Xuska 18May..
Burco, Mudaharaadkii MaanTa+Habdhaqanka ciidanka Bilayska...
15/05/2025
โBooliiska Somaliland ma yaqaaniin, lama barin, madaxdiisuna ma doonayso in la baro, sida loo mareeyo marka shacab cadhaysani soo baxo. Waxa qudha ay ku hallilaan waa xabad lagu rido qof shacab ah oo aan sidan hub. Booliiska Somaliland dib u habayn bay u baahan yihiin. Way la fududahay laynta shacabku.
Maanta oo ay xukuumaddu joogto dhawr bilood oo keliya, haddii ay daadiyeen dhiig dad shacab ah, saw maaha in xukuumaddu ku baraarugto oo wax ka qabato booliiska? 27 December 2022 wixii Booliisku ka sameeyey Laascaanood ayaa gaadhsiisay halka xaalku markii danbe gaadhay.
Maanta waxa Burco ka dhacay waa wax laga hortegi karayay. Xukuumaddu waa inay dadka la hadasho oo u faahfaahiso talaabooyinka ay qaadayso. Waxa ay ahayd inay si fiican u sharaxdo maxaabiistii ay ku wareejisay Puntland. Xog xumadii halkaas ka dhacday ayaa abuurtay shaki, iyo aamin ka bax. Waxa Burco ka dhacayaa maanta waa shakigii halkaas ka bilaabmay.
Maanta, masuuliyiintii xukuumadda ee hadlay halkii ay faah-faahin ka bixin lahaayeen oo garaabi lahaayeen, shacabkii ayay hiifeen.
Waan ka xumahay dadka dhibtu ku soo gaadhay Burco. Waa in cidi qaaddo masuuliyadda wixii dhacay. Xisaab laโaan ayaa Somaliland ishaa u yeeshay.โ
Waxa Qoray :- Garyaqaan Guuleed Dafac
20/02/2025
"DegDeg inkabadan 43sarkaal oo kaso jeeda Beesha Subeer-Awal ayaa laga Eryay shaqadii Ciidanka ilaalada Madaxtooyada
Dhacdadan ayaa noqonaysa Tariikhda markii ugu h**eysay ee labeegsado tiro intan leeg oo Sarakiil Ciidana isla markaana kaso wada jeeda Hal Beel...
"Liiska Saraakiishii Shaqada Madaxtooyada laga xaadhay ee ka soo jeeday Beesha H Awal"
1) G/ dhexe Naasir Axmed Xusee.
2) G/ dhexe Cabdilaahi Cilmi Guuleed.
3) G/ Maxamed Muxumed.
4) G/ dhexe Muxumed Cumar Qawdhan
5) G/ Daahir Cali Wacays.
Gaashaanlayaal.
6) Gaashaanle Iidiris Axmed Jimcaale.
7) Gaashaanle Carrab Aadan Cabsiiye.
Dhame Sulub Cabdi Saleebaan.
9) Dhame Muxumed Maxamed Ducaale.
10) Dhame Maxamed Nuux Muuse.
11) 2 Xidigle Yuusuf Cabdi Cabdilaahi.
12) 2 Xidigle Mukhtaar Maxamuud Madar
13) 2 Xidigle Maxamuud Maxamed Ciise.
14) 2 Xidigle Cabdi Cismaan Samatar.
15) 2 Xidigle Rashiid Bustaale
16) 2 Xidigle Cabdiraxmaan Qoslaaye.
17) 2 Xidigle Nuux laba aas.
18) 2 Xidigle Daahir Huriye.
19) 2 Xidigle Rashiid Timo-cad
20) 2 Xidigle Xasan Hureeri.
Xidiglayaasha.
21) Xidigle Maxamed Aadan Weyrax.
22) Xidigle Cabdi Muuse Qamac
23) Xidigle Iidiris Cabaade Cabdi.
24) Xidigle Ibraahim Yuusuf Muuse.
25) Xidigle Maxamed Maxamuud (Maano)
26) Xidigle Axmed Cabdilaahi Abtidoon
27) Xidigle Maxamed Yuusuf Diiriye.
28) Xidigle Axmed Mawliid Axmed.
29) Xidigle Ismaaciil Cabdi Sabban.
30) Xidigle Dayib Qodhan Raage.
31) Xidigle Axmed Ismaaciil Jaamac Muumin.
32) Xidigle Muuse Jaamac Siciid.
33) Xidigle Maxamed Xasan Wacays.
34) Cabdiwahaab Sheekh.
Intaasi waa kuwii shaqada ku jiray
35) Xidigle Cabdiqani Mawliid Axmed.
36) Xidigle Maxamed Xasan Bille
37) Xidigle Cabdiqani Nuur Maxamed
03/02/2025
WAR SAXAAFADEED
๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐
๐๐ฒ๐๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ฆ๐ ๐ผ๐ผ ๐ซ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ถ๐๐ธ๐ถ๐ถ๐๐ฎ ๐ธ๐ ๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ถ๐น๐ฎ๐ ๐๐ฟ๐ด๐ฎ๐๐ด๐ฎ ๐ด๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐ต ๐ฒ๐ฒ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐ถ๐ป๐น๐ฎ๐ป๐ฑ ๐๐ ๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ถ๐น๐๐ฎ๐ป ๐ก๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ซ๐ฎ๐น๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ธ๐ต๐ถ๐น๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐๐ผ๐ฏ๐ผ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐ฒ๐ฒ๐๐ธ๐ฎ ๐๐ณ๐ฟ๐ถ๐ธ๐ฎ
Hargeysa - 03-02-2025-( )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) (oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Madaxtooyada, La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Wefti ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Finland.
Weftigaasi waxa hoggaaminayay Ergayga gaarka ah ee dalka Finland uu qaabilsan Arrimaha Nabada iyo Xallinta khilaafaadka Gobolka Geeska Afrika (Mudane Suldaan Saciid Axmed).
Weftiga waxa kale oo ka mid ahaa Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Finland u qaabilsan Bariga Afrika iyo dalalka Afrikada Koonfureed (Mr. Jukka Pajerinen).
Hadallo soo dhaweyn ah iyo mahad-naq khuseeya kaalmada ay Finland u fidiso Somaliland xagga horumarka ka dib, Madaxweynaha JSL wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland tahay dal khibrad iyo waayo-aragnimo u leh Xallinta khilaafaadka iyo dhismaha Nabadda muddo ka badan 34 sano, haatana ay Somaliland diyaar u tahay in ay cid kasta kala shaqayso Arrimaha Nabada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika guud ahaan, gaar ahaana Degmada Ceerigaabo iyo bariga Gobolka Sool.
Madaxweynuhu wuxuu Weftiga u sheegay in maalintii xilka loo dhaariyey (12.12.2024) uu ku baaqay Gogol Nabadeed oo aan Shuruud lahayn, welina ay Xukuumadda Somaliland ka go'an tahay in xal waara iyo is-afgarad lagu soo af-jaro shaqaaqooyinka haatan taagan.
Madaxweynuhu wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland tahay dal lagu yaqaano nabad, xasilooni, dimuqraadiyad, sarraynta sharciga iyo dhawrida Xuquuqaha Aadamaha. Sidoo kale, in Xukuumadda Somaliland aanay ahayn mid dadkeeda kula jirta dagaal, balse anaga (Somaliland) lagu soo qaaday duullimaad caadifadaysan taasoo Xukumadiisa yagleelka ah lagu bilaabay dagaal 2 cisho ka dib markii uu xilka la wareegay (14.12.2024 /Ceerigaabo).
Madaxweynaha JSL wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland diyaar u tahay in ay Beesha Caalamka kala shaqayso dhinacyo badan, gaar ahaan Iskaashiga iyo ka wada shaqaynta Amniga iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.
Madaxweynuhu wuxuu Weftiga Finland ka codsadey in Finland ka taageerto Somaliland tayaynta iyo dib-u-habaynta adeegyada lagama maarmaanka u ah baahiyaha bulshada JSL, sida adeega Caafimaadka, Waxbarashada Sare iyo Casryeynta Nidaamka Cashuuraha, maadaama dalka Finland uu yahay dalka ugu horreeya Caalamka adeegyadan.
Weftiga uu hoggaaminayay Ergayga Gaarka ah ee dalka Finland uu qaabilsan Arrimaha Nabada iyo Xallinta khilaafaadka Gobolka Geeska Afrika (Mudane Suldaan Saciid Axmed) ayaa iyaguna dhinacooda Jam. Somaliland ku ammaanay doorashooyinkii dayaaqadii 2024-kii ka dhacay Somaliland, dimuqraadiyadda qaan gaadhka ah ee ka hana-qaaday Somaliland iyo sida ilbaxnumada leh ee loola kala wareegay.
Ergayga Nabadda ee Finland waxa kale oo uu Madaxweynaha ku bogaadiyey aasaaska Guddida Nabadda oo M/weynuhu dhawaan magacaabay, isagoo sheegay in arrinkaa dalkiisa aad looga soo dhaweeyey, diyaarna ay u yihiin in Guddida Nabadda la gacan qabto.
Ergaygu wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu Somaliland kala shaqeeyo xagga nabadda iyo dhex-dhexaadinta shaqaaqooyinka ka jira Bariga Gobolka Sool iyo Ceerigaabo.
Sidoo kale, Ergayga Nabadda ee Finland wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in ay Somaliland kala shaqeeyaan arrimaha xagga horumarka, dawlad wanaaga, tayeynta adeegyada Caafimaadka, Waxbarashada, adeegyada caddaalada iyo xabsiyada, iwm.
Ugu dambayntii, Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Madaxtooyada ayaa iyaguna dhinacooda waxay Ergayga gaarka ah ee Nabadda iyo Xallinta khilaafaadka dalka Finland uga mahad naqeen booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxayna hoosta ka xarriiqeen in ay Somaliland tahay dal la isku hallayn karo dhan kasta oo la eegaba, isla markaana la gaadhay xilligii bulshada caalamku ku baraarugi lahayd wanaaga iyo horumarka ka hirgalay Somaliland.
Wasiirka Madaxtooyadu wuxuu Weftiga Finland ka codsaday in Somaliland laga taageero u-jahaynta daโyarta JSL ee xagga Shaqo abuurka dhallinyarada, gaar ahaan xagga Hal abuurka iyo ciyaaraha oo si gaar ugu wajahan Nabadda, Xasiloonida, Midnimada iyo wax-wada-lahaanshaha ummadda Somaliland.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐,
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
07/01/2025
โWallahi Dib uma dhacayso in Hargeysa la yidhaa Jabhadbaa Joogtaโ
Ex Maayir Solteco ayaa sidan yidhi.
โHargeysa Xaalbaanu siinaynaa iyo reer Somalilandba wixii Shalay ka dhacay, Dibna u dhici may so, Ma aqbali karo Hargeysa oo magaaladaydii aan aduunka ugu Jecelahay marka laga yimaado muqadasaad ka Alle doortay ee Makka, Marina iyo qudus in Niman aanu ilmaadeer nahay oo aabayaashod magac iyo maamuus ku lahaayeen yidhaahdaan Jabhad baanu ka nahay.
Ninka taliyaha jabhada sheegtay waa Cabdiraxman Sheekh Cisman, Sadexda nin ee meesha ka hadlayay waa Ina Jamac Cali matan, Ina Bare Axmed Gorse.iyo Boqor Badmadaw. Wallahi Dib uma dhacayso in Hargeysa la yidhaa Jabhadbaa Joogta, Bud dhigii Hargeysa iyo cidii Nabadeeda ka Talin jirtay Baa burburinaysa Suurta gal maaha.
Suber Awalna Jabhad Jamhuuriyadda Somaliland duminaysa ma leh, Aniga iyo cidda I taageersan Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaanu nahay, Kulmiye dalkuu dhisay, Dhisayaana, kursiga kuma doono dhiig, nabadgelyo ayuu ku wareejiyay, nabadgelyona uu ku doonayaa, hadaan Kamala Roonaan Roob ma daโo. Hadii shalay Madaxweyne Muuse Buur loo Galay, Madaxweyne Cigaalna Dagaal sokeeye, Madaxweyne Cabdiraxman Tuurna dagaal Sokeeye ma wadadii uun baynu haynaynaa waxaynu u baahanahay in caqligu shaqeeyo, in caqligu koro. Waa run In Madaxweyne Muuse Biixi cagaha la hayay, ma Ina anfacaysaa in Madaxweyne Cabdiraxman Ciro aynu cagaha hayno oo Jamhuuriyadda Somaliland soconwayso.
Aynu korno Shacabka Somaliland oowโ
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Telephone
Website
Address
150
Hargeisa
NAN