Hanasho Films
19/01/2023
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa Gaadhay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Cabdirisaaq Khaliif Axmedi, wuxuu kulan la qaatay Weftiga Golaha Wasiirada ee uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamd Kaahin Axmed iyo Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan oo ahaa is Xogwaraysi ayaa ka qabsoomay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Sool, waxaana kulankan Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Wasiirka Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim faarax, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Salebaan Warsame Guuleed iyo Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye.
19/01/2023
Gabadha yar ee xijaaban magaceedu waa Nashala Hearns. Iyada oo 12 jir, marka sawirkan la qaaday, ayaa iskuul ay dhigato oo ku yaal gobolka Oklahoma, USA u diiday in xijaab la timaaddo.
Waxay iyada iyo waalidkeed ba (waa African-American soo islaamay) ku adkaysteen in ay tahay diin iyo waajib saaran. Dawladda dhexe ayaa ka warheshay arrintii oo maxkamad la fuushay iskoolkii falkan sameeyay.
Maxkamaddii waxay xukuntay in ay gabadhu xaq u leedahay in ay waxbarato iyada oo diinteeda ilaashanaysa. Iskuulkii iyo waaxda waxbarashada ee degmada oo dhan ayaa lagu qasbay in ay badalaan sharciyadooda ku saabsan 'astaamaha diinta'.
Waxaan sheekadan ku soo xasuustay nin Tuunisiyaan ah oo dorraad iiga sheekeeyay dhibka iyo rafaadka , bahdilka iyo silica ay walaashiis iyo xaaskiisu ka mareen in ay xijaab ku xirtaan shaqadooda iyo iskoolkooda. Waa dal Muslim ahe ogow.
Cajiib!
DEGDEG:- "Qolo Diidi Kartaa Somaliland Majirto reer Laascaanood way ogyihiin wixii dhacay..."Suldaan Axmed Cali
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Address
Hargeisa