Dhacdo
04/05/2022
Sheekadii Guusha Jack Ma (Alibaba.com)........
Jack Ma waa muwaadin u dhashay dalka china, kaasi oo ku guuldaraystay inuu
ku biiro college-ka tiraba saddex jeer, ugu dambayntiina wuxuu si dirqiya ku
dhaafay imtixaankii kadib markii uu sameeyay diyaarin iyo dadaal caadiga
dhaafsan.
Wuxuu isku dayay inuu shaqo ka helo maqaaxi cuntada lagu kariyo, laakiin
badankoodii way diideen inay shaqada galiyaan. Kadib markii uu codsiyo badan
oo shaqo ah meelo kala duwan u dirsaday ee loo diiday ayaa wuxuu
go'aansaday inuu shaqo macalinimo raadsado sababtoo ah wuu ku
guuldaraystay inuu shaqo taa dhaanta heJack Ma wuxuu dhigi jiray luuqada English-ta isagoo qaadan jiray lacag ka yar
10 dollar bishiiba.
Ka hor intii aanu bilaabin dhigista luuqadan, Jack Ma wuxuu aad u jeclaa inuu
horumariyo habka uu ugu hadlayo luuqadan, waxaanu 45 daqiiqo u kaxaysan
jiray baskiishiisa maalin walba Huteel u dhaw oo ay dadka dalxiisayaasha ahi ku
soo dagi jireen si uu ula hadlo luuqadana English-tana iskaga dhiso.
Jack Ma kumuu qanacsanayn shaqadiisa, waxaanu go'aansaday inuu u guuro
dalka maraykanka, si uu u helo nolol ka fiican tii uu ku noolaa. Wuxuu bartay
computer-ka iyo internet-ka aad baanu u jeclaa. Markii dambana wuxuuaasaasay website-ka loo yaqaano ALIBABA.COM kaasi u saamaxay ganacsiyada
iyo shirkadu ay ku kala ganacsadaan iskuna dhaafsadaan alaabta si online ah.
Alibaba wuxuu noqday ninka ugu taajirsan dalka china, hantidiisana maanta
waxaa lagu qiyaasaa 21 billion dollar. Waxaa loo aqoonsaday inuu kamid yahay
25 ganacsade ee ugu awooda badan qaarada eeshiya.
Waayihii iyo Noloshii uu maray Jack Ma
Jack Ma muu haysan wax lacag ah oo uu ku bilaabo ganacsi. Wuxuu ku shaqayn
jiray mushahar aad u yar. Waxaanu si dirqiya ugu biiray oo uu ugu guulaystay
inuu ku biiro machadka tababarka macalimiinta. Intaa waxa dheer in wadanka
shiinuhu aanu waqtigaa ahayn meel ku fiican in lagu noolaado ganacsina laga
bilaabo.
Jack Ma dhaqaalihiisii iyo lacagtuu haystay sanadihiisii ugu h**eeyay k**ay
badnayn intaad haysato maanta, haddii aanay intaad haysataa kaba
badnaynba. Ninkani wuxuu aad u jeclaa oo kaliya inuu abuuro ganacsi
guulaysta taasina waa sababta uu u raacay riyadiisii aanu u xaqiijiyay.
Hadaba waa maxay cudur-daarada aad maalin walba naftaada u sheegtaa?
Lacag kugu filan mahaysatid? Waxbarasho fiican ma haysatid? Dadka kugu
xeerani kuma dhiirigaliyaan kumana garab istaagaan?
Jack Ma muu haysan qof dhiirigaliya oo cadaadiya balse damacaa xoogan ee ku
gubayay si uu guul u gaadho ayaa ka dhigay ninka uu maanta yahay.
Sheekada aynu ka baranay Jack Ma Story
1) Waa suurto gal: waxaa suurto gal ah inaad ka bilawdo ganacsigaaga
meel aad u hooseeysa oo aad noqoto bilyaneer (maahaba milyaneeer)
Jack Ma wuxuu tusaale fiican u yahay dadka ka soo bilaabay meel ka
hooseysa zero iskuna daray liiska ugu sareeya ee taajiriinta adduunka.
2) Horaa loo samayn karaa: sharci ma'aha balse horaad ugu guulaysan
kartaa. Jack Ma wuxuu gaadhay guul isagoo ku jira da'diisa 30 meeyaha.
3) Marka ay riyadaada iyo hamigaagu weyn yahay, waxyaabaha hoose
kuma dhibi doonaan: Jack Ma wuxuu ku noolaa nolol adag, muu ahayn qof ku nool nolol raaxo leh, muu lahayn gaadhi iyo baan ay lacagi u taalo
toona balse wuxuu u cadeeyay aduunka in haynta iyo dhaqaaluhu aanay
aanay caqabad ku noqon doonin haddii riyadaada iyo hadafyadaadu ay
waaweyn yihiin.
Xigasho..........cabdirisaaq faarax cawad
10/02/2022
Qaybkamida buuga mataanihii jacaylka
Dunidaa madawgiyo
Mugdigaba la dhalatoo
Ma dhamaysto aadmigu
Intuu midho abuurtee
Mixnad layna galiyiyo
Mushkiladihii aduunkaa
Ina kala muquunshoo
Midba gabi ku moosee
Muraadkeedaa noloshaa
Murug lagu lifaaqoo
Sidii loo macneeyaba
Naftu mahadin maysoo
Intaan kala maqnaanshaha
Uu midkeenba meel jiro
Warkeenuna is moog yahay
Ma ogiba si aan ahay
Mataantii jacaylkaay
Maxaad mudatay dabaday
Ma nooshahay ma dhimashaa
Xaggeed maanta joogtaa
************************
Qoyska maamulkiisaa
Ku macaan la maalaa
Wada maala caashaqa
Mudnaantana haleelee
Anna muxibadaadii
Maalin igama suushoo
Waxaan maanka ku hayaa
Mar inaynu kulanee
Mid ahaan indhahaaga
Macaan hadday bukooto
Muuqa iyo aragtida
Meel fog k**a arkyside
Wadnayaal midooboo
Midigta is qabsaday
Ma iyagaa masaafiyo
Meel ku kala maqnaan karaa
Mataantii jacaylkaay
Maxaad mudatay dabaday
Ma nooshahay ma dhimashaa
Xaggeed maanta joogtaa
Waxa curiyay Abwaan Faysal Cali (Gooni)
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Hargeisa
063