Hanfi
23/08/2022
Dumarku waa noolaha ugu naxariista badan adduunka!
Bulshada aduunka ku nool, dumarku waxa ay ka yihiin 60%, markii Nabi Aadam Cs la abuuray, keli loogama tagin ee waxa feedhiisa looga abuuray wehel oo ahayd hooyo Xaawa. Sababta ka danbeysay waa ay badantahay balse midh iyo laba hadii aynu kasoo qaadano, ugu h**eyn dumarku waa qayb ka mid nolosheena, waxa ayna dhameystiraan qabyadeena. Waxa ay inoo yihiin garab mid kaas oo aynu dhamaanteen wada qirsannahay, kasoo bilow Hooyada oo ah garabkaaga koobaad ilaa intuu xaqqu idiin imanayo, waxa ku xigta walaasha oo ah hooyadaada labaad abaalkeedana aan la soo koobi karin, waxa xigta Xaaskaaga oo ah jaallaha noloshaada misena abaal wayn kugu leh, aduunkana ku dhameystiraysa, dhaxal aad adduunka uga tagtid midka u qaalisanna aad ka helayso waa ubadkee, ugu danbayn Hablaha aad dhasho oo hadhow kuu ilaalinaya sidii ubadkooda oo kale.
Dumarku waa wehelka nolosheena, ee bal caqli tolmoon iyo maskax fayow ku eego, ma inaga qalmaan inyar oo xumaan.
Caqli fayow oo bad qaba ayaa fahmi kara.
Inamal muslimuunal ikhwa: hablaha muslimiinta ee Soomaaliyeed waa walaalahay.
Hanfi
Waxaa jira khaladaad aan ereyga raali ahow dib u hagaajini karin, been aan la cafiyin, nabar maalmuhu aanay bugsiin, iyo daqiiqad qalbiga ka beddelaysa booskaad ku lahayd. Waa run in quluubteenu weyn tahay, laakiin ha dhayalsan inta uu leeg yahay khaladaadkaagu.
Baddupa markabka ma qaado haddii la dalooliyo.
Hanfi
18/08/2022
TUFAAXII GADUUDNAA
Qaybta 2aad; Bilan
Waxa si lama filaan ah afkayga uga soo baxday hal kalmad "Qalbigaagu wuxuu rabaa nafisaad ee u ogolow, walaalkaana wax la wadaag". Waxa aynu wada ogsoonahay habluhu in qof aanay aqoon h**e u lahayn waxbadan aysan la wadaagin balse wajigoodu waxba ma qariyo, runtii habluhu way qalbi jilicsanyihiin. Anigu isuma dhibin inaan ku cadaadiyo inay iisheegto wax balse anoo dareenkeeda ka dareen qaadanaya ayaan bilaabay hadal u dhignaa saddex qaybood, dhibaatooyinkii nolosha ee aynu soo marnay, dhib gaar ah oo aan anigu lasoo kulmay, dhiirigalin guud iyo sidii ay u wajihi lahayd mustaqbalkeeda nololeed ee waalidkeed iyo nafteeduba ka sugayaan, runtii farxaddii ugu horaysay ee aan wajigeeda ka dareemay way sii nuurisay quruxdeeda, kaliya inta ka dhimnayd ayay ahaydba, markii kadib ayay bilowday inay waayaheedi nololeed iga waranto, anna aan uga sheekeeyo maadaamo aan tusay in aanan ahayn qof xun misena aan waxba lagu aamini karin, aragtayna inaan diyaar u ahay inaan dhibkeeda la qaybsado, waxaanan siiyay mid ka mid ah tufaaxi gaduudnaa ee aan hayay, kadib waxa aanu isla meel dhignay arrimo badan iyo sidii aan garabkeeda marnaba uga maqnaanin, maadaamo dhibkeeda ugu wayni ahaa qalbijab ay kala kulantay xidhiidh jaceyl oo ay laheyd, misena ay ku guuldareysatay, oo la cidleeyay. (riyadani waxa ay iso mari doonta iyadoo xaqiiq ah, waa markaan xaqiiqsaday tufaaxaygi gaduudnaa in aan helay.)
Muhimadu riyadu may ahayn balse qofka iyo shakhsiga aan la kulmay ayay ahayd. Hadaan inyar ka tilmaamo bidhaanteedi waxa ay ahayd inan aad wajigeeda ka daalacaneyso aduunka waxaad qurux u taqaaneyba, dhaayo quruxbadan oo aanad ka daalayn eegmadooda, suniyo siman, san dhuuban, bishbo la moodo inay casaanka u dhasheen, ilko dabar leh ahaana kuwo iso jiitay ilaa hadana la dhacsanahay, jidh isu dheelitiran misena indhaha u roon, hadal mid aan maqlo kii igu saameynta badnaa misena aanan ilaabin macaankiisa-illahaybaa dhinac walba u dhameystiray xaqiiqdii, Bidhaan wacan oo aan halkan lagu soo koobi karin runtii ayaan arkay, intaasi waa intaan dusha ka arkayayye waxa dheera wanaaga gudaheeda ka buuxa-wacnaan lahaydaa anigoo xaqiiq u barta.
Nasiib xumo riyadii waxa ay iga dhamaatay inantii oo aan iisheegin magaceedi, balse magac ka turjumaya bilicdii iyo bidhaantii quruxda badnayd dhaayahaygu arkayeen ayay maskaxdaydu iswaydiisay, qalbigaa se ka falceliyay, "Bidhaan Bilan" waa magaca kaliya ee u dhigmayay dheehi iyo dhabankii ay lahayd.
Tufaaxa gaduudan waa riyadii quruxda badnayd oo aan xasuus qorkayga waaberigaas ku qoray misena ilaa hadda igu taagan, hadii aan sii seexanayo iyo hadii aan soo toosaba waxa ay ku sawirantahay qalbigayga runtii!
La soco oo nagu soo biir si aad u bogoto qaybta xigta.
Qore: Hanfi
17/08/2022
TUFAAXII GADUUDANNAA!
Waa xilli ay dhacayso laydh qabow, goor sheegtuna ku beegantahay aroor h**e oo badh ka hor salaaddii subax laga baxay, runtii jawigu waa uu degenaa, dhulkuna waa uu qoyonaa oo roob gudgude ah ayaa xalay noo da'ay, libdhadu markaasunbay soo bidhaantay, falaadhihi qurxoona ee lagu yaqaanayna lasoo baxday, inyar ka hor waxa ay ahayd xilli aan u diyaar garoobay maalintan cusub, sidii caadada ii ahayd waxaan soo qorshaystay qorshe maalmeedkaygi, sidoo kale waxa ii dheerayd duco aan rabbigay ku waydiisanayay rumeynta rajadayda nololeed iyo rumaynta riyadaan xalay arkay- oo ah ilaa hadda midaan naawilayo dhameystirkeeda.
Waxaan u jarmaaday goob ii ahayd caado oo wakhtiyada qaar markaan rabo inaan naftayda wareysto aan tagi jiray, k**a foga xaafadayada oo in nabar ah ayay ii jirtaa. Waa buur aad si fiican uga daalacan karto magaalada inteeda kale, kana dhacdo hawo dareen leh oo (fresh) ah, runtii waa meel naftu jeclaaneyso joogitaankeeda, lana soco xiligani uu ka duwanyahay xiliyada kale oo waa subax ay dadka badi wada hurdaan, wax jabaq ah oo aan ahayn naftaada ma maqleysid-alla quruxbadanaa jawigaasi.
Kadib markaan tagay goobtii kuna nafisiyay naftayda, ayaan bilaabay wareysiga naftayda-bal maan iska daayo maalintaas. Waxa xaqiiqo qofku habeenkii markuu riyoodo ee uu soo tooso hadii aanu qorin inuu ilaabo riyadi maadamo ay tahay mid aan macquul ahayn markaad soo toosto oo si kale ayay u dhacayan wax walba oo markii riyada sax kula ahaa, waana ila aragteen ayaan filaya inkasta oo ay tani noqotay mid aanan ilaabi karin, hadaba waxa si isdaba jooga iigu soo dhacdhacayay xasuusta humaagii iyo riyadii aan xalay ku riyooday-alla quruxbadnaydaa, riyo iyada ka quruxbadnayd imabay soo marin xaqiiqdii. Waxba hadalka sii dheerayn maayo balse riyadan oo aan ugu magac daray "Tufaaxa gaduudan" sidan ayay ahayd:-
Waxa ay ahayd riyo laygu tusay xuuralcayntii dunida-isma lahayn aduunyo ayaad ku arkaysaa balse waxa amakaag ila noqotay rumaynteede. Xuuralcayn Alle u dhameystiray qurux, dhaqan, aqoon iyo diinba intaba ayaan la kulmay si kedis ah, meel ayaan fadhiyay dhir yar yar hareeraha ay ka xigto, waxaanan cunayay tufaax gaduudan ( wan necbahay tufaaxa cunistiisa balse riyada lama xakameyn karo),waxa sidoo kale aan iga fogayn inanta dhameyska ah, ilayn waa riyo'ee sheekadii goor ay noo bilaabmantayba ma garanayo, anaga oo wada hadlayna un ayaan is arkay, ii waran walal iyo wan ficanahay huuno ayaan ka bilownay hadalkii, waxa jiray hadal badan oo gubaayay inanta xanuun badanna ku hayay, waxa ayna rabtay cid dhibkeeda iyo qalbi-xanuunkeeda la wadaagto sababtoo ah culayska haysta wajigii quruxda badnaa ayaa laga dareemayay. Waxa si lama filaan ah...........
Qaybta 1aad: Tufaaxa Gaduudan/Bilan
Qaybta xigta bogo dhawaan insha allah
Qore: Hanfi
𝘿𝙪𝙧𝙪𝙪𝙛𝙖𝙝𝙖 𝙮𝙚𝙮𝙨𝙖𝙣 𝙠𝙖𝙖 𝙙𝙖𝙗𝙤𝙤𝙡𝙞𝙣 𝙛𝙪𝙧𝙨𝙖𝙙𝙖𝙝𝙖 𝙖𝙖𝙙 𝙝𝙚𝙮𝙨𝙖𝙩𝙤
Cadhaa Bin Abii Rawaax oo ka mid ahaa taabiciyiinta kuwa ugu caansan wuxuu ahaa nin madow addoon ah, hal il la' , sankiisu isku dheganyahay, hal lug jiis ka ah, hal gacan shalal ka qaba, intaas kadibna wuu indho beelay.
Lexdaasi arrimood ee Cadhaa gaaray ma niyad jabiyeen, oo ma quustay?
Cadhaa ma wuxuu is yiri: Addoon la leeyahay, oo madow ah, indhoole iyo daciif ah ayaa tahay, waxaad sameyn karto malah!
Maya marna Cadhaa ma quusan wuxuu lahaa laba dhegood oo wax maqla, lugo uu ku socdo, carrab uu ku hadla, gacan uu wax ku qoro, iyo maskax fikir iyo xifdin leh .. Tani waa fursadaha uu Cadhaa ka helay naftiisa,
Wuu ogaa in isbadalku ka bilaabmo gudaha, waxa muhiimka ah waa sida aan isku aragno, ee maahan sida dadku noo arkaan.Haddii aad isku aragto inaad tahay qof xoog badan oo caqli badan, markaa waa sida kaa muuqan doonto, waana sida dadku kuula dhaqmi doonaan qofka faraxsan waa midka u arka inuu farxad haysto.
Dadaal badan kadib Cadhaa wuxuu noqday sayidkii taabiciyiinta, ninkii ugu cilmi badnaa waqtigiisa ilaa lagu naaneysi jiray Caabidul Xarameyn.
Hanfi
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Somaliland Country
Hargeisa