Axmed macalin
"Salaada waxay soo jiidataa risqiga,waxay ilaalisaa caafimaadka,
Salaadu waxay difaacdaa dhibka,waxay xoojisaa qalbiga,waxay nuurisaa wajiga,waxay ka farxisaa nafta,
Salaadu waxay tagsiisa caajiska,waxay siyaadisaa awooda,waxay sharaxdaa laabta,waxay nuurisaa qalbiga,waxay xifdisaa nimcada,waxay difaacdaa dhibaatada,waxay soo jiidataa barakada,waxay fogaysaa sheydaanka,waxay kuu dhaweysaa Raxmaanka ee aanu ku dadaalno...
Fadlan, Walaal adiga oo mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.
26/05/2021
Ninka cagta lala dhacayo ee sawirka ka muuqda waa muwaadin reer Masar ah oo magaciisu yahay Sayid Shawayl.
Mudane Shuwayl wiilkiisa oo xanuunsan qaliina u baahan isna uusan awoodin qarashkaas bay daruufka ku kaliftay inuu warqad codsi ah gudbiyo Madaxweyne Xusni Mubaarak oo dhoolatus ku marayay Magaaladda Almansuura ee dalkaasi Sannadkii 1987-kii.
Mudane Shuwayl waa uu ku guulaystay inuu fariintiisa gudbiyo, laakiin nasiib darro habeenkii kolkii uu xaafadiisa u hoyday baa ciidan madaxtooyada ah kala baxeen gurigiisa geeyeena meel aan la aqoon oo sirdoonka wax ku xiraan.
Afar bilood buu u xirnaa sababta uu madaxwaynaha ugu soo dhawaaday darteed mudadaas wiilkiisa oo waayey in qalniin lagu sameeyo ayuu u geeriyooday xanuun hayey darteed.
Markii uu xabsiga ka soo baxay wuxuu iska noqday bukaan socod oo jugtii iyo jirdilkii ay ciidanka ku sameeyeen baa laf dhabarta wax ka gaareen.
Waana laga ruqseeyey ama laga saarey halkii uu ka shaqayn jiray oo ahayd boostada qaranka dalkaasi.
Noloshiisa wuxuu ku dhamaystay bukaan iyo ciil qab uu u qaaday maamulkaasi kali taliska ahaa.
Mudane Shuwayl iyo Madaxweyne. Mubaarak labadooduba waxay geeriyoodeen sanado isu dhaw 2019-kii iyo 2020-kii.
Gunaanadka ama biyo dhacu waxa uu yahay inta badan dadka madaxwaynaha ka agdhow baa kaligii taliye ka dhiga, shacabkana ka horkeena.
Fadlan, Walaal adiga oo mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.
02/05/2021
Xogta: Wiilka yar ee uu Abiye ahmed Korsaday oo uu maanta wato suuqana ulasoo baxay.
Maalmihii uu Abiye xilka Raysal wasaarenimo qabtay ayaa meel jid ah oo qashinka lagu tuuro
Lagu arkay ilma yar oo dhawr maalmood jira oo intii kartoon lagusoo riday qashinka la ag dhigay.
Kadib dadkii arkay ayaa booliska wargeliyay ,
Booliskuna way qaadeen .
Intaas Kadib Abiye Ayaa sheekadii maqlay
Wuxuuna dhahay “ilmahaa yar aniga ha la isiiyo ,
Anigaa korsanaya “
Kadib sidii ayuu kula wareegay Abiye .
Abiye Axmad wuxuu leeyahay sadex caruur ah sadexduba waa gabdho ilmahan yar ee uu soo korsaday waa wiil isagaana ku afar ah .
Wiil ka kaliya ee uu Abiye haysto ayuu noqday ilmihii jidka lagu tuuray.
Maanta ayuu Abiye soo kaxaystay wiilkii yaraa oo waynaaday.
Sideed u aragtaa arinkan?
FG.sawirka koobaad waa maalinkii koobaad ee xaaska Abiye lagu wareejiyay ilmaha yar .
Labo sawirna waa maanta iyo Abiye oo wiilkii yaraa wata, ka udanbeeyaana waa abiye oo wax beeraya iyo wiilka yar.
Xigasho.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Culinary Team
Attire
Contact the business
Website
Address
Gaalkacyo