SAMTV

SAMTV

Share

Photos from SAMTV's post 20/09/2023

FURITAANKA KALFADHIGA 8AAD EE GOLAHA WAKIILLADA GALMUDUG. 20 September 2023

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Dr Maxamed Nur Gacal ayaa maanta Furay Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug

Ugu h**eyn Gudoomiyaha ayaa u Hambalyo u diray Shacabka deegaanada Bacaadweyn, Camara, Qaycad, Qodqod iyo deegaanada hoos yimaad ee helay guusha neecawda Xorriyada

Gudoomiyaha ayaa furitaanka Kalfadhiga ka jeediyay khudbad uu kusoo koobay waxyaabihii u qabsoomay kalfadhigii h**e, isaga oo Sheegay in lagu jiro Halgan joogto ah oo marar badan sababay in uu buuxsami waayo Kooramka Fadhiyada Golaha haddana la gaaray guulo la taaban karo Kalfadhigii 7aad ee xirmay bishii Juun ee Sananakaan, waxaa ka mid ahaa;

1. Ansixintii iyo dhameystirkii dib u eegistii dastuurka Galmudug oo lasoo daacabacay.

2. Sharcigii Xakameynta Hubka Galmudug oo laf dhabar u ahaa dawladnimada iyo sarreynta Shuruucda Galmudug.

3. Ansixinta Sharcigii Maareynta Dhulka Galmudug oo muhiim u ahaa Maamulka Dhulka iyo Xallinta Khilaafaadka dhulalka Galmudug.

4. Ansixinta degmeynta degmooyin cusub oo ahmiyad u lahaa Galmudug sida; Afbarwaaqo, Ceelguula, Bandiiradley, Dhabbad iyo Gelinsoor.

5. Sharcigii doorashooyinka Galmudug oo horseed u ah in Galmudug ka baxdo doorasho dadban una guurto doorasho Qof iyo cod ah, xor iyo xalaal na ah.

6. Ansixinta Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran oo Madaxda dalku bishii May ee Sanadkaan ku daahfureen in dalku galo doorashooyin sedex heer ah, Qof iyo Cod ah, daah-furan laguna galo habka Xisbiyada badan Sanadka 2024.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in
Kalfadhiga 8aad ee Golaha ay horyaaliin halwo culus oo hortebin u leh Galmudug sida:

1. Dardargelinta Hawlaha Guddiyada Golaha oo ah Mishiinka dhaqaajiya Golah.

2. Hormuud ka noqoshada Hawlgalada Ciribtirka Khawaarijra iyo Xasilinta Deegaanada laga Xoreeyo.

3. Ansixinta Wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Golaha.

4. Ansixinta Miisaaniyad Sanadeedka Galmudug ee 2024 iyo Xisaab-xirkii 2022.

5. Dhameystirka Shuruucda iyo QaraaraadkavXukuumadda ee harsanaa Kalfadhigii h**e.

6. Gogol-xaarka iyo u diyaar-garowga Doorashooyinka ka bilaaban-doona Galmudug bisha Juun 2024, ee Madasha Qaran ku heshiisay.

7. La Xisaabtanka Hay'adaha Dawladda Galmudug iyo Qiimeynta wixii ka fulay Qorshihii Xukuumadda 4 tii Sano ee lasoo dhaafay.

Ugu danbeyn Gudoomiyaha ayaa u Mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug iyo Xukuumadiisa oo taageeray qabsoomidda hawlaha Golaha Wakiillada Galmudug.

Want your business to be the top-listed Media Company in Gaalkacyo?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Gaalkacyo