Maan-dhis
Waa maxay caafimaadka maskaxdu.
Waa badqabka caafimaadka qofka ee dareen ahaaneed, maskax ahaaneed, iyo la dhaqmid bulshaba. Waxa uu saameeyaa habka aan u fakarno, wax u fahanno ugana falcelinno, isaga oo innaga caawiya sida aynu ka yeelno mushkilladaha iyo go'aammada nolosha ee saameynta nagu leh.
Badqabka caafimaadka maskaxdu wuxuu muhiim u yahay marxalad walba oo nololeed-carruurnimo ilaa cirroolanimo.
8 qof ba 1 qof ayaa la nool xaalladaha caafimaad ee maanka, adduunkanna dad baddan ayaan helin daryeel caafimaad oo maanka ah ,iyadoo ay jiraan sababo badan oo u keenaya in aysan helin daryeelkaas ,waxaa kamid ah dadka qaybtood oo aan haysan xarrumihii lagu dabiibayay xaalladaha ku dhaca maanka, qaarkood waa fakhri oo ma awoodaan u tegidda dhaqtar , qaarna waxa ay ka baqaan caqabaddaha uga imaanaya bulshada ay la noolyihiin oo takoor iyo dhibaateen ku keenaya marka ay maqlaan in qofkaas ay haysato xaalad caafimaad darro oo maanka ah.
Hada bulshadeenna Soomaaliyeed waxaan ku baraarujinaynaa in qofkasta oo xaalladaha maanka ka cabta ama dhakhtar ku sheego in uu san waalneyn. Waxaa habboon in la daryeelo oo lala sheekaysto qofki sheegta ama lagu arko calaamaddaha caafimaad darro ee maanka ,sababtoo ah daawada xalladahaas qayb muhiim ah waxaa ka qaata amabba daawo u ah kaliya qofka in uu sheekeeyo,la fahmo , lagana dhageysto waxa uu ka cabanayo ,
oo aan marnaba lagu takoorin marxallada uu kujiro .
Qofkasta wuu la kulmi karaa xaalladaha maanka , ma ahan wax aan ku dhicin dad gaar ah .
Fadlan aan ku baraarugsanaano isbeddelada ku yimaada dadka guriga nagula nool, asxaabta iyo ehelkabba, si xilli fiican loo ogaado ,loogana daaweeyo xaalladahaas.
.
Maan-dhis
GHOSTING.
Ghosting wuxu dhacaa marka qof uu si lama filaan ah ujaro xariirki kala dhaxeeyay qof kale iyadoo qofkaan uu joojiyo kasoo jawaabida fariimaha iyo qabashada taleefanada iyadoo aysan jirin sabab cad oo waxaas uu usameeyo taasoo qofki kale ku ridaysa jahwareer, walwal iyo walbahaar badan.
Dadka ghosting sameeya waxaa la sheegaa inay ku sababaan dhowr waxyaalood oo ay kamid yihiin;
- Qofka oo diidaya inuu si toos ah umuujiyo dareenkiisa.
- Xiisaha oo yaraada.
- Qofka oo raba inuu xariirka jaro laakiin uusan aheyn qof awood uleh in uu si toos ah ujaro.
-Dadka ghosting sameeya waa dad inta badan ka carara wadda hadalada dooda ah.
Ghosting ka wuxuu ka dhex dhici karaa xariirada jacaylka, kuwa saaxiibtinimada iyo sidoo kale goobaha shaqada.
Qofka lagu sameeyo ghosting ka wuxuu dareemaa niyad-jab iyo xanuun badan isagoo intaas ka fakara waxa khaldamay, qofkana waxaa gaara saameyn wayn oo maskaxeed.
Talo yar oo ku socota dadka sameeya ghosting,
-Emotional intelligence giina oo aad dhistaan
-Dadka wakhtigooda iyo dareenkooda ixtiraama
-Communication skills kiina dhisa oo qofka si toos ah ula xariira.
- Sidoo kale joojiya ka fogaanshaha aad qofka ka foogaanaysid adiga oo ka cabsana waxaa ka imaan doona wadda hadalka aad galaysaan xilliyada ay taagan yihiin khilaafaadka.
Xilliga uurka wuxu ka mid yahay xilliyada ay hooyadu dareemadeeda aadka ukacanyihiin, hadii ay hooyadu ku jirto marxallad walwal iyo walbahaar ah marka ay uurka leedahay waxaa minka hooyada soo galaya dheecaanada(sida cortisol)bata marka qofka uu ku jiro marxallada walwal taasna waxay keenaysaa in uurjiiftina cabto biyihii uurka oo wata dheecaanadii.
Dheecaanadaas waxay dhib gaarsiinayaan maskaxda ilmaha taasoo sameyn ku yeelanaysa kobaca maskaxeed ee ilmaha.
Dhibkaas soo gaaraya maskaxda ilmaha waa mid ka yimid farxad la’aanti hooyada.
Dhakhaatiir ahna cilmi baarayaal ayaa sheegay in ay jirto wakhti xasaasi ah kaas oo ah isbuucyada ugu dambeeya ee uurka iyo labbada sanno ee u horaysa nolosha ilmaha waana wakhti ay si joogto ah usamaysmaan shabakado(networks) maskaxda dhexdeeda. Wakhtigaas waxaa muhiim ah in hooyada iyo ilmuhuba ay hellaan daryeel baddan.
Fiiro gaar ah daryeelka hooyada la siinayo waa mid la rabo inuu jiro xilli walba si khaas ahna la rabo in lasii xoojiyo xilliyada uurka iyo naas nuujinta.
Xaalladaha ku dhaca maanka iyo diinteenna Islaamka, waxaa noo soo gudbinaya Shiikh Mursal Shire, Mahadsanid Shiikh.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Website
Address
Xero-Daraawiish
Gaalkacyo
252