Ardaa Cable TV
06/10/2025
Maxamuud Cabdi Xasan (Goofindhe) Guddoomiyaha Degmada Axmed Macallin Haaruun ayaa saaka Xarunta Degmaddaasi kulan soo dhawayn ah ugu sameeyey ciyaartoy h**e Cabdirisaaq Cabdilaahi Cali (Cabdirisaaq Shabeel) oo kamid ah Haldoorka bahda Ciyaaraha Somaliland.
29/09/2025
๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐๐ซ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐๐๐ ๐๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฅ๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐๐ง๐๐๐ฒ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐ซ๐จ๐จ๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฐ๐๐๐๐ฅ๐
Maanta ayaa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland kulan muhiim ah la qaadatay daneeyayaasha dhismaha Garoonka Xawaadle. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xidhiidha:
โ
Ka warqabadka hawlaha dhismaha garoonka iyo heerka ay marayaan.
โ
Cayimaadda wakhtiga rasmiga ah ee lagu bilaabayo dhismaha iyo shaqada farsamada ee garoonka.
โ
Kala warqaadashada iyo hubinta wakhtiga imaanshaha roogga garoonka iyo tayadiisa si loo xaqiijiyo waafaqsanaanta heerarka caalamiga ah.
โ
Dardaaranka ku aaddan ilaalinta bilicda iyo quruxda guud ee dhismaha garoonka.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay xustay muhiimadda ay leedahay dhismaha garoonkani,Uuna noqon doono Garoon habeen iyo maalinba lagu ciyaaro insha allah.
24/09/2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha oo uu Weheliyo Agaasimaha Waaxda Horumarinta Hablaha iyo Agasimaha Waaxda Ciyaaraha Ayaa Maanta magaalada Hargeysa ka Daahfuray
Kulanka Isku-xidhka Ciyaaraha Loo Dhan Yahay (Quarter 3/2025), oo ay soo agaasimeen Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha, iyadoo la kaashanaya NAFIS Network iyo Plan International, mashruuc uu maalgelinayo Midowga Yurub (EU) ee lagu magacaabo Kickstart for Equality.
Ujeedada Kulanka :
โ
Ciyaaraha hablaha iyo kaalintooda horumarinta bulshada.
โ
Waxqabadka iyo guulaha la gaadhay saddexdii bilood ee u dambeeyay.
โ
Caqabadaha jira iyo sida wadajir looga gudbi karo.
โ
Qorshayaasha mustaqbalka ee lagu xoojinayo ka-qaybgalka iyo awoodsiinta dhallinyarada, gaar ahaan hablaha.
Ka qaybgalayaasha kulanku waxay isugu jireen wasaaraddaha khuseeya, ururrada bulshada rayidka ah, xidhiidhada ciyaaraha, iyo saaxiibada horumarinta.
Wasaaradda waxay u mahadnaqaysaa dhammaan ka qaybgalayaasha iyo saaxiibada horumarinta doorkooda muhiimka ah ee horumarinta ciyaaraha loo dhan yahay.
21/09/2025
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Md, Axmed-yaasiin Maxamed ayaa magacabay la taliyaha ciyaaraha
Khadar jiilaal
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Afgooye - Opposite HEECO- HQ
Burco
063