Doon-bir

Doon-bir

Share

25/06/2024

soo dhawaada saaxibayaal, waxaan jeclaystay in aan idinla wadago intan yar | SLIDESHARE.

18/06/2024

DILAAGA QARSOON | HYPERTENTION

Qiyaastii 1.28 bilyan oo gaadhay da’da 30—79 ayaa qaba xanuunkan. Dadkaas, sadex meeloodow laba meelood waxay ku noolyihiin wadamada dhaqaale ahaan hooseeya iyo kuwa meel dhaxaadka ah.
46% dadkaasi k**a warqabaan in xanuunkaasi hayo, halka 42% la ogaaday ka dibna la daweeyay ama lala tacaalay.
Dhiig karku {hypertention | high blood pressure} waa marka cadaadiska xididada dhiigu ka badnyahay 140/90. Inta badan waa xanuun ku badan dadka, balse hadii aan la dawayn wuxuu keeni karaa dhimasho.
Dadka xanuunka qabaa iskuma arkaan inta badan wax claamado ah, balse waxa lagu ogaan karaa xanuukan iyadoo la hubiyo ama la cabiro cadaadiska dhiigaaagu ku dhex marayo gidaarada xididada dhiigaaga [measurement of blood pressure]
Waxa jira wax yaabo kordhiya dhicitaanka xanuunkan waxaana ka mid ah:
 Da’da qofka oo waynaata
 Hidde, qofka oo ka hidaysta xanuunkan ehelkiisa
 Baruurta oo ku badan qofka
 Qofkoon samayn dhaqdhaqaaq jidheed
 Cuntada milixdu ku badantahay
 Cabista khamro badan

Badalida hab-nololeedka sida cunista cunto caafimaad qabta, joojinta tubaakada iyo samaynta jimicsi waxay ka caawin kartaa qofka in uu hoos u dhaco cadaadiska dhiigu.

Qodobada khatarta ah ee sahli kara xanuunkan.
Inta badan waxyaabaha xanuunkan khatar ka dhigi kara ama sababi kara in qofku uu yeesho waxa loo kala saaraa laba qaybood oo kala ah

 Waxyaabo la badali karo
 Waxyaabo aan la badali karin

 Waxyaabo la badali karo.
Wax yaabahan waxa ka mid ah cunto aan caafimaad qabin{ cunista cunto milixdu ku badantahay, cuntooyinka duxda xooluhu ku badantahay, cunis la’aanta furuutka iyo khudaarta} jimicsi la’aan, cabista tubaakada,khamriga iyo buurnaanta xadka baxa ah { Obesity | culimada nafaqadu {nutrition} waxay u tix galiyaan buurnaanta xadka baxa ah marka qofka BMI {body mass index} kiisu ka badanyahay 30kg/m2, sidee lagu ogaan karaa BMI ga qofka? Si aynu u xisaabino BMI ga qofka waxaynu u baahannahay dhererka qofka iyo culayska qofka, intaas ka gadaal waxaynu laba jeer isku dhufanaynaa dhererka qofka, waxaynuna u qaybinaynaa culayska qofka.
FIIRO GAAR AH: BMI wuxuun baa loo isticmaali karaa dadka qaan-gaadhka ah

 Waxyaabaa aan la badali Karin.
• Ehelka qofka oo xanuunkan lahaa
• Da’da qofka oo ka waynaata 65 jir
• Iyo xanuuno kale oo qofka haya {macaan ama xanuunada kalyaha ku dhaca}

Cabashooyinka uu sheegan karo qofka qaba xanuunkan.
Inta badan dadka xanuunkan qabaa iskuma arkaan wax calaamado ah ama ma sheegtaan wax cabashooyin ah.
Waxaase qofku isku arki karaaa
 Madax xanuun daran
 Laab xanuun
 Dawakhaad
 Hawadoo ku adkaata qofka
 Yalaalugo
 Hunqaaco
 Habeeno
 Khalkhal
 Khalkhal ku dhaca garaaca wadnaha.

Mudane/marwo hadii aad isku aragto calaamadahan fadlan h**e u gaadh xarun caafimaad.
Daawayn
Waxa jira waxyaabo hoos u dhiga cadaadiska dhiigu marka uu sareeyo waxaana ka mid ah
 Cunista cunto milixdu ku yartahay
 Miisaan dhimista
 Jimicsiga
 Joojinta tubaakada iyo khamriga.

Waxa jira dawooyin dhawr ah kuwaasi oo la siin karo qofka qaba xanuunkan, doorashada dawadu waxay ku xidhantahay xaalada bukaanka iyo hadii bukaanku qabo xanuuno kale.

 Dawooyinka waxa ka mid ah
 ACE INHIBITORS {enalapril,lisinopril} dawooyinkani waxay kala bixiyaan xididada waxaanay ka hor tagaan xanuunada ku dhaca kalyaha.
 ARBS {losartan, telmisartan} iyaguna waxay kala bixiyaan xididada waxaanay ka hor tagaan xanuunada kalyaha
 CALCIUM CHANNEL BLOCKERS {amlodipine, felodipine}
Kuwanina waxay kala bixiyaan xididada.
 DIURETICS {hydrochlorothiazide, chlorothalidone} kuwani waxay jidhka ka saaraan biyaha dheeraadka ah waxaanay hoos u
dhigaan cadaadiska dhiigu ku dhex marayo xididada.

Sidee looga hor tagi karaa xanuunkan.
 Samee waxyaabahan
o Cun khudaar badan
o Samee jimicsi
o Yaree fadhiga badan
o Dhan miisaankaaga hadii badanyahay
o Qaado hadii daaooyin laguu siiyo xanuunkan

 Ha samayn wax yaaban
Ha cunin cunno milixdu ku badantahay
Ha cunin cunno duxdu ku badantahay
Yaree cabista sigaarka iyo tubaakada
Ha cabin khamri badan

Cawaaqibta ka dhalan karta xanuunkan hadii aan la xak**ayn.
Xanuuno kale ayaa qofka ku dhici kara hadii aan la xak**ayn dhiig karkiisa waxaa ka mid ah xanuuunadaas
 Laab xanuun [ angina}
 Heart attack oo ah marka dhiigii wadnuhu gaadhi waayo isna wadnaha, isla markaasna muruqyadii wadnuhu ay dhintaan hawo { oxygen} la’aan.
Heart failure oo ah marka wadnuhu tuuri kari waayo dhiiga iyo hawada isla markaana la gaadhsiin kari waayo qaybihii kala duwanaa ee jidhka.
Khalkhal ku dhaca garaaca wadnaha kaasi oo sababi kara dhimasho degdeg ah.
Faaliga, dhinac qalal.

¬¬¬W/Q: Sayid Mohamed sahid
[email protected]
Tar: 16/jan/2024
Tixraac
World Health Organization (WHO)

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Burco?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Burco