RAJO FORUM
14/09/2025
Madaxweynaha Somaliland oo Dhirbaaxo ku dhuftay Wasiir ka tirsan Xukuumadda
Hargeysa — Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Cirro uu dhirbaaxo culus ku dhuftay Wasiirka Diinta Somaliland, Cabdillahi Baashe, intii lagu guda jiray kulan gaar ah oo uu Madaxweynuhu guddoominayay.
Kulanka oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda, ayaa xaaladdu gashay qalalaase kadib markii Wasiir Cabdillaahi uu si fool xun ah uga hadlay khilaafka wadaaddada dalka hadheeyay bishii ugu dambaysay. Sida wararku sheegayaan, hadalka Wasiirka ayaa si weyn u cadho galiyay Madaxweynaha, taasoo sababtay inuu si lama filaan ah dhirbaaxo ugala dul dhaco Wasiirka, isla markaana labada indhood kaga dhufto.
Markii dhirbaaxadu ku dhacday, Wasiir cabdillaahi ayaa daqiiqado wareeray, iyadoo dhacdaduna ku noqotay mid uu filan waayo. Inta uu isku dayay inuu ka baxsado goobta, ayuu ku dhacay kursiga Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdalle Sandheere, taasoo sababtay in Cabdalle isna dhulka ku dhaco.
Fowdadaasi kaddib, Madaxweynaha ayaa si degdeg ah ugu dhawaaqay in kulanka xidhan yahay, iyadoo jawigu noqday mid yaab ku reebay wasiirradii kale ee goobta joogay.
Warar kale ayaa intaas ku daraya in Wasiir Cabdillaahi Baashe uu si toos ah u aaday Hotelka Casood, halkaas oo uu xaaladda ku dhacday la wadaagay xubno masuuliyiin ah oo beesha uu ka soo jeedo ah, kuwaas oo iyaguna ku waaniyag in uu dhacdada qariyo oo iyaguna ay si hoose ku dhamaynayaan khilaafka isaga iyo Madaxweynaha.
Goblay TV
09/09/2025
MW Xassan Sheikh ayaa kahor imaanshihiisa xukunka si weyn u dhaliilsanaa xariiradii Itoobiya iyo Soomaaliya, isagoo si weyn u tarmiyey in Masar ay walaalo u tahay Soomaaliya, oo Itoobiya aan looga hiilin karin.
Hayeeshee, Masar oo aaminsan in wadnaheedii maanta Itoobiya dhaawacday ayuu madaxweynuhu kaqeybgalay furitaanka biya xireenka Abay ee Itoobiya, taas oo kadhigan in Madaxweyne Xassan Sheikh qaaday talaabo aysan madaxdii kahoreysay sameynin, dhaawicina doonta xariirka diblumaasiyada 2-da dhinac.
07/09/2025
Khariidad run ah oo muujinaysa Geeska Afrika Waxaana si cad loogu muujiyay Jamhuuriyadda Somaliland.
Ku dhawaaqid Musharaxnimo. Abyan Ayanle Cali
Aniga oo ah Faarah Ayaanle Ali (Abyan), maanta oo ay taariikhdu tahay 7-September 2025, waxa aan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa in aan ahay musharax u taagan doorashada Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland, anigoo ku matalaya shacabka gobolka Saraar.
Waxa aan bulshada gobolka Saraar u ballan-qaadayaa in aan si dhab ah uga shaqayn doono baahiyaha aasaasiga ah ee maanta ay la daala dhacayaan, gaar ahaan horumarinta arrimaha bulshada Waxbarashada , caafimaadka ,Biyaha .
Sidoo kale, waxaan xoogga saari doonaa Kor u qaadista koboca dhaqaalaha gobolka Saraar , Abuurista ilo dhaqaale oo dhalinyaradu shaqooyin ka helaan iyo Horumarinta ciyaaraha (Sports) gobolka saraar .
Waxa aan ka midho dhalin doonaa derejo bedelka Magaalada Caynaba, anigoo adeegaya qorshayaal cad iyo hufnaan buuxda.
Waxaan si kal iyo laab ah ugu baaqayaa shacabka gobolka Saraar in ay igu garab istaagaan taageero iyo talo, isla markaana ay codkooda igu aaminaan si aan u noqdo codkooda, uguna shaqeeyo danahooda iyo horumarinta gobolka iyo guud ahaan dalka.
Hal-ku-dheg:
“Codkaaga Maanta waa Horumarka Beri”
ALLA MAHAD LEH
Faarah Ayaanle Ali (Abyan)
Abyan Waa Codka Saraar
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the organization
Telephone
Website
Address
Burco