Eng Khadar

Eng Khadar

Share

09/10/2024

"Maxa la Gudboon Ardayga Haddii uu Jamacad Ku Jiro ama uu Isku Diyaarinayo inuu Jamacad Bilaabo"

Ardayda dhigata jaamacadaha ama kuwa isku diyaarinaya iney jaamacad bilabaan waxay wajahaan fursado iyo caqabado badan.
Si kastaba ha ahaatee, si ardaygu ugu guuleysto hayaankiisa waxbarasho, waxaa muhiim ah inuu yeesho qorshe cad.

Ardayga jaamacadda ku jira ama isku diyaarinaya inuu jaamacad galo waxaa la gudboon in uu sameeyo qorshe waxbarasho (Study Plan) oo cad. Tani waxay ka caawineysaa inuu ardaygu diiradda saaro yoolkiisa iyo waxyaabaha uu rabo in uu gaaro.

maareynta waqtiga (Time Management ) waa xirfad muhiim ah. Ardayga waa inuu bartaa sida loo qorsheeyo waqtigiisa si uu u dhammeeyo hawlaha uyaal.
Waxaa muhiim ah in la sameeyo jadwal hawleed (to-do list) oo ka caawiya ardayga inuu raaco ama uu gaaro yoolkisa.

Jaamacadaha qaarkood waxay bixiyaan resources dheerad ah sida maktabadaha, xarumaha cilmi-baarista, iyo la-taliyayaal. Ardayga waa inuu ka faa’iidaystaa kheyraadkan si uu u helo taageero dheeraad ah iyo macluumaad faa’iido leh.

Ardayga waxaa laga yaabaa inuu la kulmo dhibaatooyin sida cadaadiska waxbarasho ama waqti la'aan ama assignment ku adkaado.
Waxa ardayga la gudboon inuu raadsado tageero ama cid ka caawisa oo xal u hesha caqabada heysato sida inu la raadsado asxaabtiisa ama macallimiintiisa.

Gabagabadii, ardayga jaamacadda ku jira ama isku diyaarinaya inuu jaamacad galo waa inuu yeesho qorshe cad, maareeyo waqtigiisa, oo uu ka faa’iidaysto resources-ka diyaarka u ah.
Waxay sidoo kale muhiim tahay inu ardaygu barto xirfadaha muhiimka ah.

W/Q Eng Khadar

07/11/2023

Finally ChatgPT is available in Somalia Register Now With Your Local Number +252

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Borama?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Borama