Keyse Abtidoon

Keyse Abtidoon

Share

in la dhiso umadda aqoonteedu waa door mahiima ah oo bulshadda u baahyantahay.

Photos from Keyse Abtidoon's post 27/10/2024

Khatar qarsoon oo caafimaad!

Hablaheenu waa sida ogahay waa kuwa uduga jecel, waa kuwa aan sinaba u ogolaan ur aan lagu raaxaysan karin.

Qaab isticmaalka cadarinta guryaheena, goobaha shaqo, dugsiyada, masaajidad... haddaba waxa ku lamaan, halis caafimaad oo aan sinaba looga baaqsan karin sheegisteedda, haddii aynu sidan ku sii socon, qof walba aad arki karto, isagoo neef-qabad ama xasaasiyad ka cabanaya.

Waxan cuskan karaa, articles badan oo laga qoray, kuwa caalamiya iyo kuwa dhakhaatiirteenu kula taliyaan dadka inta badan neefsashada ka cowda.

Waxaad arkaysaa roogaga masaajidada oo r lagu shubayo, oo cagado dhan lagu madhinayo hal maalin guduheed, taasi waxay hor seedi kartaa, dadkii xasaasiyada lahaa iyo qaar kalaba inay halis ku dhex galaan salaada dhexdooda, maadaamo mudo ay ku jirayaan salaada.

Waxaad arkaysaa dumarkeena oo guriga marka lasoo hoydo guriga qiiqu iyo cadartu ay daaqadaha ka baxayaan, kolalbaa dhaci karta, in daaqadaha ay u xidhaanba, oo aad sidaa lagu seexdo, taasina waa halis kale oo caafimaad.

Goobaha kale aadka looga isticmaalo, waa xafiisyada, waana halka ugu badan ee aad ku arkayso isticmaalka cadarta hawada udugisa, goobahani waxaad arkaysaa, iyada oo ay albaabada loo xidhanayo, daaqadaha iyo albaabadu u xidhanyahiin, tana wa u halisa sanbabadaada.

Seddexdaa goobood ee aan soo sheegay, waa in sida loo badalaa, si aynu ilaalino badqabka dadkeena.

1.Masaajidada

Waa in kaga daayaa rooga, waxa jira kumaankun qof xasaaasiyad ku leh cadartay, waa inaanad u ogolaan in jamacu masaajidka ka yaraan, kana tagin masaajidka, waxa ugu haboon inta aysan dadku iman inaad carfiso, habkaasaa macquul ah.

2.Guryaheena

Waa in ka hor dadku intay seexan carfisa, waliba loo ogollaan in ay cidi gasho inta ay socoto carfintu, waa inaad aamintaa sun oo kale inaad ku buufisay, haddii kale halis caafimaad ayaad u horseeday dadka kugula nool guriga.

Waa inaad martida, qolka ay galayaan, aanad waxba ku buufin, ilaa aad ogolaasho weydiisato, haddii waxa laga yaabaa inuu xasaasiyad lahaa, oo aad halis ku galo gurigaaga.

Qolka sinaba howga shidin wax qiiqa, uunsi, iyadoo la jooga siiba ciyaal iyo dadka waaweyn.

3. Xafiisyada

Madaamo ay tahay goobo aan lays ogayn cida xasaasiyada leh, cid sanbabada wax ka qabta, cid inuun neef qabad leh, waa inaad ixtiraamtaa asxaabta kolba xafiiska kula joogta, waa in aad ka hor inta aan xafiiska lasoo galin, aad sii carfisaa, haddii kale waxad horseedi doontaa, in dadbadan xanuun cusub la kulmaan, ugu yaraan in madax xanuun joogtaa qofku la kulmo, isagoo tabanaya oxygen ku filan inaanu helin.

Ugu danbayn.

"Haddii aad uduginayso goob, ka hor inta pa iman ama la joogin carfi"

24/10/2024

Af-somaaliga sexda ah!

Saaka ayaan fadhiistay maqaaxi yar oo shaax ka fuudayey.

Oday ayaa ii ag fadhiistay kolkaa budh iyo wayso yar, cagahana ciid cas, oo kolkaa dhul omos leh inuu ka yimi aan u maleyey, ama ugu yaraan hawd ahaa.

Waxan la hadlayey saaxib aan shaqo wadaag ahayn oo kolkaa afka somaaliga aan ku hadal.

Adeer ma af-xabashibaad ku hadlaysay, af kale adeer.

Adeer waaxaan kugula talin lahaa inaad afkaaga aqoon u yeelato oo aad barato!

Ana waxan ku idhi, inta aan is xariifiyey, adeer waan aqaana, af-somaaliga waxna waan tirtiraa marmar. K*k

Dhowr meeris oo aanan haynin hadda, oo Abwaan Faarax Nuur (AHUN) tireyey, ayuu ii mariyey, kolkaas fufurbuu ugu yidhi; xooga waan la raftay.

Balse waxa ugu adkaaday hadal caadi ah oo markaasi ku tilmaamay nin ay is hayeen oo wadada marayey, oo kolkaa aan u fahmay, inuu ahaa, niman dhowr ah oo magaaladda u yimi, oo kolkaa sooryo la'aan uu kula kulmay!

" ninkaasi waa beexaani, bicir iyo dallal isku darsaday"

Yaa adeer!

Waabu igu celiyey, miyaan fahmayaa!

Inta uu dhoola cadayey, ayuu yidhi oo hadda waxaaban ku moodayey, nin afka yaqaane, intaas waa inaad ayeeyo ama awoowgaa soo weydiisaa, inta uu jilibka iga dhirbaaxay, oo kolkaa shaaxi aan gacanta ku hayeyna iga qaban gaadhay.

Mayee; adeer isheeg?

Bacir gartaye inta kale.

Kolkaa waa isheegay, isagoo gacmaha igu sharaxaya.

waxaan yaqiinsaday haddii afkaa lagu qori lahaa buug, in sida luqadaha kale loo baran lahaa.

Waxaan ugu socdaa, bal seddexdaa erey, soo kala sheega.

1. beexaani
2.bicir
3.dallal

Keyse Abtidoon

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Berbera?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Berbera