Cali Qaran
18/04/2026
FB 2324..
Waxaan si adag u canbaaraynayaa warqadda ka soo baxday Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ee shirkad gaar ah loogu asteeyey inay noqoto wakiil ay la shaqeeyaan shirkadaha MTOs iyo logistics-ka ee ka imanaya Itoobiya.
Go’aankani ma aha khalad maamul oo fudud Waa ku tumasho cad oo Dastuurka Somaliland ah iyo xeerarka dalka Jamhuuriyada Somaliland u yaal sida Qodobka 11aad, 8aad iyo 22 aad ee Dastuurku JSL oo dammaanad qaaday ganacsi xor ah (free enterprise), xuquuqda iyo sinaanta muwadiniinta JSL. Wasiir ma laha awood uu shirkad gaar ah ku siiyo mudnaan Qaran iyo in fursada hal shirkad lagu koobo waa xad-gudub dastuur.
Waxaa kale oo warqaddani si cad u muujinaysaa in wasiirku ka arradan yahay fahamka shuruucda dalka iyo waajibaadka sharci ee wasaaradda uu masuulka ka yahay. Go’aan noocan ahi ma aha oo kaliya khalad maamul — waa tilmaam aqoon-darro sharci.
Sidaas darteed go’aankani:
• Waa xad-dhaaf awoodeed
• Waa ku tumasho dastuur iyo iska indhotir mabda’a suuqa xorta ah
• Waa ku tumasho sinnaanta ganacsatada
• Wuxuuna muujinayaa aqoon-darro sharci oo haysata wasiirka.
• Golle ahaan waxa aanu kala xisaabtami doonaa dambiga sharci ee uu ka galay dastuurka JSl wasiirkaa gaadiidku iyo H.jidadku.
Somaliland laguma maamulo go’aamo shaqsiyeed iyo doonis wasiir laakin Somaliland waxaa lagu maamulaa DASTUUR iyo xeerar u yaal.
FB 2323..
🌙✨ 🌙✨ Ciid Mubaarak 🌙✨ 🌙✨
Maalintan barakaysan ee ciidda, waxaan dhammaantiin idiin rajaynayaa farxad, nabad iyo barwaaqo joogto ah. Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii, iyo camalkii wanaagsanaa ee aynu soo gudanay 🤲🏽
Ciiddu waa maalin farxadeed, sidoo kale cafis iyo jacayl laysku qaabilo. qalbiyadeenna Alle farxad badan ha galiyo hana inaga yeelo kuwii aan illoobin kuwa u baahan garab iyo gargaar.
Adiga, qoyskiina iyo qoyskaagaba Ciid wanaagsan 💫 Farxaddu ha noqoto mid aan dhammaan, ducadiinuna ha noqoto mid la aqbalo.
02/02/2026
FB 2319..
Saaka waxaan ka qayb galay munaasabadda xuska sanad-guurada 32aad ee aasaaska Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Munaasabaddan qiimaha leh waxay astaan u tahay taariikh fac-weyn oo ku suntan halgan, naf-hur iyo ilaalinta jiritaanka qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaan hambalyo, bogaadin iyo mahadnaq u dirayaa dhammaan Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo si daacadnimo, geesinimo iyo hufnaan leh u gudanaya waajibaadkooda qaran, kana shaqaynaya sugidda nabadda, amniga iyo midnimada dalka.
Sidoo kale, waxaan xushmad gaar ah u muujinayaa xaasaska Ciidamada Qaranka, kuwaas oo door lama huraan ah ka qaata taageerada iyo adkaysiga ay ku taagan yihiin geesiyaasha Qaranka.
Ilaahay ha idin waafajiyo gudashada waajibaadkiinna qaran, hana idin siiyo guul, nabad iyo horumar waara. Guulaysta waligiin.
FB 2316..
Maanta waxaa ii sharaf ahayd in aan ka qaybgalo munaasabaddii qalin-jabinta dufcaddii siddeedaad ee Jaamacadda Alpha University, qaybteeda Berbera, halkaas oo ay ka qalin-jabiyeen boqol iyo saddex (103) arday.
Dhammaan ardayda qalin-jabinta ah iyo waalidiintoodaba waxaan u dirayaa hambalyo iyo bogaadin qalbiga ka soo go’day. Waxaan idiin rajaynayaa mustaqbal ifaya, guul waarta, iyo horumar aad ku biirisaan bulshadeenna iyo dalkeenna. Hambalyo, hambalyo mar kale. .
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Street No2
Berbera
002526
Opening Hours
| Monday | 07:00 - 14:00 |
| Tuesday | 07:00 - 14:00 |
| Wednesday | 07:00 - 14:00 |
| Thursday | 07:00 - 14:00 |
| Friday | 09:00 - 17:00 |
| Saturday | 07:00 - 14:00 |
| Sunday | 07:00 - 14:00 |