Somali Integration Development Organization

Somali Integration Development Organization

Dela

Photos from Somali Integration Development Organization's post 03/02/2023

Ku dhawaad 20 astaamood oo aadan ogayn ineey tilmaamayaan Wadna xanuun;

Wadna xanuunka waa xanuunka ugu badan ee dadku u dhintaan guud ahaan caalamka
Badankeen, waxaan u shaqaynaa si daran, inyarna waan hurudnaa, cunto aan caafimaad lahayna waan cunnaa, waana hilmaanaa inaan jimicsi nagu filan sameeyno, badankeena maba ogaano in jirkeenu noo soo diraayo fariimo muujinaaya caafimaad darro,
Nasiib daro, in badan oo kaloo naga mida way iska indha tiraan fariimahaas ama waqtigii ku haboonaa ma gartaan,
Wadna xanuunka waxaa sababi kara dhawr waxyaabood hoos ayaan kusoo qori doonaa ugu yaraan dhowr iyo toban calaamadood oo digniin ahoo tilmaamaya borobaleem xaga wadnaha ah.
Markaa isku aragtid mid kamida calaamadahaan fadlan dhaqsa u gaar dhaqtarka wadnaha:

1-DAAL (FATIGUE)

Daalku maha oo kaliya inaadan hurdo fiican helin ee waxa uu kaloo tilmaamayaa wadna xanuun.
Marka wadnahu howl gabo waxaa yaraada qulqulka dhiiga wadnaha gaaraya markaas ayaa wadnuhu aad u garaactamaa oo shaqadiisa badiyaa,

taasina waxay sababtaa in qofku habeen iyo maalinba daalanaado,
Marka hadii aad dareento daal joogto ah habeen iyo maalin sabab la,aan oon kaa tegeyn
Waa inaa dhaqso u gaartaa dhaqtarka waayo daalkaas waxaa sababi kara xanuuno kale,

2- MIIR DABOOL (FAINTING)

Miir daboolku runtii waa xanuun aan caadi ahayn, hadii aad isku aragtid dhaqso dhaqtarka u tag waayo waxaa laga yaabaa inaa wadnaha ka jiran tahay

Suuxdinta badanaa waxaa sababa xanuun, fuuqbax iyo waxyaabo kale, marmarna waxaa lala xiriiriyaa cadaadis xaga dhiiga ah kadibna dhiiga ay ka dhamaato oksijiinta deedna qofku waa miir daboolmaa.

3-MIISAANKAADA OO DHAQSO U KORDHA;

Hadii qofku isku arko inuu cayilaayo maalmihii ugu danbeeyay waa laba uun midkood;
Inuu cunay raashin badan ama uu wadna xanuun soo wajahay

Waayo calaamadaha wadna xanuunka waxaa ka mida in jirku kaydiyo biyo iyo dheecaano badan oo aad cayil iyo barar dareento
Cayilkaas aad dareentay haduusan ka imaan cunto badan waa wadno xanuun ee dhaqtarka la xiriir.

4-LALABO IYO APITATE LA'AAN

Calaamad kale oo halista wadna xanuunka waa lalabada, cunta xumada, iyo shubanka hadii ay kugu cusub yihiin dhaqtarka toos u aad,

waayo mar walba wadna xanuunku ma keeno xanuunadaan laakiin jirooyin kale ayaa sababi kara calaamadahaan sida gaastariikada, uurka, dhaqtaarkase kala yaqaana ee la tasho inshallah.

5-WADNA GARAAC AAN CAADI AHAYN;

Wadna garaaca waxaa keeni kara sababo kala duwan adrenalinineka degdega ah iyo isbedelka nafsaaniga ayaa sababi kara

Hadaba, qof walba oo isku arka wadna garaac ka duwan kii h**e ha isku sameeyo baaritaan caafimaad
Eray bixinta caafimaad ee wadna garaaca saaidkaa waxaa la yiraa ARRHYTHAMIA hadii aan la dhaqso la daawayna waxay sababtaa FAALIG.

Waa iga talo hadaa calaamadahaan isku aragto dhaqso isaga daawee.

6- QUFAC AAN JOOGSANAYN:

Qufaca joogtada ahi waa mid dhib badan, sidaas darteed qufac waqti dheer ku haya wuxuu tilmaami karaa wadna xanuun,

marka wadnuhu waayo dhiig ku filan wuxuu Saameeyn karaa Sambabada markaasna sababaa qufaca joogtada ah.

Hadii aad isku aragto qufac xaako wato fadlan midabka xaakada iska fiiri hadii ay cadaan iyo casuur (pink) tahay oo qufucuna badan yahay habeenkii markaa seexatid
waa calaamad muujinaysa in wadnaha lagaa haayo ee dhaqso isu daawee.

7-DHIDID BADAN OO QABOOW:

Dhididka qaboobi waa digniin jirku kuu soo diraayo inuu jiran yahay, jirku isagaa iska saxa kulaylka marka uu dhididaayo,
markaa aad dhidid joogto ah leedahay wadnaha ayaa saa’id u shaqaynaaya dhiig badan ayuuna halboowlayaasha u qaybinaayaa

Marka, qof walboo isku arka dhididka qaboow yuusan ka caga jiidin inuu dhaqtar aado, laakiin ogoow, dhididka badan makeeno wadna xanuun kaliya infakshanka,
kansarka,
neerfa xanuunka,
daawooyinka qaar iyo
istareeska ayaa iyaguna sababi kara.

8- LUGO BARARKA:

Lugo bararku, waa dhib iyo xanuun badan yihiin, hadii luguhu ku bararan yihiin waxaa laga yaabaa ineey wadna xanuun tahay
bararka caadiyan waa biyo jirka gala.

Lugaha iyo caguhuna waa meelaha ugu saamaynta badan waayo waxay aad uga fog yihiin wadnaha oo ah halka uu wareega dhiigu kasoo bilaawdo
sidaas darteed haduu kaa tegi waayo bararku ama uu sii kordhaayo dhaqtarka aad.

9- HURDO XUMO:

HURDO YARIDU ma aha cudur dhib leh waana la daaweeyn karaa laakiin, mar hadii hurdo yarida uu wadnuhu sababi karo waa inaan u qaadano ineey qatar tahay ooy xanuuno badan keeni karto.

Hadii aad waqti badan soo jeedo habeenkii markaa sariirta fuusho waa inaa si degdeg ah dhaqtar ula xiriirtaa inshallah,

Neeftoo kugu adkaata markaa seexatid waxay tilmaamaysaa in sambabada biyo kaaga jiraan
Xabadku hadii uu ku xanuunana waa wadnaha oo aad ku garaaca.

10- CIRID IYO AF XANUUN:

Cirid xanuunku ma aha xanuun halis ah laakiin hadii xanuunka afku uu bato waa Inaa Dantiiste u tagtaa waxayse badiyaa salka ku haysaa Wadna xanuun,

Bacteeriyada afku waxay sababi kartaa dhiig xinjiroow dadkuna badankood maba rumaysna in Caday la,aanta ilkaha iyo wadna xanuunku xiriir leeyihiin,

Sidaas darteed waa muhiim had iyo jeer inaa ilkahaaga caafimaadkooda ka taxadartid.

11- KHUURADA:

Ma jiro qof ogaan karo inuu markuu seexdo khuuriyo dadka kula jooga ayuun baa kuu sheega,
Eray bixinteeda caafimaad waxaa la dhahaa SLEEP APNEA.

Waana marka wadnuhu joojiyo garaaca wax yar Ka dibna dib u bilaabo garaacistii Marka ugu h**eeysa ee aad ogaato inaa Khuuro leedahay dhaqtarka la xiriir.

12- XANUUN GACMAHA IYO JIRKA QAYBTA SARE:

Marka ugu h**eeysa ee aad dareento xanuun jirka qaybtiisa sare ah ogoow in uu jiro cadaadis xaga dhiiga ah, waana biloowga wadna xanuun inkastoon la ogeeyn nuuca uu yahay wadna xanuunkaas waxay ku xiran tahay halka kaa xanuunaysa qaybaha sare ee jirka

Xanuunku waa u kala badan yahay jirka dhanka bidix inta badan 60%
Caadiyana dhanka midig 20%
Afka iyo dhabarkana 20%

Wadna xanuunka dumarku waa ka dhib badan yahay in la aqoonsado Halka looga badan yahay marka Ragga loo eego.

13- NEEFTA OO KUGU YARAATA:

Dad badan ayaa u haysta in neef qabatoonka uu sababo miisaankaaga oo bata si kastaba ha ahaatee taasi run ma aha,

Hadii ay neeftu kugu yaraato adigoon daal dareemayn macnuhu waa xanuun halis ah oo kugu soo socda ama wadna xanuun hadii tubooyinka hawada iyo xididada wadnaha aaneey toos u wada shaqaynaynin

sambabkuna hawo ku filan Heli waayo oo neefsan wayso barobaleem wadnaha ayaa jira.

14- XABAD XANUUN:

Xabad xanuunka waa calaamada ugu sareysa ee muujinaysa wadna xanuunka
Hadii xanuunka uu lasocdo Neef qabatin waa inaa taxadar saa’ida samaysaa oo dhaqtarka aadaa

Xanuunadu waa kala duwanaan karaan dareenka Xabadka oo olol iyo xanuun wata ayaa dhici kara
Hadii aad isku aragto oo aad hadana wax yar ka dib waydo xanuunkii

ogoow waa wadna xanuun dhaqso oo aad dhaqtarka u aado waa xalka koowaad.

15-DHAAWAC FURAN OO CAGAHA AH:

Waa in aad looga taxadaraa dhaawacyda lugaha hadii uu jirku kaligii daaweyn kari waayo Nabarka sababtoo ah waa halbawlayaasha dhiiga ee wadnaha midkood oo xirma AORTA

Aaqirkana sababi kara FAALIGA nooc kamid ah ISCHEMIA oo ah in dhiiga iyo oksijiintu gaari waayaan Nudayaasha taasoo sabata dhimasho xaalada ugu xunna waa in jirku dhaqaaqi waayo.

16- SUULASHA OO KU XANUUNA:

SUUL XANUUNKA maalmaha ugu h**eeya waxaa loo arkaa inuusan dhib lahayn balse hadii aad in cabaar ah nasato oo aadan xirnayn kabo kugu dhegan oo suul xanuunku kaa tegi waayo iyana waa in halbowlayaasha dhiiga wadnaha qaarkood xiran yihiin AORTOILIAC OCCLUSIVE

Waana calaamadaha ugu muhiimsan ee dhaqtarka ka saacida ogaanshaha iyo xaqiijinta xanuunkaada inuu yahay mid halis ah.

17-FEERA XANUUN:

Xabad xanuunka waxaa sababi kara dhawr waxyaabood tusaale gaaska soo rogmada REFLUX kadib Markaa cunto dufanku ku badan yahay balse hadii xabad xanuunku kaa tegi waayo u qaado inuu wadno xanuun kusoo wajahay

Ha sugin in xanuunku iskii isaga tago ee dhaqso isbitaalka u aad.

Waxyaabaha lagula tacaali karo wadna xanuunka ee dabiiciga ah waxaa ka mid ah
shaaha cagaaran iyo mushaarida SOOFp oo maalinti 3 ilaa 4 jeer aad ka cabto.

Hadaba casharka xiga aan idiin soo gudbiyo ugu yaraan

10 faaiido oo ay leeyihiin mushaarida SOOFp iyo shaaha cagaaran oo la cabo

Vill du placera din affär längst upp i Företag-listan i Stockholm?
Klicka här för att få din sponsrade notering.

Webbplats

Adress


Stockholm