HIT OR RUN
10/04/2026
War bal caawana ila eega sawirkan..
10 askari oo ka tirsan cadowga, gaar ahaan guutada caanka ah ee lagu magacaabo "Gideon", ayaa halkan isku soo sawiray..
iyagoo dhoola-cadeynaya, isla-weyni ku jirto, is-moodayana inay dalxiis ku joogaan koonfurta Lubnaan..
Laakiin farxaddan been-abuurka ah waqti dheer ma sii waarin..
Idaacadda rasmiga ah ee Israa'iil ayaa maanta oohin iyo baroor la soo dhex gashay shaashadaha, iyadoo qiranaysa jab taariikhi ah oo soo gaaray guutadan..
Xaqiiqadii meesha ka dhacday ayaa ah in raggii dhabta ahaa ee iska caabinta ay roob madaafiic ah oo aad u culus ugu daadiyeen kooxdan iyagoo ku beegsaday kamin horay loo sii qorsheeyay,
isla markii ay cago-dhigteen magaalada Bint Jbeil ee koonfurta Lubnaan..
Weerarkan dhabar-jabka ah ee xeeladaysan ayaa dhaliyay halaag iyo jab baaxad leh oo aan indhaha laga qarsan karin.
Sidaas darteed, idaacadda cadowga ayaa ugu dambayn si dullinimo ah u qiratay in madaafiicdaas aysan kaliya dilin 10-kii askari ee sawirkan ka muuqday, balse ay gabi ahaanba burburiyeen oo ay kala googooyeen hilibkooda..
Ilaa heer la waayay meydad dhan oo la aqoonsan karo oo dib loo celiyo..
Halkan waxaa si cad uga muuqata awoodda, xeeladda adag iyo geesinimada layaabka leh ee halyeeyada iska caabinta Lubnaan..
Raggan aan gabban ee dhulkooda si sharaf leh u difaacaya, ayaa cashar lama-ilaawaan ah dhadhansiiyay cadowgan kibirku qaaday,
iyagoo tusaale nool u noqday macnaha dhabta ah ee halgan, geesinimo iyo awood ciidan oo aan la dhayalsan karin..
HIT OR RUN
10/04/2026
Wuxuu xaqiijiyay bare ku takhasusay Daraasaadka Bariga Dhexe ee Jaamacadda Tehran, Dr. Xasan Axmediyan, in Israa’iil ay tahay saldhig h**e (forward base) oo u adeegta Washington, isla markaana aysan lahayn awood ay ku sii jirto ama ku wajahdo dagaal istiraatiiji ah oo ka dhan ah Iiraan iyo xulafadeeda haddii aysan helin taageero buuxda oo Maraykanka ah.
Axmediyan wuxuu sidoo kale sheegay in Tehran aysan u hoggaansami doonin shuruudaha xabbad-joojinta haddii aysan joogsannin gardarrada Israa’iil, isagoo xusay in kaarka marin-biyoodka Hormuz uu sii ahaan doono qalab cadaadis istiraatiiji ah oo lagu xaqiijiyo xasillooni.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Iiraan aysan ka tanaasuli doonin “midnimada goobaha dagaalka” iyo guulaha dhaqaale ee ay gaartay, maadaama ay yihiin dammaanad muhiim ah oo looga hortagayo weerarro mustaqbalka.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in ka qeybgalka J.D. Vance ee wada-hadallada uu muujinayo isbeddel wanaagsan oo ku yimid nooca wada-xaajoodka ee lala leeyahay maamulka Maraykanka, inkastoo ay jiraan dadaallo ay wadaan kooxo adag oo ku sugan Washington oo doonaya inay carqaladeeyaan xal kasta oo dhexdhexaad ah.
Klikk her for å få din Sponsede Oppføring.
Type
Adresse
Oslo