M.khaliil
16/02/2026
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Dr. Maryan Qaasin Axmed, oo ay maanta doorteen xubnaha Guddiga.
Doorashada Dr. Maryan waxa ay muujinaysaa kalsoonida lagu qabo aqoonta, waayo-aragnimada iyo hufnaanteeda, si ay u hoggaamiso hay’ad muhiim u ah dowladnimada iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Xukuumadda DanQaran waxaa ka go’an xoojinta hay’adaha madaxa-bannaan, gaar ahaan kuwa u xilsaaran difaaca, horumarinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ah tiir muhiim u ah nabadda, caddaaladda iyo dowlad-wanaagga.
Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajeynayaa guul iyo hawl-qabad miro-dhal ah oo ay ku horumariso doorka Guddiga Xuquuqul Insaanka, si loo xaqiijiyo ilaalinta karaamada muwaadinka iyo xuquuqdiisa aasaasiga ah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Website
Address
Birzebbuga