Dumar kaaba
20/10/2021
𝐓𝐚𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐛𝐥𝐚𝐡𝐚.
1. Ka fogoow xeriirada ragga dhaqanka xun, waayo waxay kuusoo jiidayaan dambi iyo qasaaro.
💙🌿
2. Ku dadaal u dhawaanshaha allaah iyo xifdinta 5 ta salaadood, kana faa'iideyso dhalinyaranimadaada meel xunna ha iskaga dayicin.
💙🌿
3. Baro inaa xili h**e kasoo kacdo hurdada, waayo waxaa ku jira barako iyo arsaaq badan.
💙🌿
4. Ilaali salaadda subax si noloshaada ay u yeelato barako.
💙🌿
5. Wardigaaga maalinlaha ah ee qur'aanka ha hilmaamin marnaba, oo si joogto ah uga aqri jus ama dhowr safxadood maalin walba.
💙🌿
6. Iska jir inaa la saaxiibto gabdho xunxun sida gabadhaha anshaxa xun, kuwa waalidiintooda ka inkaarsada, iyo kuwa isticmaala tiktok ee aan xishoodka aqoon, waayo waxay ku dhex gelinayaa dhiiqada dunuubta waxaana noqoneysaa mid sidooda oo kale raqiis u ah.
💙🌿
7. Waxbarashadaada ha dayicin waayo waa hubku aad adeegsan laheyd mustaqbalka ood heerka ku gaari laheyd.
💙🌿
8. Ha dhageysanin dadka ku liidaya ee ku dhahaya ma gaartid iyo ma noqon kartid, riyo walba oo alle raali ka yahay ee aa dooneyso waad gaari kartaa haddaa juhdi ku bixiso oo alle tala saarato.
💙🌿
9. Waqtigaaga intaa yartahay uga faa'iideyso wax aqrinta iyo qur'aan xifdinta.
💙🌿
10. Garo halka aa ku fiicantahay sida wax curinta, aqrinta, teknolojiyadda, ganacsiga, maamulka, naqshadeynta, sawir qaadista, farshaxanka iyo wixi lamida.
💙🌿
11. Caqligaaga kori oo cilmiga baro oo muuqaalkaaga kaliya ha gelinin waqti iyo lacag.
💙🌿
12. Aduunyada yey ku kedin oo hamigaaga iyo hadafkaaga yuusan noqon mid aduunyo oo kaliya ah, ha hilmaamin inaa u shaqeysato aakhiradaada si aa ugu guuleysato jannada.
💙🌿
13. Jeclaaw naftaada oo sii daryeel iyo xanaano si ay awood ugu yeelato ka gudbidda dhibaatooyinka.
💙🌿
14. Naftaada qofna hala barbar dhigin, kaliya la barbar dhig sidi ay shalay aheyd iyo sida ay hadda tahay si aa u ogaato farqiga kugusoo saa'iday.
💙🌿
15. Ka qeyb qaado horumarinta deegaanka aa ku nooshahay, ka qegb qaado dhir talaalidda, nadaafadda waddooyinka, wacyi gelinta bulshada, wax baridda caruurta aan awoodin iskuulada iyo caawinta dadka masaakiinta ah.
💙🌿
16. Qoro hadafyadaada oo ku dhegso darbiga sariirta aa seexato kana dhabee xaqiijintooda.
💙🌿
17. Labadaada waalid baari u noqo iskana ilaali inaa ku caasiso, waayo baarinimada waalidka waa fure ka mid ah furayaasha jannada.
💙🌿
18. Ku dhegenaaw xijaabka, oo waqtigaaga haku lumin maxaa soo baxay iyo maxaan xedhaa.
💙🌿
19. Waqtigaaga haku luminin baraha bulshada, hamigaagana yuu noqon sidaa sawiro qurxan iskaga qaadi laheyd oo aa dadka u tusi laheyd.
💙🌿
20. Wax walba oo kugu qaali ah ka ilaali inaa bulshada la wadaagto, noloshaadana ay ahaato sida buug kala furan oo dadka dhani ay arkayaan, ahaaw qof jecel oo ilaasashada hantidiisa (naftiisa, quruxdiisa,familkiisa,farxadihiisa) IWM.
💙🌿
21. Haku faanin quruxdaada iyo qabiilkaaga waayo adiga ma sameysanin, ku faan akhlaaqdaada iyo aqoontaata waayo waa wax aa adiga sameysatay.
💙🌿
22. Abuur sanad walba 1000 geed ama intaa awooddo oo u qeybi bulshada ku nool si bilicda magaaladaada ay u noqoto mid qurux badan.
kaaba💚💚💚💚
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Nairobi