XOGTA MUDUG
Xalay waxaan Deegaanka , ee hoos yimaada Degmada Galkacyo, ku soo gabagabeynay siyaaradii waynayd ee Ayeeyaday Xaajiyo Faadumo Shiikh Cali Cilmi Wardoon (Allaha u naxariisto).Ayeeyo Faadumo waxay kamid ahayd haweenkii waqtigooda iyo noloshoodaba u huray faafinta Quraanka Kariimka ah iyo barbaarinta jiilal badan oo ku barbaarey diinta iyo akhlaaqda wanaagsan.•Janadii Fardowsa Allaha ka waraabiyo•Qabrigeedana nuur iyo raaxo Allaha ka yeelo•Annagana fadligeeda iyo kheyrkeeda Allaha nagu Gargaaro.
Ku dhawaad 50 arday oo danyar ah Ee dhigata Hormar Primary & Secondary School ayaan gaarsiinay dhar iyo agabkii waxbarashada.
Anaga oo kamid ah dhalinyarada magaalada Galkacyo ayaa isku duubni iyo is-kaalmayn ku muujinay taageerada ardayda nugul ee bulshada dhexdeeda daruuta kala duwan wax ku baranaaya.
Waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhammaan dadkii gacanta ka geystay farxinta caruurtaas — ha noqdeen kuwa jooga gudaha dalka ama dibaddiisa.
Dadaalkiinna iyo naxariistiinna ayaa ah sababta carruurtani u dareemeen rajo iyo dhiirigelin cusub.
Abdirahim Abdilahi Ali Gob
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Al Muqablain