Birre Films
19/05/2026
Inaalilaahi Wa inaa ilayhi Raajicuun Dr Mubaarak Cabdinuur Ayaa Hada Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho
Drka Oo mudooyinkii Danbe La Dhibaatoonayay Xanuunka Cancerka ayaa Tiisii timi
Waxaan ugu Horayn Tacsida La Wadaagayaa Famligiisa Oo ay ugu Horeeyaaan Aabe iyo Hooyo Xaaskiisii Iyo Walaaladii Ale Drka Hauraxmaado
Wuxuu Ka Baxay Soomaali oo dhan wuxuu ka Baxay Reer Waqooyi Bari wuxuu ka Baxay Reer buuhoodle AHUn Dr🥲
19/04/2026
Maanta oo ay ku beegan tahay 19-ka April 2026, maalin Axad ah, aroor h**e waxay si qoto dheer u soo nooleynaysaa xasuusta maalintii murugadda lahayd, ee aan waynay aabbahay alle ha u naxaiistee, Jamac Birre Nuur, (Jama Qararo) Oo geeriyooday isla maalinkan oo kale. Axad aroor h**e 19-kii April 2015, kuna aasan magaaladda Saaxdheer.
Muddo 11 sanno ah ayaa kasoo wareegtay geeridiisa, balse xanuunka kala-tagga iyo xusuustiisi qiimaha badnayd waligeed k**a suulin qalbigayga. Aabbahay wuxuu ahaa nin ku suntan akhlaaq wanaag, gobannimo iyo deeqsinnimo. Wuxuu isku darsaday karti, hal-adayg, iyo alle ka cabsinnimo. Isaga oo mar walbanna u taagna daryeelida iyo ka shaqaynta qoyskiisa.
Aabbahay ma ahayn oo kaliya aabbe, balse wuxuu ahaa hage nololeed iyo tiir adag oo aannu ku tiirsanayn. Talooyinkiisii iyo tusaalihiisii wanaagsanaa waxay wali iftiiminayaan jidhkayga, waxa ayna igu reebeen raad aan marnaba tirmayn.
Magaalada Saaxdheer oo uu ku aasan yahay waxay ii tahay meel xasuus gaar ah igu leh, maadaama ay hoy u noqotay aabbe aan jeclaa,
Maanta, anigoo xasuustiisa qalbiga ku haya, waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto aabahay, dambigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo, jannadii Fardowsana ka waraabiyo. Sidoo kale, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu samir iyo iimaan naga siiyo dhammaanteen, gaar ahaan Qoyskayaga iyo Ehelka. Inta aan ka danbayno aabbe wan kuso ducaynayna markasta.
Xusuusta aabahay weligeed way noolaan doontaa, waana hanti aan ka dhaxlay oo aan mar walba qalbigayga ku ilaalin doono.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Dublin