Murti
12/12/2025
Deg-Deg
Eritrea ayaa sheegtay in ay ka baxday ka mid ahaansheedii ururka IGAD. Eritrea ayaa maanta 12 December 2025 ku dhawaaqday in ay ka baxday urur goboleedka IGAD.
Eritrea ayaa ururka ka maqnayd 2007 ilaa 2023, waxayna dib u heshay xubinnimada IGAD bishii June 2023. Hase ahaatee, maanta ayay mar kale sheegtay in ay ka baxday ururkaas.
01/12/2025
War Deg-dega
Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in diiwaangelinta Xajka ee 1447 AH / 2018 EC, ay si rasmi ah u bilaabatay.
Golaha ayaa sheegay in kharashka adeegga guud la dhimay ilaa 693 doolar, hase ahaatee hoos-u-dhaca qiimaha lacagta birta Itoobiya awgeed lacagta laga doonayo Xaajiga ay noqotay ilaa 740,000 birr.
Ugu dambayn, Goluhu wuxuu ugu baaqay Muslimiinta in ay is-diiwaangaliyaan laga bilaabo maanta, kana fogaadaan wararka been-abuurka ah ee ku saabsan kharashaadka Xajka.
Waxaa xusid mudan in farriintan lagu fidiyay 3 luuqadood: Axmaari, Oromo iyo Soomaali.
Qiimaha Xaajiga laga rabo ayaa marka sarrifka Bangiga Dhexe ee Itoobiya loo fiiriyo noqonaysa ku dhawaad 5,000 oo doollar.
01/12/2025
Itoobiya ayaa sheegtay in ay soo gali doonto suuqa iib-geynta shidaalka Diyaaradaha, kaas oo laga soo saari doono dalagyada maxalliga ah, Qashinka la farsameeyay, hadhaaga Sonkorta ama Qasabka iyo Tamarta cadceeda.
Arrintan ayaa lagu sheegay maxsuulka daraasad lagu soo bandhigay Skylight Hotel 27-kii November, taas oo ay ka soo qaybgaleen wasaarado kale duwan, Hay'adda Duulista iyo Jaamacado fara badan.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Jijiga
NONE