Somali Region Current Issues Fact Check
22/01/2025
Wasiirka xafiiska Warfaafinta DDS, mudane C/qaadir Rashiid- ayaa bulshada u bayaamiyay xogaha ku saabsan Imaatinka Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska DFS iyo Wasiir ku-xigeenka wasaarada Batroolka iyo Macdanta DFS, una dhignayd sidan Hoose.
BAYAAMIN:
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Cabdiwahaab Cumar ayaa soo gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta Dowladda Deegaanka Soomaalida oo lagu xusayo munaasabadda sanadguurada 32ªªd ee aas-aaska deegaanka soomaalida.
Sidoo kale waxay waftigu ka qaybgalayaan xuska xeerka soomaaliyeed ee XEER CIISE, kaas oo ay aqoonsatay UNESCO, xuskaas oo kadhacayo magaalada ismaamulka ee diridhabe 24-25 bisha january 2025.
10/10/2024
XAQIIJIN XOG
Xafiiska Tirakoobka JDFI wuxuu wadaa xog uruurun ku saabsan Xoolaha iyo dhul beeredyada guud ahaan Dalka iyo Deegaanka. Hadaba dadka ka qeyb qaadanayaa tirakoobkani Waxaa diwaangalinaya Maamulada degmooyinka iyo qabeelayada hoos yimaada sida ku cad warqadan hoose. Sidaa darteed waxaan bulshada uxaqiijinaynaa inanay jirin dad uu qoranayo Xafiiska Tirakoobka ee dalka.
Hadaba, waxaa shacabka deegaanka lagu wargalinayaa inay waxba kajirin xogaha been abuurka ah ee dhex wareegaya Baraha bulshada ee ku saabsan in xafiiska Tirakoobka uu isagu dadkuu rabo qoranayo, sidaa darteed Waxaa bulshadu looga digayaa inay ka fogaadaan xogaha noocan ah ee lagu jaha-wareerinayo ayna ku kalsoonaadan xogaha faaf-reban ee kasoo baxa laamaha dowlada ee ay khusayso oo kaliya.
Dhinaca kale, Ashkaasta Baraha bulshada ku baahiya xogaha aan sugneyn ee jaha-wareerinaya bulshada isla markaana aan laheyn xigasho (source) sax ah Waxaa looga digayaa inaay ka waantoobaan Marin habaabinta bulshada.
"Dawladdu way ku raad joogtaa ciddii kadanbaysay dhacdadii foosha xumayd ee Wardheer dilka loogu gaystay 6-da qof; tallaabo adag oo sharciga waafaqsan baana laga qaadi doonnaa" Mudane. Maxamed Maxamuud Aadan, Hoggaan Kuxigeenka Xafiiska Nabadgelyada DDS.
Xaqiijin.
Komishinka booliska Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen uuna baadhitaan ku socdo dhalinyaradii dhibka ka samaysay Habeen h**e huteelka Iman ee magaalada Jigjiga, xaqiijiyayna in dhalinyaradaasi aaynan kamid aheyn laamaha amniga Deegaanka balse aay yihiin dad shacab ah.
09/03/2023
Xukuumada Deegaanka Soomaalida ayaa ka jawaabtay eedaymo isdaba joog ah oo kasoo baxayay Maamulka Soomaaliland.
"Warsaxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda DDS
9 March 2023
Shir ay maanta oo taariikhdu tahay 9 March 2023 yeesheen Golaha Wasiiradda ee Maamulka Soomaaliland ayaa lagu sheegay inay jiraan ciidamo ka tirsan Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) oo qayb ka ah colaada ka socota magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Waxaan u sheegaynaa xukuumadda Soomaaliland in aysan jirin ciidan ka tirsan DDS oo qayb ka ah colaada Laascaanood, waxaana cambaareeynaynaa eedeeymaha masuuliyad-daradda ah ee dhankooda ka yimid.
In kasta oo Xukuumadda DDS ay dadaal dheer iyo dulqaad badan ka muujisay in ayna ka jawaabin eedeeymo iyo dacwooyin badan oo si isdaba joog ah uga soo yeedhayay masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland oo la xidhiidha isla arintan, waxaa muuqata in maamulka Soomaaliland nafis siyaasadeed ka raadinayo inuu farta ku fiiqo cadaw aan jirin si uu u maareeyo su’aalaha kaga imanaya gudaha iyo dibada ee la xidhiidha Xaaladda ka aloosan Gobolka Sool.
Waxaan markale ugu baaqaynaa maamulka Soomaaliland inay ka waantoobaan hadaladda iyo ficiladda kala fogeeyn kara shacabka walaalaha ee DDS iyo Soomaaliland."
—— Dhamaad ——
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Jijiga