Support Palestin

Support Palestin

Share

25/01/2025

Ogaaska Besha Ciise Ogaas Mustafe Hadalkii U Ka Jeediyay Munaasibada Xeerka Besha Somaliyeed Ee Ciise

07/09/2023

Ra’iisul wasaaraha
xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan booqasho ku jooga Qatar ayaa magaalada Dooxa kula kulmay madaxweyinihii h**e ee dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).
Kulanka ayaa yimid, kadib markii uu ra’iisul wasaaruhua booqasho ugu tagay madaxweyne Farmaajo oo deggan dalkaasi oo uu isna hadda ku sugan yahay Xamza, kadib casuumaad uu ka helay madaxa sare ee dowladda Qatar oo taageerta Soomaaliya.
Labada mas’uul ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha waddanka.

Xamza oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale adkeeyay doorka kaga aaddan shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka.
Dhankiisa, madaxweynihii h**e ee dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa uga mahadceliyey ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.
Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana dowladda federaalka ay ku mashquulsan tahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo haatan maraya meel wanaagsan
Farmaajo ayaa kamid ah madaxdii h**e ee dowladda federaalka ku taageeray gulufka culus ee ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo dalka oo dhan.
Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada” ayuu horay uga yiri Farmaajo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, horauy sidaan oo kale waxaa Dooxa ugu kulmay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farmaajo, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda dalka iyo arrimaha guud ee
ee siyaasadda

Want your business to be the top-listed Media Company in Jijiga?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Address


Shinile
Jijiga