BAXSI MEDIA
Waa maxay
Dialectical Materialism (DM) waa aragti falsafadeed oo uu hormariyay Karl Marx iyo Friedrich Engels, taas oo sharaxaysa sida dunidu u shaqeyso iyo sida isbeddelladu u dhacaan—gaar ahaan bulshooyinka, dhaqaalaha, iyo taariikhda.
Haddaba si fudud oo kooban:
1. “Dialectical”
Waxay ka timid doodaha laba dhinac isdiidan ee ku tartama nolosha.
Waxay leedahay saddex qodob:
Thesis – fikrad ama xaalad jirta
Antithesis – fikrad ka soo horjeeda ama xaalad mucaarad ku ah
Synthesis – isugeynta ama xal cusub oo ka dhasha labadooda.
Tusaale: Hantiile + Shaqaale → Khilaaf → Isbeddel nidaam bulsho.
2. “Materialism”
Waxay ka dhigan tahay in nolosha dhabta ah (wax-soo-saarka, hantida, dhaqaalaha, shaqada) ay yihiin kuwa wax ka beddela fikirka dadka.
Micnaha: Ma aha fikradaha oo beddela dunida, ee waa nolosha dadka iyo dhaqaalaha inay abuuraan fikirka.
3. Maxay dhahdaa?
Dialectical Materialism waxay ku dooddaa:
In isbeddel kasta oo bulshada ka yimaado dhex-dhexaadinta khilaafyada gudaha ee nidaamkaas (class struggle).
In dabeecadda, bulshada iyo fikirka ay joogto isbeddel ugu jiraan, lagamana arki karo si go’an ama taagan.
In bulsho walba ay ka jirto khilaaf u dhexeeya dadka leh wax-soo-saarka iyo kuwa shaqeeya, taas oo ugu dambeyn keenta nidaam cusub (tusaale: feudalism → capitalism → socialism).
4. Maxay muhiim ugu tahay siyaasadda iyo bulshada?
Waxay sharaxdaa sababta bulshooyinku u socdaan isbeddel joogto ah.
Waxay siisaa qaab lagu fahmo khilaafaadka dhaqaale iyo bulsho.
Waxay leedahay saameyn weyn oo ku saabsan fikirka hantiwadaagga (Marxism).
Bulsho aan aqoon lahayn ma horumarto, qof aan garaad lahaynna ma gaadho hamigiisa. Garaad-yaridu waxay keentaa:
In la fududaado oo la aamino warar aan sax ahayn
In la qaato go’aanno khaldan
In lagu kadsoomo falal waxyeello u leh deegaanka, bulshada, iyo mustaqbalka
In la illoobo xuquuqdaada iyo mas’uuliyaddaada
Aqoon iyo garaad sare ayaa ah hubka kaliya ee looga hortagi karo dib-u-dhaca, saboolnimada, iyo waxyeelada deegaanka. Marka bulshada la baro, la wacyigeliyo, oo la joogteeyo tababarada waxaa kor u kaca:
Fahamka deegaanka iyo ilaalintiisa
Xallinta khilaafaadka dhulka
Adeegsiga tignoolajiyada casriga ah
Horumarka shaqsiga iyo tan bulshada
qof kasta oo rabo inuu hormaro, bulshada wacyi gelin u sameeyo, ama deegaanka ilaaliyo waa inuu aqoon raadsado, garaadkiisana kobciyaa.
Garaadku waa iftiinka nolosha; jahliguna waa mugdiga ugu weyn.
10/03/2025
Itoobiya oo Ciidamo Ku Daad Guraysay Xadka Ereteriya!.
Wararka laga helayo waqooyiga itoobiya ayaa tibaaxaya in kumanaan ciidamo ah ay itoobiya gaysay xadka ay la wadaagto dalka Ereteriya.
Talaabadan ayaa imanaysa xili ay xiisad siyaasadeed oo waji colaadeed Lehi ka dhex taagan tahay labada dal.
Sanadihii 1998-2000. Waxaa itoobiya iyo Ereteriya dhex maray dagaal lagu hoobtay oo ay ku nafwaayeen dad kabadan 100,000. oo qof kaasoo lagusoo afjaray heshiiskii Algeris.
Dhanka kale waxaa xusid mudan in Ereteriya ay qayb ka ahayd dagaalkii dawlada dhexe ee Itoobiya iyo kooxda TPLF ee laba sano kahor istaagay kaasoo ciidamada Ereteriya lagu eedeeyay inay deegaanka Tigreega ka gaysteen xasuuq wadareed, b**b, burburin iyo xad gudubyo dumarka ka dhan ah.
Sidookale waxaa ay ciidamada Ereteriya wali haystaan tuulooyin iyo degmooyin kamida deegaanka Tigreega oo dhaca xadka labada dal.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Culinary Team
Attire
Website
Address
Addis Ababa