Hangool
09/09/2025
Nolosha qofka ibna adamka ah waxay ku salaysan tahay waxyaalo aad u badan. Sidaasi oo ay tahay qof walba oo ku dul nool gagida aynu ku dul uumanahay wuxuu ku taamaa oo uu jecelyahay in uu helo nolol aad u macaan isla markaana leh dhud iyo dhadhanba.
ruux kastaa si uu ugaadho nolosha guusheeda wuxuu kafaraa si uu u hanan lahaa wax kasta oo uu ku gaadhi karo nolosha sareedadeeda. Hadaba waxaan shaki ku jirin qof kasta inuu dhinac ka eego ama uu ka baadi goobo guusha uu ku taamayo.
Marka aynu ka hadlayno umadda somaliyeed meelkastay ku noolyihiin waxay ka raadiyaan badhaadhaha nolosha in ay cagaha saraan dhulal shisheeye sida Europe, America iyo Australia.
Haddaba suaasha u baahan in si qoto dheer oo waayo arragnimo leh looga jawaabo waxay tahay Qofku siduu ku hanan karaa nolol sareedo barwaaqo iyo badhaadhe leh labadaba?
Waxaynu isku dayi doonaa suaasha inaynu dhinacyo badan ka eegno isla markaana umadda u ibo furno siyaabo kala duwan oo lagu gaadhi karo hadafka nolosha ee loo loolamayo yar iyo waynba.
Dadka badankoodu markay damcaan inay nolosha guul ka gaadhaan waxa markiiba maskaxdiisa kusoo dhaca in uu helo *** Lacag, Guri, Gaadhi iyo Gabadh*** taas oo sababtay in ay ka baadi goobaan dhulal shisheeye oo lagu tuhmayo nolol ka sareedo badan tan lagu uumay.
Haddaba xaqiiqada dhabta ahi waxay tahay qofku inuu yeesho hami aad u fog sido kale inuu yeesho IL wax ka aragta meel ka baddan dhulka iyo samadu intay isu jiraaan. Hamigaaga iyo aragtidaada oo dheeraataa waxay sabab u tahay in waayo aragnimadaadu badato isla markaana aad abuuri karto fakar aad ku horu marin karto deegaankaaga kana dhigi karto meel ka nolol macaan kana raynrayn badan dhulalka shisheeye ee hamigaagu ku maqanyahay.
Jim Rohns: waa aqoonyahan maraykan ah, waxa uu leeyahay saddex siyaabood ayaad ku hanan kartaa guusha nolosha.sido kalena marka aad u bahantahay inaad nolosha guul ka gaadho waa inaad ku guulaystaa saddex dan qodob.
_ In aad ku guulaysatid kobcinta iyo kor u qaadida mugga aqoontaada. Markasta oo aad aqoontaada kobcisid waxaad k**ii siqaysaa inaad u dhawaato guusha noloshaada.
_ In aad noqoto dhaqaale ahaan qof ku tiirsan shaqaale oo kaliya balse aad noqotaa qof ku tiirsan maxsuulka ay soo saarayso aqoonta maskaxdaada ku kaydsani. Taasina waxay sababaysaa ama ay keenaysa in aad noloshaada guusheeda hantido.
_ In noloshaadu ay ahaato mar walba mid leh yool isla markaana subax walba aad kuso toostid saaka intee inleeg ayaad yoolkaagi k**i dari kartaa ama k**ii biirin kartaa.
Maddaama oo aynu nahay umadd muslim ah waxaynu isku dayaynaa in aynu sidoo kale dul istaagno diinteena suuban waxay ka qabto kana tidhi guusha iyo sareedada nolosha.
Diinteena suubani waxay ina faraysaa Nolosha aduunyadu idil ahaanteedba inay tahay imtixaan islamarkaana EEBBE S.W.T uu ku imtaxaamayo addoomadiisa. Imtixankaasi oo la eegayo qofka jawaabta uu ku jawaabo iyo fal-celintiisa. Hadaba qofka ku guulaystay adunyada waa qofka imtixaankaa EEBE sidisa ugasoo baxa sido kalena qofka aakhiro ku guulaystay uu EEBE S.W.T inoogu shegay Quranka kariimka ah. (فمن سحسح عل نار ودخل لجنة فقد فاس)
Oo micnaheedu yahay qofkii laga dhufto naarta oo la galiyo jannada wuu guulaytay. Halkaas waxa inoogu cad dhamaanba ujeedada uu ilahay ka leeyahay adduunyada korkeeda sido kalena qofka aduunyada ku guulaysta iyo qofka aakhiro ku guulaysta uu qaalisanyahay qofka aakhiro ku guulaysta sababtuna ay tahay in adduunyadu ay tahay mid loogu talagalat in addoomada lagu imtixaamo ayna tahay mid aad u kooban.
Haddaba guusha noloshu maaha in aad ka baadi goobto ama aad ka raadiso meel aan kaa fogayn balse waa in aad marka u horaysa niyadaada siisaa kalsooni ay ku garwaaqsato guushu inay tahay mid aad u fudud isla markaana ay tahay mid ku xidhan waxyaabo kooban oo ay awoodo inay naftaadu si buuxda u samayn karto.
Waxan odhan karaa guusha qof waliba wuu kasban karaa haduu la yimaado dhawrkan qoddob:
Samir badnaan: samirku waa waxa kaliya ee hoga tusaaleya qofku in uu gaadhi karo guul wakhti aan fogayn hadii uu la yimaado asbaabaha samirka. Isla markaana waa sir uu ilaahay inoogu sheegay Quraankisa kariim ka ah taas oo la taxaluqda ama ku lug leh guusha uu aadamuhu kuu taamo. Samirka waxa kale oo nafta lagu baraa daganaansho iyo karti badnaan uu qofku ku xamilo nolosha adaygeeda.
Daacadnimo: qoddonkani waa lagama maarmaan hadii aad u golongoshay ama aad in badan baadi goobaysay inaad noloshaada guul ka gaadhid. Waa wax dadbadani ku hungoobeen, buuxina waayeen. Waa wax lagu qiimayn karo in aad guulaysanayso noloshaada hadii aad la timaado isla markaana aad arki doonto shay aad maskaxda ku haysay aadna kuugu waynaa oo gondahaaga ama agtaada yimaada.
Dhiiranaan: qoddobkani waa mid aad xasaasi u ah isla markaana u baahan feejignaan dheeraad ah. Waxa xaqiiqo ah in qof waliba uu naftiisa la jecelyahay waxa wanaagsan. Sidaasi oo ay tahay waxa dadku ku kala duwanyihiin dhiranaanta iyo hal adayga gaar ahaan marka qofku guul raadinayo. Waayo waa in aad maqashaa durbaanka kaa dhex baxaya sanqadhiisa, sidoo kalena aad rumaysaa riyooyinka joogtada ah ee ku xidhiidhsan waayahaaga nololeed. Waa shay u baahan daganaansho dheeraada iyo talooyin ama xoggo kala duwan oo aad ku jaan goyso, maxaa yeelay mararka qaar wuxuu khatar galin karaa noloshaada bini aadan tinimo si aad guul ugaadho awgeed. Waa waxa dadka qaar ay ugu hodmaan isla markaana ay guul awgeed xak**ayn kari waayaan naftoda melo aan ku habonayna ku hodda.
Alle ka cabsi: Alle ka cabsigu waa hidaayo iyo hanuun uu EEBE S.W.T uu ku galado adoomihiisa uu jecelyahay. Waa akhlaaqiyaad wanagsan oo EEBE S.W.T uu ugu deeqo adoomihiisa uu ku sugayo dariiqa toosan. Waa siyaasad uu aadamuhu ku kala dheeraayo isla markaana uu ku kala gaadho sumcad wanaag iyo jacayl badnaan dha kastaba ah.
Afartaa qodob waxay qofka u suurto galin karaan in uu noqdo qof ka midho dhaliya isla markaana rumeeya aragtidiisa ku aadan inuu nolosha guul ka gaadho.
Wakhti aan sidaa usii durugsanayn bay ahayd markii aan dareemay wax yaabo badan oo noloshayda ah in badan ku taami jiray kuna riyoon jiray aan gaadhay waana guule mahadii, furaha ama sirta aan u adeegsadayna waxay ahaayeen qodobadaas aan kor ku xusay. Waxaanan rajaynayaa in badan oo idinka mid ah in ay guushay ku taamayaan hanan karaan hadi ay isticmalan qodobadan.
Maahmaah English ah baa waxay tidhahdaa: “success is not once a shock” oo macnaheedu yahay guushu maaha wax hal mar soo baxa ama lagu naxo.
09/09/2025
Soomaaliya iyo Rwanda dagaal sokeeye ayaa labadaba ka holcay bilawgii sagaashameeyada (1991) iyo (1994), Rwanada ayaa darnayd oo xasuuq 800 kun oo qof ayaa ka dhacay 6 bil gudohood.
Maanta 2025 Rwanda waa ka soo kabatay, heshiisey, dawlad midaysan oo awood leh wada dhisatay, horumar bulsho iyo dhaqaale ku dhaqaaqday, kigali noqotay caasimadda Africa ugu amni iyo nadaafad badan, ugu musuq yar. Halka soomaaliya intaasba weli la dhutineyso.
mxay adiga kula tahay sababaha ugu weyni?
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
19 Bergamot Avenue
Toronto, ON
M9W1W1