Ilasoco24

Ilasoco24

Share

Photos from Ilasoco24's post 04/29/2025

Hotelka ugu quruxda badan Waqooyiga Galgaduud ayaa laga furey Caabudwaaq, GROWN HOTEL ayaa loo diyaariyay si lamid ah hotellada Casriga. Ilasoco24

Photos from Ilasoco24's post 04/26/2025

Dhuusamareeb: halkan waa Airport-ka Caasimadda Galmudug oo uu ka socdo dhismaha jidka diyaaradduhu ku ordaan, waxaa si rasmi ah loo bilaabey dhigista laammiga ama daamurka, waxaana howshan gacanta ku heysa shirkadda Som Central. Ilasoco24

04/26/2025

𝗕𝗥𝗘𝗔𝗞𝗜𝗡𝗚 𝗡𝗘𝗪𝗦🚨

Ilo wareedyo dhanka Ammaanka ah oo aan ka heleyno degmadda Raaga-Ceelle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxa ay sheegayaan duqqeyn dhanka cirka oo ka dhacday deegaanka Sumadaale lagu bur buriyay baabuur dagaal oo ay wateen Argagixisadda Maleeshiyadda Kooxda AS ee ku sugan Sumadaale.

Sidoo kale, Argagixisadda Maleeshiyadda kooxda AS oo wata gaadiid dagaal iyo Ciidamo faran badan, ayaa maalmihii ugu dambeeyay isku arroorsanayay deegaanadda Sumadaale iyo Geel-gub ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, iyagga oo aan la ogayn halka ay ku wajah naayeen Maleeshiyaddaas.

Balse Maleeshiyadda Kooxda AS, ayaa suuragal ah in ay weerar ku ahayd sida deegaanka istiraatiijiga ah ee afarta wado isku marto ee Xaaji Cali taasoo ay ka baxaan Afar jid oo muhiim ah sida jidka aada dhanka galbeedka deegaanka Biyo Cadde, jidka aada bariga degmadda Cadale, Jidka aada dhanka koonfur ee Raaga-Ceelle iyo jidka kale ee waqooyi ee Geel-gub illaa Masaajid Cali Gaduud aada. Ilasoco24

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Toronto?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


501 Adelaide Street W
Toronto, ON
JHWX+5F