Adar Media

Adar Media

Share

08/17/2024

Monkeypox//furuqa daanyeerka.

Muxuu yahay cudurka Halsita ah, ee ku faafay Africa iyo meelo kale oo aduunka ah🤔🙀

Fadlan

08/14/2024

Shirkii Baarliin 1884 up 1885 Qaybta 1aad

Shirkii Baarliin 1884 ilaa 1885 waxa uu ahaa shirweyne ay iskugu yimaadeen, madaxdii wadamadii reer yurub si loo qeybsado Qaarada Africa. Iyadoo la adeegsanyo Khariirado Gacan ku samays ah. wadankastana loo xariiqayo, wadamada uu guumaysan lahaa. Iyo adoo aan waxa tixgalin ah la siinayn dadkii afrikanka ahaa ee dhulka iska lahaa.

Hadaba maxay ahayd sababta ay reer yurub u doonayeen inay uguumaystaan Qaarada Afrika?.

Sababaha ugu muhiimsan ee loo
guumaystey Africa waxa kamid ah.

1: Dane dhaqaale: Markii la gudo galay qarnigii 18 waxa wadamadii reer yurub ka bilaamay kacaankii warsahadaha, taas oo uu wadankastaaba kula tartameyey wadanka kale , sidii uu warshado u samysan lahaa. wadankasatana waxa uu bilaabay sidii uu warshadiisa ugu heli lahaa , khayraad qaydhiin, shaqaale Jaban, iyo suuqyo uu u iib geeyo alaabta uu soo saaro. Taasana waxay u arkayeen in meesha laga heli karo ay tahay Africa.
2: sababo istaajiyadeed iyo kuwo siyaasadeed: wadamadii reer yurub waxay doonayeen, inay balaadhiyaan saameyntooda, iyo tartanka ay kula jiraan qudaha kale ee caalamaka. Iyaga oo kula taratameyey goobaha istaraatijiga aha , sida , dakadaha muhiimka ah, iyo wadooyinka ganacsiga
3:Horumarka Tignoolajiyada: Hal-abuurka gaadiidka iyo hubka ,carsiga ah sida maraakiibta uumi ayaa u sahashay reer Yurub inay sahamiyaan oo ay maamulaan dhul baaxad leh.
3: sababo ganacsi: kadib markii uu dhamaadey Ka ganacsigii adoomaha ee qaarada Afrika, Reer yurub waxay doonayeen inay soo gurtaan khayradka aadka u badan ee ka buuxa qaarada Afrika.
By Adar Media

08/09/2024

Kwame nkrumah, waxa uu dhashay wadanka Ghana, 21kii bishii September 1909kii.

Waxa uu wax ku soo baratey wadanka maraykanka, jaamacada Lincoln University iyo jamacada pennsylvania.

Sanadkii 1947kii ayuu wadakiisii Ghana dib ugu soo noqday isagoo bilaabay Cadaadis ka dhan ah ingiriiska oo wakhtigaas guumaysnayey wadankiisa.

waxa uu noqdey hogaamiye ku suntan xornimo doon iyo midaynta waddama Qaarada Africa. Wuxuu u lololayn jirey sidii wadankiisu iyo wadamada kale Qaarada Afrikaba Xoriyadooda u ga qaadan lahayeen, Guumaystihii reer yurub.

Waxa uu soo abaabulay mudaharaadyo lagu mamnuucayo alaabtii reer yurub. Wakhti kadibna waa la xidhey isaga iyo hogaamiyeyaal kale , laakiin mudo kadib waa layska sii daayey.

Ugu danbeytiina waxaa loodoortey,madaxweynihii ugu horeeyey ee wadanka Ghana 🇬🇭 1957kii.
Ghana nina waxay noqotey wadankii ugu horeeyey ee xoriyadiisa ka qaata Qaarada Afrika. iyadoo xoriyadeeda ka qaadatey guumaystihii ingiriiska.

By ✍️Adar media

07/24/2024

Africa || Ethiopia wadanka ku yaala Geeska Africa oo la guumaysan

Want your business to be the top-listed Media Company in Toronto?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Toronto, ON