Cade
22/08/2023
Innaalilahi wa innaa illeyhi rajicun
Innaalillaahi wa Innaa Illeyhi Raajicuun
Guud ahaan Hogaaminta Kulliyada Waxbarashada Macalimiinta Qabridahar, Shaqaalaha kaladuwan iyo Bareyaashuba, Waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Waalidka, eheladda iyo dhamaan bahda waxbarashada ee uu ka baxay marxuum Maxamed Maxamuud Axmed oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga, kana mid ahaa Ardayda Dufcadda 8aad ee sanadkan 2015 ka qalinjabiyay tacliinta Diploma ga, waaxdiisa tacliimeedna ay ahayd waaxda Xisaabta.
Eebbe ha u naxariisto marxuumka, eheladana sabir ha ku kabo. Waxaa runtii lagu xasuusan doona marxuumka, In uu kamid ahaa ardaydii ugu aslaabta badnayd ee soo mara kulliyada waxbarashada Macalimiinta Qabridahar.
19/07/2023
WARGELIN MUHIIM AH
Waxaan ku wargelinaynaa Ardayda Waaxda ECCE-da ee qaadatay wajigii koowaad ee Waxbarashada (Phase One), kana kala yimid Degmooyinka; Garbo, Qalaafo, Qabridahar iyo Wardheer, kana mid ahaa Ardaydii loogu yeedhay xiligan Waxbarashada Xagaagga, in dib loo dhigay yeedhitaankoodii ilaa amar dambe.
Mar kale, waxaan Ardaydaa ku wargelinaynaa in ayna imaanin kulliyada ilaa amar dambe.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Website
Address
Dubai