Tooshka Shacabka

Tooshka Shacabka

Share

05/10/2022

"Waxaan baaq u dirayaa shacab-weynaha Soomaaliyeed, meel walba oo ay joogaan, waxanan si qaddarin leh uga codsanayaa in ay mar kale igu garab istaagaan dib-u-doorasho ku dhisan danta shacabka. Xubin kasta oo ka mid ah baarlamaankeenna, waxay matashaa ku dhawaad 60,000 oo shacab ah. Waxaan Allaah uga baryaynaa in uu dalkeenna ugu deeqo nabad waarta iyo nolol wanaagsan." Madaxwayne Farmaajo.

.

06/12/2021

Dil ka dhacay Caabudwaaq Iyo Fashilka maamulka Dagmada... (Aqriso)

Allaha u naxariistee waxaa subaxnimadii horre ee saaka lagu dilay dagamada caabudwaaq marxuun Axmed odawaa oo kamid ahaa muruq-maalka deegaankaas.

Koox ku hubaysan bastooladdo ayaa toogtay marxuunka xili uu salaadda subax kasoo baxay oo isku diyaarinayay inuu shaqo tago. Dilka ka dib dabylaydii dilka gaysatay ayaa goobta iskaga baxsaday.

Marxuumka ayaa ahaa shaqsi si wayn looga yaqaan caabudwaaq kanasoo jeedda beesha jareer-wayn ayaa waxaa dilkiisa ka xumadaay dadwaynaha deegaanka waxaa ayna sameeyeen dibad baxay balaadhan oo ay ku dalbanayeen in caddaaladda la hor keeno dadka ka dambeeyay dilkiisa.

Qaar kamid ah dadkii ka cadhaysnaa dilka marxuumka ayaa u sheegay in hay'addaha amaanka dagmada ay ka gaabiyeen baadigoobka iyo soo qabashada kooxdii falkaa ka dambaysay.

Saraakiisha nabadgalyada oo aan la xidhiidhnay ayaa diiday in ay wax faahfaahin ah ay nasiiyaan. Ma jiro wax howlgal ah oo ay sameeyeen booliska iyo dhamaan hay'addaha amniga dagmada oo lagu soo qabanayo gacanku dhiiglayaalkii falka gaystay. arrintaa ayaa aad uga cadhaysiisay dadka deegaanka waxa ayna ku tilmaameen cunsiriyad iyo caddaalad darro.

Amniga dagmada caabudwaaq ayaa ah mid faraha kasii baxaya waxaana inta badan ka dhaca falal liddi ku ah amniga dagmada, sida dilal kufsi iyo kooxo budhcad ah oo xiliyada hamaynkii ah dadwaynaha xaafaddaha u gaysta dhac.

Maamulka dagmada ayaa ah kuwa ku fashilmay amniga deegaanka iyo guud ahaan addeega bulshada, gansatada dagmada ayaa inoo sheegay in bilkasta laga qaado lacaggo baad ah oo ay canshuur ahaan u bixiyaan balse aysan jirin cid wax ugu qabata dhaqaalaha laga qaado deegaanka.

Boqolaal kun oo doolar oo ah Lacagta canshuurta ee kasoo xaroota dagmada ayaa ku dhacda jeebabka rag ka tirsan maamulka fashilka ah ee caabudwaaq.

Kusimaha guddoomiyha dagmada mahad Cumar iyo xubnaha maamulka oo la magacabay 05/November/2015 ayaa ah kuwa xili h**e waqtigu ka dhamaday.

Want your business to be the top-listed Media Company in Columbus?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address

Columbus, OH