Moha Omar

Moha Omar

Share

07/06/2022

Ninkan Maraykanka ah ee magaciisa la yidhaahdo Jonathan Lee Richer, ayaa noqday qofkii ugu dacwada badnaa dunida.

Sababaha uu dadka ku dacweynayeyna qaarkood waxa ay ahaayeen sababo lagu qoslo ama aan macne laheyn.

Hooyadii ayuu dacwad ku oogey, isaga oo ku eedeeyey in aysan si fiican u soo korin, waxaana uu ka qaaday lacag magdhaw ah oo dhan $20,000.

Waxa kale oo uu dacwad ku oogay dhamaan saaxiibadii, isaga oo ku eedeeyey in ay si xun ula kaftami jireen oo ay caayi jireen iyo waqtiga ay la balamaan oo ay ka soo habsaami jireen.

Waxa uu dacwad ku oogey dariskiisa, macallimiintiisa, qaraabadiisa, xaaskiisa, madaxweynayaaaha wadamada qaarkood, dad magac leh iyo xataa qaar ka mid ah askarta.

Tirada dacwadaha uu dadka ku oogey waxa ay gaareen 2,600 oo dacwadood illaa uu ku guuleystay abaalmarinta " Genius world record "

Kadib waxa uu dacwad ku oogey mas'uuliyiintii "Genius World Record" isaga oo ku eedeeyey in ay ka dhigeen qof caan ah, ayna faafiyeen warbixintiisa shakhsiga ah iyaga oo aan ogolaansho ka haysan isaga.

Sidoo kale waxa la sheegay in uu dacwad ku oogey qaar ka mid ah shirkadaha sameeya ciyaaraha Games-ka, isaga oo ku eedeeyey in ay wakhti badan ka lumiyeen yaraantiisii.

Waxa u suurto gashey Jonathan in uu dacwadahan faraha badan ka helo lacag magdhaw ah oo dhan $850,000.

Wakhti uu wareysi siinayey mid ka mid ah TV-yada caanka ah ayaa Jonathan waxa uu si murugo leh u weydiiyey weriyihii: “Waa maxay sababta aan keli u ahay ee aanay cidina ii jeclayn?. Ninkii weriyaha ahaa ayaa aad ugu qoslay su'aashaas.

Jonathan ayaa dacwad ku oogey weriyihii iyo TV giiba isaga oo ku eedeeyey in ay ku dheeldheeleen oo ay dhawri waayeen dareenkiisa waxa aanu magdhaw ahaan uga qaaday lacag dhan $50,000.

kawarama ninkan dacwadihiisa Cajaa'ib ka ah 😂

Telephone