SomaTactics

SomaTactics

Share

11/06/2026

Garsooraha ugu caansan caalamka waqti xaadirkaan waa Somali and we’re so proud of him Omar Abdulkadir Artan 🙌

World Cup-kii laga soo celiyay ciyaarta lagu furi doono caawa asiga ka trending sareeyo cajiib!

11/06/2026

Qaybta 3-aad iyo wadamada heysto jaaniska ugu fiican ee koobka aduunka ku guuleysan karo:

Tier C: Hubka Qarsoon ee Koobka (Brazil 🇧🇷 - The Dark Horse) 🐎

5. Brazil:

Haddii uu jiro waddan aan filasho badan laga qabin laakiin sameyn kara lama filaan, waa Brazil.

Seleção sanadkan waxaa hoggaaminaya Carlo Ancelotti oo 'Master” ku ah tartamada bug-baxa.

Inkastoo Brazil sanadkan aysan wadanin Fullbacks farqi sameyn kara, haddana waxay haystaan Goolhaye, 2 Daafac Dhexe, iyo DM khibrad fiican leh. Ciyaartoydaan oo kale muhiim ayay u yihiin koox uu Ancelotti macalin u yahay.

Brazil oo kubad ahaan lagu naaneyso “Joga Bonito / Ciyaar qurux badan”, sanadkan ma jireyso. Sababta ugu weyna waa Ancelotti oo ah macalin natiijo-raadis ah (Pragmatic).

Qaab ciyaareedkaas Pragmatic-ga ah ee Ancelotti dad badan ayaa dhaleeceeya oo ku tilmaama “Nasiib”! Laakiin waqtigiisii Real Madrid oo mar walba tartanka UCL la dhihi jiray "Wareegga xiga ma dhaafayo" ilaa uu koobka ka qaado, nasiib laguma tilmaami karo. Sanadkanna Brazil wuxuu u dheelsiin doonaa isla qaabkii Real Madrid (Koox difaaceeda gool ka ilaalinaysa, sidoo kalena si wacan uga faa’ideysanaysa tayada weerarkeeda).

Vinicius Jr ayaa sanadkan xulka hoggaamin doona, waana halista kaliya ee uu Ancelotti u bareeray, maadaama uu kooxdiisa dhan ku dul dhisay awoodda Vini (oo bandhig ahaan xulka aad uga hooseeya marka lala barbardhigo Vini-ga Real Madrid). Balse haddii ay 'Click' dhahdo oo ay shaqeyso, Brazil waa koox garaaci karta waddan walba.

Tier D: Xulka Aan La Saadaalin Karin (Portugal 🇵🇹) 🎲

6. Portugal:

Waa waddanka kaliya ee meeshaad u qaaddaba aadi kara! Aniga ahaan, Portugal waxaan u arkaa waddan aan la saadaalin karin (Unpredictable).

On paper, waa mid ka mid ah xulalka haysta ciyaartoyda ugu fiican tartanka oo dhan. Qadkooda dhexe waa meesha ay ugu xooggan yihiin sida Spain oo kale. Sidoo kale waxay wataan Mendes, Dias, Rafael Leo iyo Cristiano. Dhankaas markaad ka fiiriso, definitely waa waddan aan laga saari karin suurtagalnimada ay koobka ku qaadi karaan.

Laakiin, markaad ciyaarahooda daawato, xisaab middaas ka duwan ayaa kusoo baxeysa, sababtoo ah waa koox si fudud gool looga dhalin karo. Difaacooda isku xirnaan badan ma lahan, is-fahamka weerarkoodana waa eber oo wax chemistry ah k**a muuqdo!

Waxaa taas usii dheer macalinkooda oo go’aan qaadashadu ku adag tahay; sababtoo ah hadduu is-yiraahdo kubad is-ilaalin u badan dheel, waa adag tahay in DM sida Vitinha oo kale ah lagu dheelo system noocaas ah. Hadduu is-yiraahdana kubad heysasho dheel, weerarkiisa ayaa u saamaxeynin. Waana sababta aan 6-da kooxood uga dhigay kooxda ugu hooseysa.

Portugal, shaqsi-shaqsi haddii loo fiiriyo koobka way qaadi karaan, laakiin Koox ahaan uma muuqdaan. Waa sida Shilin aad kor u tuurtay oo aad sugeyso Madax iyo Xarash waxa kaga soo baxa!

Telephone

Website